Hargeysa(ANN)Xubno Wefti ah oo ka socda Baanka Caalamiga ah ee faransiiska oo loo soo gaabiyo  BCIMR, isla markaana uu hogaaminayo agaasime goboleedka Baankaa oo lagu magacaabo Ould Camaar Yaxya iyo Isuduwaha BCIMR Mr. Cawil Muuse Jaamac oo ka kooban 5 xubnood ayaa kulan

kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Kadib markii ay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  xafiiskiisa ku boooqdeen shalay, Madaxweynaha  ayaa  si weyn u soo dhaweeyay  xubnahaa ka socday Baankan caalamiga ah,  wuxuuna xusay inuu Baankani  kaalin wayn ka gaysanayo horumarka wadanka, oo uu ku faraxsan yahay xafiiska ay ku leeyihiin Somaliland xaruntiisa Hargeysa.
Madaxweynuhu wuxuu u balanqaaday xubnaha weftiga in sharcigii Baananka ay xukuumaddu diyaarisay, isla-markaana ay u gudbisay Golaha Wakiillada, oo ka gudanaya waajibkooda distooriga ah.
Dhinaca kale Weftiga ka socda Baanka Faransiiska ah ayaa dhinacooda muujiyay inay danaynayaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen, isla markaana uga qayb qaadan  lahaayeen horumarka ay ku talaabsatay Somaliland.
“laba  sano iyo Badh ayaanu daganahay Somaliland, anaga oo hada Jabuuti joogna ayaanu ka qayb-qaadanay horumarka Somaliland, waxaana jira wershado aanu gelinay maal-gashi kuwaasoo uu ka mid yahay Company Coca Cola ee dhawaan la furayo, shirkadii Abyan ee sharaabka, shirkada Geeddeeble ku taala ee iyana alaabooyinka soo saarta, Hodan Shiraqle Company ayaa ka mid ah, anaga oo aan wadanka wada daganayn ayaanu hadana dhaqaalahaas adag gelinay, hadii xafiiskayagu si rasmi ah u furamana maxaad u malayn, waxa naga go’an oo aanu diyaar u nahay in aan kala shaqayno bulshada Somaliland dhinaca wershedaynta iyo maalgashiga.” ayuu yidhi Mr. Cawil oo faahfaahin ka bixiyay BCIMR.
“Wershadaynta wadanka ayaanu ka qayb-qaadaynaa, waxa nagala qayb-galaya sanduuqa maalgelinta faransiiska iyo caymisyo faransiis ah ayaa arrimahaas wax nagala qabanaya,”ayuu yidhi.
Weftigaa  oo todobaadkii hore yimi dalka, waxa  kusoo dhaweeyay madaarka Hargeysa  Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Dr. Cabdi Dirir, waxayna intii ay ku sugnaayeen magaalada caasimada ah ee Hargeysa kulamo la qaateen, wasiirka Maaliyadda Somaliland, Eng. Maxamed Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Baanka BCIMR oo keliya maaha Bangiyada caalamiga ah ee danaynaya inay xarumo ka furtaan Somaliland, balse waxa  jira Bangiyo  kale  oo doonaya inay Somaliland ka furtaan xarumo, tusaale ahaan  Bangi laga leeyahay wadanka Switzerland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu ka hawl-galayo Somaliland oo xafiis iyo xarun ka furan doono. Waxayna dhawaaqyada Baanankan iyo wufuuda ka socotaa  kusooomaliland horyaal  sharciga Baananka oo aan weli lasoo saarin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *