Hargeysa (ANN) Maareeye ku-xigeen loo magcaabay  dhowaan Madabacada Qaranka Jaamac Axmed Cabdiraxmaan ayaa maanta  si rasmi ah xilka loogu wareejiyay, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay ee  uu jagadaa baneeyay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo haatan ku nool

 

dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada London
Munaasida xil wareejinta oo maanta  lagu qabtay hoolka shirarka ee Madbacada Qaranka, waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada ciyaaraha, mareeyaha Madbacada Qaranka , Sallaadiin iyo marti-sharaf kale, waxaana xilka loo magacaabay masuulkan  cusub ku wareejiyay  maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal oo si ku meel gaadh ah u hayay.
Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal oo   ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweyanayo masuulkan cusub oo ka saacidi doono shaqada Madbacada, isla markaana uu rajaynayo in uu noqdo nin kasbada  kalsoonida shaqaalaha ka hawlaga Madbacada.
Maareeye ku xigeenka cusub Jaamac Axmed Cabdiraxmaan oo  isna ballan qaaday wado shaqayn wanaagsan oo dhexmarta isaga iyo  maareeyaha Madbacada, oo uu sheegay inuu aqoon dheer u leeyahay oo aanay isku cusbayn.
dhinaca kale sarkaalka xilkaa loo magcaabay ayaa ah Nin dhalinyaro ah oo si firfircoon uga muuqan jiray abaabulada dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada  ee kal hore, wuxuuna ka mid noqonayaa masuuliyiinta dhinaca dhalinyarada ee  Madaxweyne siilaanyo ku daray xukuumaddiisa oo hada ka dhex muuqda Hay’addaha dawlada Somaliland, taas oo Madaxweyne hore ugu balanqaaday inuu dhalinyarada saami ka siin doono xukuumadda dhalinyarada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *