Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye, ayaa soo saaray maanta liiska guddi loo xilsaaray qabanqaabada shirweyne lagu dooran doono xidhiidhka cusub ee kubadaha gacmaha Somaliland. Guddiga qabanqaabada oo ka kooban 7 xubnood,

waxa
loo xilsaaray diyaarinta shirweyne lagu dooran doono xidhiidhka kubadaha gacmaha Somaliland oo aan la dooran tan iyo sannadkii 20007.
Qoraal saxaafadda loogu talogalay oo Wasiirku ku shaaciyay magacyada xubnaha guddiga qabanqaabada iyo waajibaadyada ay gudan doonaan, waxa uu u qornaa sidan:-
“ Waxaan u magacaabay xubnaha hoos ku xusan inay noqdaan guddida qabanqaabada doorashada ee xidhiidhka kubbada kolleyga, iyada oo waajibaadkooda shaqo yihiin:
Diyaarinta sharciga doorashad iyo musharraxiinta
Midaynta waqtiga doorashada
Diyaarinta kharashaadka iyo baahiyaha doorashada
Dayaarinta sharciga xidhiidhka kubbada Kolayga
Diyaarinta shir-guddoonka doorashada
Magacyada xubnaha guddiga qabanqaabada:
Rashiid Cismaan Maxamed     Guddoomiye
Khaalid Xaaji Aadan Cabdi      Guddoomiye-ku-xigeen
Maxamed Axmed Maxamuud   Xoghaye
Maxamed Nuux Jibriil               Xubin
Khadra Maxamed Cabdi           Xubin
Maxamed Xuseen Dhabeeye    Xubin
Nasri Ibraahim Axmed              Xubin,” ayuu Wasiir Faahiye ku soo geba-gebeeyay degreetada uu ku magaacabay guddiga qabanqaabada shirweynaha lagu dooranayo xidhiidhka kubadaha gacmaha Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *