Hargeysa(ANN)Kulan Doodeed  ku saabsan Kaalinta  ay Qurbajoogu ka qaadan karan Horumarka  dalka sida dhaqaalaha Caafimadka iyo Nabadgelayda Somaliland ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Jamacad Hargeysa xalay caweyskii, Doodaa waxa soo qaban qaabisay Wakalada Qurbajooga

 

ee Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo magcaabay.
Waxana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro), Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Insaanka qaranka Marwo Aamin, xildhibaano iyo maamulka Wakaaladda Qurbo Jooga reer Somaliland.

Dooda  oo ay Maalgalisay Shirkada Somtel oo kaalinweyna ka qaadatay fududeysaynta  in si dhib yar caalamka looga daawan karo xafladaa si toos ah, waxa ugu horeyn furay Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, waxaanu tilmaamay in qurbo jooga reer Somaliland ay yihiin laf dhabarta dhistaanka dalka Somaliland
Wasiirul dawlaha arrimaha dibadu waxa uu kula dardaarmay dhamaanba dadka gudaha ku sugan in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha Wakaaladda Qurbo Jooga Somaliland Cabdicasiis Muxiyadiin waxanu sheegay in wakaaladda Qurbo Jooga reer Somaliland Mudadii Koobnayd ee ay jirtay ay ku talaabsatay sidii ay isugu xidhi lahayd dadka gudaha ku dhaqan iyo kuwa qurbaha.Waxanu madaashasi ka akhriyey waxqabadkoodii kal duwan ee ay qabteen.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Muuse Aadan Cabdi ayaa wuxuu  soo dhaweeyay dhamaanba ka qayb galayaasha dooda Xallay ka soctay Jamacada  Hargeysa, taas oo lagaga hadlayo doorka ay qurbo jooga reer Somaliland ku leeyihiin horumarka dalka Somaliland.
Guddoomiyaha wuxuu  amaanay dhamaanba qurbo jooga reer somaland,  waxaanu tilmaamay inay  yihiin laf dhabarta reer Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka hadlay doodaa ayaa dhiniciisa sheegay  in qurbo jooga reer Somaliland door weyn  ku leeyihiin horumarka Somaliland. Balse waxa uu  tilmaamay in loo baahan yahay sidii nabadda oo ah  waxyaabaha aasaasiga u ah jiritaanka reer Somaliland  gudo iyo dibadba looga qayb geli lahaa. Laakiin waxa uu xusay in qurbo jooga reer Somaliland waxtarkoodu aanu u badnayn sida ay ugu badan yihiin qurbaha.
Gabogabadii waxa madashaa  hadal  kooban ka jeediyey Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland  C/raxman Cirro waxaanu sheegay in qurbajoogu yihiin baalasha ay ku duusho Somaliland,  isaga oo xusay in dalka ka hirgaliyeen hawlo badan sida maalgashi iyo dalka oo sida uu sheegay ay  dhaqaale adag ku soo kordhiyan.
Guddomiyaha Shirkada Somtel Cawil Saalax  Cabdi oo Doodaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in shirkadoodu ay ka qaybgadato horumarka dalka waxanu tilmaamay in loo bahan yahay in laga shaqeeyo horumarka dalka, waxanu xusay in ay dalka ku soo hordhiyeen Tiknoolajiyad casri oo dhammaan dadweynaha reer Somaliland u riyaaqeen oo ay ku nasteen, waxanu hoosta ka xariiqay in shirkada Somtel tahay shirkada marwalba kalin ka qaadata horumarka dalka Somaliland.
Dhanka kale ee Shirkada Somtel oo iyadu ka mid ah Shirkadaha ugu waaweyn dalka  ee Telefoonada ayaa  maalgalisay  90%, Xaflada  xallay lagu qabtay Jamacada Hargeysa, isla markaana hirgalisay in Barnaamijkaa   si toos ah looga daawada Telefishanka Horn Cable Tv oo hada laga daawado meelo baddan oo aduunka ah. Iyadoo talaabadni u  mujinysa in shirkadda Somtel ay tahay Shirkad ka shaqaynaysa Horumarka Dalka Somaliland, isla markaana suurta gelisay in si toos ah looga daawado doodaa aduunka, iyadoo  Dhammaan Masuuliyiintii iyo Qurbajoogii ka soo qaybgalay Xafladaasi ay u mahad naqayeen Shirkada Somtel adeegan ay u fidisay iyo kulan doodeedka ay suurta gelisay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *