Muqdisho(ANN)Guddoomiye ku xigeenkii ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Saleebaan Ibraahim Maxamed (Saleebaan Guray) ayaa ka deggay Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya, ka dib markii uu ka dhoofay Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka SOLJA Saleebaan Guray oo ah Suxufi rug-cadaaya oo muddo dheer ku soo shaqeynayey xifrada Wariyenimada isla-markaana kaalin fiican ku lahaa iebadalada dhinaca horumarka ee saxaafada Somaliland, ayaa Magaaladda Muqdisho waxa ku soo dhaweeyay ururada saxaafada Somaliya ee Muqdisho ka jira, isaga oo shalay booqasho ku tagay xarunta Telefiishanka Somaliya iyo Idaacada Radio Muqdisho oo uu soo indho indheeyay qaababka ay u shaqeeyaan suxufiyiinta ka hawl-gallaa, iyagga oo halkaasi isku bartay masuuliyiinta Tv-ga iyo Idaacada intoodii aanay hore isku aqoonin.

Sidoo kale, Saleebaan Guray, ayaa ka mid ahaa marti-sharaftii fadhiday madashii ay ka dhacaysay doorashadii Madaxwaynaha cusub ee Somaliya, isaga oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida gaarka ah loogu casuumay inay goob-joog ka ahaadaan tartankii musharixiintii doorashada Madaxwaynenimo ee Somaliya.

Saleebaan Ibraahim Maxamed (Saleebaan Guray) oo Wargeyska Waaheen xidhiidh la sameeyay isla-markaana waydiiyay ujeedada safarkiisa ayaa sheegay inuu Muqdisho u tagay arimo shakhsi ah, balse waxa uu cadeeyay inuu ka tanaasulay xilkii Guddoomiye ku xigeenka ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, si madax-banaana u joogo Magaaladda Muqdisho.

Inkasta oo Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaliya ay saddexdii bilood ee u dambeeyay ay aad ugu qulqulayeen siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed reer Somaliland, ujeedooyin siyaasadeed oo isku dhowna halkaasi u tagayeen, ayaa Saleebaan Guray noqonayaa Wariyihii ugu horeeyay ee si madax-banaan u tagga Muqdisho inta uu baneeyo kaalintii uu kaga jiray saxaafada iyo masuuliyadii SOLJA ee Xirfadlayaasha warbaahinta.

xiggasho waaheen

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *