Waxa marag ma doon ah in guul laga gaadhay socdaalka Madaxweynha ee indho-indheenta iyo xog uruursiga ee dhul balaadhka dalka Somaliland, gaar ahaan gobalada bari. Waxa Madaxweynahu gaalaabixiyey safar dheer oo jid mar ah, dhul durugsan oon jid wacan lahayn, duruufo dhaqaale

xumo iyo mid maamul ka jiro. Waxuu taabtay xuduudka bari ee dalka. Waxuu siyaartay ciidamada jiida hore ee difaaca qaran oon Madaxweyne hore gaadhin. Muu ahayn safar dalxiis iyo nasasho. Maalin keliya ayuu ka wada qudbadeeyey Harsheekh, Xaaxi iyo Oodweyne habeenkiina u hoyday Burco isla subixii ayuu ka baqoolay waxuuna cago-dhigtay Laascaanood, Tukaraq deedna Caynabo intaba waxay u ahayd qudbad iyo shirar isla habeenkii waxuu ku soo gurya-noqday Burco oo subaxii filaysay inay fagaare kula kulmaan wafdiga. Waxa la galay shirar maamulka iyo waxgaradka Togdheer, subaxiina waa tii la sugaayey ee waxay ahayd xus gaar ah iyo goobtii lagaga dhawaaqay qarannimada Soomaliland iyo fagaare hadalkii. Jiirtii subaxna  waxuu cagta saaray jiidii bari iyo gobalka kheyraadka badan ee Sanaag. Waa jid dheer oon dhisnayn, waa dal cabashada ugu horeysaa tahay jid xumo. Cidi uga waramimeyso oo isagaa hadda iyo horreyba u maray.

Waa Garadag, Ceel-afweyn, iyo Ceerigaabo.

Haddaba Ujeedadu maxay tahay

Mahadnaq doorashadii shacbigu u codeeyeen. Waa mid muwaadinku istaahilo, gaar ahaan reer KULMIYE oo ah cidda guusha doorashu keli u sheegan karta. Waxa wafdiga weheliyey Guddomiyaha xisbiga Muuse Biixi oo si gaar ah ula kulmaayey guddiyada xisbiga iyo hawlwadeenada. Waxa iyana dhankooda ka waramaayey waxqabadka xukuumadda Wasiirada ka midka ahaa wafdiga.
Qiimeynta wax-qabadka xukuumadda ee gobalada. Madaxweynaha waxa u suurtagashay inuu toos u dhugto wax qabadka Wasaaradaha ee gobalada isagoo hore u hayey warbixinta xukuumadda. Waa qiimeyn uu ku arki karo dhabta waxqabad iyo warbixintuu ka hayey Wasiiradiisa.
La-kulanka bulshoweynta gobalada si uu uga dhegeysto tabashadooda iyo halkey waxqabadka ugu culus ka rabaan, tabashadooda maamul, qiimeyntooda wasaaradaha iyo saraakiisha u xil saaran.
La-kulanka maamulka gobalada iyo degmooyinka oo leys dhaafsado xogwaran labada dhinac ah.
Baraarojinta iyo kor-u-qaadka dareenka wadajir,ilaalinta nabadda, ka-qaybgalka horumarinta dhaqaale, iyo wacyigelinta guud ee bulshada.

Kolka intaasi ahyd hadafka socdaalkani, side looga faaídeysasn karaa:

1.     Waa in la helaa qoraal dheer oo xubnaha wafdigu ka shiraan kana qoraan gobal kasta iyo degmo kasta xogwarankeeda. Dabcan cid ayaa u xilsaaran qoraalka, waxa se muhiim ah in xogwaran dhmmeystiran oo xubinaysan la helo lagana shiro oo qoraal leysku raaco la qoro si loogu gudbiyo Madaxweynaha.
2.     Qoraalka isagoo qiimeynaaya, kuna daraaya dareenkiisa iyo siduu u arko waa inuu ku qoáan qaataa, isagoo u gudbin doona kolba wasaaradda iyo hayádda ay khusayso.
3.     Si qiimeynta wasaaradaha loo dhammeystiro, waxa habboon in wasaarad kasta laga dalbo warbixineedka sanadka ay xilka haysay iyo qorshaheeda sanadka soo socda oo gobalaysan oo degmadeysan.
4.     Taasi waxay ay cadayn doontaa hawsha laga filaayey inta qabsoontay, waxa hortaagan iyo siday u dhaqaajin karto mustaqbalka.
5.     Waxa u fududanaysa Madaxweynahu inuu dabagal dhab ah ku sameeyo waxqabadka xukuumadda, iskuna xidho dareenka bulshada gobalada iyo baahiyaha dalka iyo barnaamij hawleedka ee Wasiir kasta ka filaayey.

Waxaan ahaa nin in badan ku taliyey in si degdeg ah loo maro dalka isla doorashada dabadeed si bulshada loogu mahadnaqo. Waxa waayo-aragnimada Madaxweynahu noqotay in socdaalku ku wacan yahay mid mahadnaq, iyo wax-u-sheeg noqda oo horta wax la qabto, lan darso duruufaha dhabta ee maamulku dhaxlay. Waana mid ka muuqata guusha laga gaadhay. Waxa si gaar ah u qurxiyey socdaalkan iyadoo dunidoo dhan laga daawanaayey isla mar telefishanka qaranka. Waxayna noqotay mid aan cidina midab kale iyo maroorin siyaasadeed loo helayn. Waa indhahaaga iyo dhegahaaga ayaa kuu macalin ah, 

Xiligan oo lagu gudo jiro diyaarinta miisaaniyadda 2011, waa in lagu saleeyaa siyaasadda iyo aragtida Madaxweynaha kolka uu darso xogwaranka socdaalka iyo qoraalada laga qoray, warbixinta wasaaradaha iyo hayádaha ee la xidhiidha waxqabadka sanadka, qorshihii 2010 waxa ka qabsoomay, sababta ay u qabsoomi waayeen, iyo qorshahooda 2011 oo degmedysan oo gobalaysan. Taas ayaa sal looga dhigi karaa miisaaniyad ka turjumta hadafka siyaasadda hormarinta dalka oo dabcan ku dhisan himmilada shacbiga ooy xakamaynayso italka maamul iyo dhaqaale ee dalka iyo kala doorashada baahiyaha badan ee meel walba jira oon marba xoogaa la daboolo,iyadoon cidina filayn in mar qudha iyo xili dhow toona la wada dabooli karo.

Waxa qiimeyntani tahay mid habboon inay ku soo uruurto abaalmarin isgu jirta mahadnaqa, canaan, dalacaad, casilaad, wax-bedel iyo garabtaabasho dheerigelin. Waa in hawlwadeenada heer qaran, gobal, iyo degmaba la qiimeeyaa oo la saaraa miisaanka, (Performance Evaluation). Waxa socdaankani yahay fursad uu madaxweynahu u helay inuu toos ula xidhiidho bulshada soona arko duruufaha dhabta ah, iyadoon turjumaan iyo dayr midna u dhaxayn.

Madaxweynahu waxuu muujiyey inaan cidina uga dhabaradkeen kolka danta guud iyo horumarinta bulsho loo dhaqaaqo. Soo-jeedka dheer, iyo safarka aan nasashada lahayn, iyo dhegeysiga aan haamansiga lahayn iyo dulqaadka uu dhexgalka bulsho ee habaas iyo garbin midna uga joogin dhex-socodkooda, maqalka canaantoodu, cabashadooda, u dulqaadka buuqa iyo muranka mararka qaar dhexgalka ka dhasha, waxa hubaal ah inuu Madaxweyne Axmed maankiisa ku sajilay barnaamaj hor leh oo waxqabad iyo horumarin maamul oo cusub leh si loo dhammeystiro qorshaha sanadka inta ka hadhsan iyo in la helo miisaaniyad horumarineed sanadka soo socda.

Ugu dambeyn, aan bulshada ugu yeedho qiimeynta dhabta ah ee socdaalka iyo hammiga dadweynha. Aan noqon dad hore u socda oon ka waantowno dib usocodka, iyo muranak ma-dhalayska ah. Doodo ha noqoto waxqabad iyo sidaas ayey ku wacanatay iyo sidana ka habboon. Mucaarid iyo muxaafidku ha ku loolamaan waxqabad iyo barnaamaj hawleed, dadweynahuna ha nqodo mid u darban danta guud iyo la-xisaabtanka mas’uuliinta ay hawsha u dhiibteen.Ogow masúuliinta xisbiyada iyo ururaduba waa ka mid oo xil qaran ayey hayaan, waxayna tartan ugu jiraan hogaaminta berri ee yaan la-xisaabtankooda la yareysan. U fiirso doodahooda, odoros barnaamajkooda iyo hab-dhaqankooda maamul. 

Aan qiimeynu waxqabadka manta si aynu u helno mustaqbal wacan.

Wadajir iyo midnimo

Mahad oo dhan Alle ayaa leh

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynah ee Dhaqaalaha

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *