Hargeysa (ANN) Shirweyne ujeedadiisu ahayd sidii loo horumarint lahaa waxbarashada luqada  af-soomaaliga oo muddo saddex maalmood ah ka socday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta lasoo gebogabeeyey. Shirweynahaa oo ay ka qaybgaleen wufuud iyo aqoonyahanno

ka badan 200 ergay oo ka kala socotay degaannada Soomaalidu degto sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland iyo weliba wufuud kale oo ka kala socota dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Malawi iyo Imaaraadka Carabta, hay’ado fara badan oo isugu jira Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah, waxa soo qabanqaabisay hay’adda horumarinta waxbarashada Adduunka ee EDC, waxaanna maalgelin ka gaystay shirkado wadani ah oo inta ugu badan ay bixisay shirkadda Dahabshiil, halka shirkadaha Daallo, Ilayska Togdheer iyo Sagal Jet kaalmaha ku xiga ku lahaayeen shirka.

 


Muddadii shirweynuhu socday waxa si weyn loogaga dooday heerka aqooneed ee carruurta afka soomaaliga ku hadasha, tayada luuqada Soomaaliga, siyaabaha dugsiyada iyo jaamacadaha degaannada soomaalidu degtaa ugu gudbiyaan carruurta waxbarashada ay bixinayaan, sidii looga bixi lahaa caqabadaha hortaagan loona horumarin lahaa. Waxaanna madasha casharro iyo tusaalooyin hannaan habboon oo waxbarashada lagu horumarin karo ku soo bandhigay khubaro kala duwan oo ajaanib iyo Soomaaliba isugu jirtay.
Sidoo kale, Kaaliyaha madaxa Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka Dr. Maxamed Khaliifa, ayaa madasha ku soo bandhigay daraasad qiimo badan oo ka tarjumaysay siyaabaha loo maro gudbinta waxbarasho tayo leh, barbaarinta saxda ah ee carruurta iyo hoggaaminta toosan.
Aqoonyahanno ka kala socday qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaal degaannada soomaalida degto oo gebogabadii shirweynaha khudbado ka jeediyey, ayaa iyaguna ka waramay dariiqyada ay u maraan waxbarashada ay siiyaan ubadka soomaaliyeed iyo caqabadaha ka horyimaada, iyagoo si gaar ah farta ugu wada fiiqay in luuqada afka soomaaligu u muuqato mid baaba’aysa oo laga tagayo, isla markaana da’yarta dhalanaysaa wax badan ka aqoon.
Dhinaca kale, waxa shirweynaha lagu ammaanay doorka shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil ka qaadato horumarinta waxbarashada ubadka soomaalida ah, kadib markii uu halkaasi warbixin arrintaasi ka hadlaysa ka jeediyey Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Dahabshiil Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis).


Khudbadda Xasan Xiis oo ahayd mid dheer waxa uu kaga xog-waramay taariikhda shirkadda Dahabshiil, heerarkii ay soo martay iyo qaybaha ay wakhtigan ka kooban tahay ee kala ah xawaaladda, bangiga, isgaadhsiinta iyo qaybga ganacsiga.
Waxa kale oo uu tilmaamay in doorka shirkaddu ka qaadato arrimaha bulshada, isagoo sheegay in shirkadoodu labaatankii sanno ee u dambeeyey masuuliyad weyn iska saartay inay gacan ka gaysato horumarinta adeegyada aasaasiga dhammaan degaanada Soomaalidu degto, waxaannu carrabaabay in waxyaabaha mar walba taakulada ka gaystaan ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gurmadka masiibooyinka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha sida biriijyada iyo waddooyinka, dhismaha nabadda iyo qaar kale.
“Dhammaan jaamacadaha waaweyn ee ku yaal Somaliland, Soomaliya iyo Puntland waxaannu siinaa dhaqaale sannadle ah oo aannu kaga qaybqaadano horumarinta waxbarashada, waxaannu lacag ka bixinaa arday badan oo ku jirta jaamacadaha. Waxaannu ka qaybqaadanaa dhismaha iyo dib-u-habaynta dugsiyada waxbarasho, iyadoo aannu marar badan ardayda ugu deeqna buugaagta iyo agabka ay ku bartaan waxbarashada,” ayuu yidhi Xasan Xiis oo ka hadlayey doorka ay ka qaataan waxbarashada.
Madasha shirweynaha ayaa si weyn looga soo dhaweeyey khudbaddaasi uu madaxa xidhiidhka dadweynaha Dahabshiil kaga waramay doorka ay ka qaataan arrimaha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah ergooyinku si kaftan ah u soo jeediyey in haddii la doonayo horumarinta waxbarashada iyo afka Soomaaliga loo dhiibo shirkadda Dahabshiil.
Gebogabadii waxa la isku raacay in laga shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa luuqada afka soomaaliga iyo in dib loo soo celiyo luuqadii asaasiga ahayd ee Soomaaliga ee dhammaan degaanada soomaalidu degto laga isticmaali jirtay oo la sheegay inay meesha ka baxday.
Madaxa xafiiska EDC ee Somaliland Drs Khadar Cabdiqaadir oo shirka soo xidhay ayaa u mahadnaqday dhammaan ergooyinka ka qaybgalay shirweynahan oo ah kii ugu horreeyey laguna qabto Somaliland iyo cid kasta oo ka qaybqaadatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *