Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay dufcadii 9-aad ee ka qalin jabisay Jamaacadda Hargeysa, kuwaas  oo tiradoodu ahayd 637 arday., isla markaana dhamaystay waxbarashada sagaal kuliyadood oo

 

Jaamacadda ah.

Xafladaa  oo si weyn  loo  agaasimay waxa kale oo ka   qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda, Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE, UCID. waxa kale oo madashaasi goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada waxbarashada, Qorshaynta, Madaxtooyada, Cadaalada Beeraha, aqoonyahano iyo kumanaan qof oo ka mid ah waxgaradka iyo mudanka bulshadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka hadlay xafladaa  ayaa Bogaadiyay ardayda ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay Inay dalkooda u shaqeeyaan.

“Waxaan jecelahay inaan halkan Bogaadin iyo Hamabalyo uga soo jeediyo ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa, waxa kale oo aan halkan ka hambalyaynayaa macalimiinta iyo maamulka jaamacada waxqabadka iyo horumarka ay dalka u gaysteen,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in ardayda jaamacadaha ka soo baxayaa ay yihiin midhihii mustaqbalka dalka,  wuxuuna isagoo arrintaa  ka hadlaya  yidhi,  “Ardayda Jaamacadaha ka soo baxayaa waxay ka mid yihiin mustaqbalkii dalka. Dalkeenu wuu balaadhan yahay, waanu dihin yahay oo waa dal wax laga qaban karo oo mustaqbal wanaagsan leh. Waxaanan mar kale bogaadinayaa oo aan dhiiri gelinayaa ardayda qalin jabisay waalidkii iyo macalimiintii ku tabcay.”

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi leeg ee hal mar ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa, waxaanay ku guubaabisay inay wadanka u shaqeeyaan si dalku horumarka uu beegsanayo uga midho dhaliyo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Ugaas, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dufcadan sagaalaad ay tahay tii ugu balaadhnayd ee hal mar ay arday tiradoodu tahay 637 arday ka qalin Jabiyeen.
Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray inay jaamacadda Hargeysa ay hiigsanayso inay daboosho baahida waxbarashada sare,  isla markaana ay gaadho jaamacadaha caalamiga ah.

Gudoomiyuhu waxa uu Mahadnaq u jeediyay madaxwaynaha iyo waftigiisa kala soo qayb galay xaflada qalin jabinta, Waxaanu Madaxwaynaha ka Codsaday inuu ka Taageero dhinaca dhaqaalaha iyo sidii loo kabi lahaa jaamacadda hargeysa.

Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku hadlayo Magaca jaamacadaha Somaliland intii aan xaflada ka soo qayb galin, isaga oo Madaxwayne Siilaanyo uga Mahad celiyay sida uu ula shaqeeyo Jaamacadaha Dalka Somaliland.

Waxa uu sheegay in ay hambalyaynayaan Ardayda, Waalidiinta iyo macalimiinta wax soo bartay, waxa uu sheegay in Tacliinta sare wadanka ku Cusub tahay, jaamacadda hargeysana tahay jaamacadda ugu ardayda badan uguna firfircoon.

Pro.Saleebaan waxa uu ka Sheekeeyay Sababihii loo Abuuray Jaamacadaha Somaliland oo uu sheegay in ay ahaayeen laba qodob waxaanu yidhi “Qodobka koowaad waxa uu ahaa in da’yarta rajo loo Abuuro, rajo ka qurux badan garan maayo maanta intaa ina soo hor fadhida ee Wajigoodu dhalaalayo, oo halkay qori ka haysan lahaayeen oo ay dadka layn lahaayeen sida geeska afrika meelo ka dhacday, maanta qalinjabintoodii halkaas u soo fadhida, qodobka labaadna waxa uu ahaa in la soo saaro dhalin yar cusub oo Aqoonyahanno, Xirfadleh oo dalka haga, waxna ka qabto horumarkiisa, intaas oo maanta aqoon ku hubaysan markhaati cad ayay utahay in ujeedadaasi si fiican ay inoogu fushay”
“Ardaydani waxay ka qalin jabiyeen sagaal Kuliyadood oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, caafimaadka, sharciga, daraasaadka ilsaamiga ah iyo kuwo kale. Waxa ardaydan ku jira dhakhaatiirtii ugu badnayd ee ka qalin jabiyay jaamacadaha dalka kuwaasi oo tiradoodu gaadhayso 21 dhakhtar,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen.

Dhinaca  kale, Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo ku hadlayay magaca ardaydii qalin jabisay ayaa ammaan balaadhan u soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Hargeysa oo uu tilmaamay inay ka midho-dhaliyeen dedaal adag oo ay sameeyeen afartii sano ee u dambeeyay.
Waxa kale oo iyaguna hadalo iskugu jiray Bogaadin iyo dar-daaran halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Waraabe.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *