Sida ku cad distoorka Somaliland shacabku waxay sannadkii 2001uga gudbeen nidaamkii hab-beeleedka tubta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka asxaabta kala duwan oo muwaadiniinta xaq u siisay  inuu si xor ah wax u dooran karo, lana dooran karo, Hirgelintii doorashooyinka

iyo dimuqraadiyadu, iyagoo ugub ku ah bulshada Somaliland, hadana waxa suurtagashay inaynu qabsano afar doorasho oo kala ah; labo doorasho oo ah madaxtooyada; hal doorasho oo ah Golaha deegaanka iyo hal doorasho oo ah Golaha wakiilada.

Doorashooyinkaas kala duwan oo u dhacay hab xorra oo deganaansho,  ixtiraam iyo xilkasnimo ku dheehan tahay waxay caddeeyeen in shacabka Somaliland ka dhabeeyeen dimugraadiyad xambaarsan dhaqan iyo diinta suuban ee islaamka oo ku dayasho mudan; waxay muujiyeen dimugraadiyad ka duwan tan reer galbeedka oo kulmisay, hab dhismeedka beeleed ee bulshada, diinta islaamka iyo dimugraadiyada ay ku dhaqmaan caalamka reer galbeedka oo ay caddeeyeen  goobjoogayaashii caalamka ka socday oo qiray in ay ahayd doorashooyin waafaqsan kuwa adduunka hore umaray ka dhaca waliba baro dheeraysiiyay siiba doorashadii udanbaysay ee madaxtooyada iyo xil wareejintii labada madaxwayne kii hore iyo madaxwaynaha hada talada haya sida qurux badana aynnu indhaha caalamka ku soojiidanay.

Waxa caqabad wayn iyo dhabar-jab ku ah dimugraadiyada Somaliland mudda kordhinta Golaha guurtida. Doorashadii ugu horaysay dalku waxay ahayd tii Golaha deegaanka oo la qabtay sanadii 2002dii, muddada ladoortay xildhibaanada deegaanka waxay ahayd 5sanadood. Markii wakhtigaasi dhamaaday waxaa muddo kordhin 5sanadood oo kale u kordhisay Golaha guurtida. 
Doorashadii labaad waxay ahayd kursiga ugu sareeya dalka ee madaxwaynaha sanadkii 2003dii, waqtiga ay shacabku u qoondeeyeen wuxuu ahaa 5 sanadood hase ahaatee markii waqtigaasi dhammaaday waxa dhowr jeer mudada uu madaxwaynuhu sii fadhiyaayo u kordhiyay Golaha Guurtida. Doorashadii saddexaad waxay ahayd tii Golaha wakiilada oo xildhibaanadu marka wakhtigoodu dhamaaday golaha guurtidu muddo ka badan kala badh muddadii ay dad waynuhu soo doorteen u kordhiyey iyaguna ismay gabin ee lafahooda muddo isu kordhiyey.xildhibaan waqtigii shacabku doortay ka dhamaaday, wuxuu sharciyadiisu ku hirgali karaa dadka oo dib u soo doorta oo kali ah. Adduunka meel sidaa laga dhaqmaa majirto cid muddo kordhin sameyn kartaa meelna kaga ma taal dimograadiyada, waxa ay lamid tahay Raashin amma dawo waqtigeedu dhacay oo waqti kordhin lagu sameeyo dabadeedna sidaa lagu siiyo dadka.

Haya’da dhawrista oo dalalka caalamka ka dhisan, ayaa dalka laga dhisay waxay ay jirtay muddo hal sano ah, waxa ay leedahay 53shaqaale, waxa ay isku koobeen daqiiq dhacday iyo sonkor dhacday Raashin dhacay, waxaa ka khatersan Raashin aan dhicin hase yeeshee xambaarsan walxo caafimaad darro xanbaarsan oo calaamadooda la arki karo muddo ka dib sida kanserka {cancer}.

Mar haddii Guurtidu leedahay awood ay ku kordhin karaan inta ay doonaan marka uu dhamaado muddadii dadwaynuhu u sargooyeen ee sharciga ah, ku darso oo guurtida maanta kuraasida badankoodu waa qaar dhaxal ku jooga.

Guntii iyo gebogabadii, ha laga taliyo sidii boogta looga jari lahaa dimugraadiyadda. Haddii kale Raashin dhacay iyo dawooyin dhacay ha la horgeeyo Guurtida si ay muddo kordhin ugu sameeyaan.

By Prof: Cabdi Xuseen Yuusuf {Flosy}

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *