Muqdisho(ANN)Maareeyaha Guud ee Xawaaladda iyo Sarrifka Dahabshiil, mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa tababar uga furay saraakiisha iyo hawlwadeennada shirkadaha Dahabshiil Group oo isugu jira xawaaladda, Bangiga iyo Ganacsiga Guud.  Tababarka oo ahaa mid

aad loo soo agaasimay, isla ,markaana   soconayey hal maalin,  ayaa laga  furayHotelka  Beder ee magaalada  Muqdisho maalintii Sabtida,  waxaana  intii uu socdey lagu soo bandhigay casharro aad u qiimo badan oo la xidhiidhay  daryeelka macaamiisha, shuruucda lagu maamulo lacagaha isu-gudubkooda ee xalaasha ah iyo xidhiidhka Dadweynaha.

Waxa, ugu horrayntii, ku soo dhoweeyey tababartayaasha, , oo kor u dhaafay siddeetaneeyo, kana kala yimi dhammaan laamaha Dahabshiil Banaadir madasha tababarka Maamulaha Guud ee Dahabshiil Banaadir, Cabdullaahi Nuurre Aw Diini.
Waxa  Maamuluhu ka hadlay faa’iidooyinka tababarrada noocan oo kale ahi u leeyihiin tayaynta shaqaalaha iyo shaqada, isaga oo uga mahadceliyey saraakiisha tababrka waddey ee ka socdey Xarunta Hawlgalka ee Shirkadda ee Hargeysa, wakhtigaqaaliga ah ee ay u hureen hirgelinta tababarkan.
“Tayada shirkadda oo aad idinku wakiil uga tihiin macaamiisha iyo shirkaddaba goobtan wax weyn ayaa uga kordhaya duruustan haddii aad siisaan ahmiyadda ay leeyihiin kuna dhaqantaan,” ayuu yidhi Maamuluhu.
Maareeyaha Guud ee Xawaaladda iyo Sarrifka ee shirkadaha Dahabshiil, mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, oo isagu si rasmi u furay tababrkan, ayaa  ku boorriyey tababartayaasha ka-midho-dhalinta tababarkan, isaga oo ku adkeeyey inay u sii gudbiyaan hawlwadeennada aan tababrkan fursad u helin ee uga maqnaa goobta adeegga ay u hayeen macaamiisha darted, maadaama ay ahayd maalin shaqo.
“Macmiil idin soo gaadhay inaad kal iyo laab ku soo dhweysaan, ugu adeegtaan, oo ku faro adaygtaan ayaa la innooga baahan yihiin, waana xil saran saraakiisha iyo hawlwadeennada halkan manta isugu yimi, oo horeba u caddeeyeyey mugga iyo miisaanka ay shirkadda iyo macaamiishaba ku leeyihiin,” ayuu yidhi Maareeyaha Guud.
Waxa kale oo Maareeyaha Guud hoosta ka xarriiqay sida ay shirkadaha Dahabshiil Group mar walba iyo goob walba diyaar ugu tahay horumarinta, tayaynta iyo dhiirrigelinta hawl-wadeennada Shirkadda meel kasta oo ay joogaanba.
“Kharaj iyo wakhti la geliyo tayaynta shaqada waa maalgelin loo sameeyey adeegga iyo daryeelka  macaamiisha oo aad qaali ugu ah shirkadda,” ayuu yidhi Maareeyuh.
Intaa ka dib, waxa la wareegey tababarkii iyo daadihinttiisa saraakiishii iyo aqoonyahankii madasha ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda, Professor Xasan Xiis, oo xidhiidhka dadweynaha ku tababarayey ka-soo-qayb-galayaasha, Cali Maxamed Goodir, madaxa shuruucda iyo qawaaniinta lagu maamulo lacagaha, oo isla mawduucaa soo gudbiyey, iyo aqoonyahan Yuusuf Faarax.
Waxa goob jog ka ahaa tababarkasaraakiil sare oo ay ka mid yihiin Cabdirxmaan Cali Xaaji Xasan, madaxa Horumarinta, Xirsi Barre, Maamule-ku-xigeenka Laamha Hargeysa iyo Xasan Axmed Barre, madaxada Suuqgeynta Dahabshiil Banaadir.
Waxa gebagabdii tababarka  ka hadlay  Maamula ku Xigeenka Dahabshiil Benadir, Ibrahim Maxamed Ismaaciil, oo aad ugu dheeraaday mahadcelinta tababarayaasha iyo tababartayaasha iyo ahmiyadda ballaadhan ee tababarrada noocan ahi u leeyihiin shirkadda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *