colaHargeysa(ANN)Shirkada sharaabka ee SBI, ayaa daboolka ka qaaday inay macaamiisheeda ugu talo gashay barnaamij tijaabi nasiibkaaga ah oo socon doona muddo saddex todabaad ah.

Nasiibkan ayaa laga rabaa qofka macmiilka ah ee ka qayb qaadanaaya inuu warqad ay shirkadu bixin doooto ku soo dhajiyo 12 fur oo ah furarka sharaabka ay shirkadu soo saarto, waxaana uu qofku heli doonaa laba nasiib oo kala ah midka hore oo isla marka uu furarka keeno macmiilku uu ku heli karo qalab ay ka mid yahiin Kubado,Koofiyado,Garamaan iyo qalabka furayaasha lagu xidho, halka juwan uu qofkaasu qaadan doonana uu mar labaad kaga qayb galayo nasiibka toddabaadka oo lagu helayo tilifishan weyn.

Waxa sidan warbaahinta ugu sheegay maareeyaha guud ee shirkada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele, waxaanu sida oo kale uu sheegay maareeyahu inay qaybin doonaan bisha shanaad ee soo socota talaagado sharaabka shirkadaas lagu iibin doono , barnaamijkaas oo ay dhawr kun oo qof ugu samayn doonaan shaqo abuur, waxaanu isaga oo arinkaas ka hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay maareeyahu sidan “Anaga oo SBI ah waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadweynaha ku nool Hargeysa barnaamij socon doona saddex todobaad oo aanu maanta u furayno macaamiishayada qaaliga ah, barnaamijkaasuna waa tijaabi nasiibkaaga, waxa uu barnaamijkan nasiibka ah ka kooban yahay 12 fur oo ah sharaabka SBI ee magaceeduna ku qoran yahay ayaa qof kasta oo ka qayb qaadanaya laga rabaa.

waana in uu furkaasu noqdaa mid dhamaystiran oo fayo qaba oo aan jactadin, kuwaas oo lagu soo dhajinaayo warqada lagaga qayb qaadanayo nasiibkan, waxaana lagu soo dhajinayaa hal god oo kasta hal fur waxaana loola iman doonaa xarumaha tirada badan ee shirkada SBI ee Hargeysa ku yaala, magaca ayaana qofka laga diiwan galinayaa juwanka qaybna markaas qofkaa qaadanaya qaybna shirkada ayay u hadhaysaa.”

Maareeye Mustafe Cismaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Maalinta u horaysa ee qofku uu xarunta nasiibkan u yimaado furarkana uu waraaqda ku soo dhajiyo, waxa uu nasiib u hali karayaa dhawr shay oo ay ka mid yahiin Kubado,Garamaan,koofiyado iyo qalabka lagu xidho furayaasha, magacan juwanka ee laga reebayna waxa uu mar labaad kaga qayb qaadanayaa marka uu wiigaasi dhamaado tijaabi nasiibkaaga oo waxa uu ku heli karaa qofka nasiibka u helaa tilifishan weyn oo inches waxaana tilifishanadan lagu guulaysan karaa wiig kasta mar, iyada oo ay arintaasi noqon doonto mid qofka ka qayb qaadanaya u sahlaysa laba nasiib mid yar oo hore iyo midka wiiga oo uu sugayo tilifishankaas weyn haddii uu ku guulaysto. Wax soo saarka shirkada ee dhanka sharaabku waxa uu socday mudo sanad ah, waanan u mahad celinaynaa macaamiishayada, tana waxaanu uga dhigaynaa abaal gud, waxa kale oo aan bilaabi doonaa bisha shanaad oo ka mid ah dhiiri galinta iyo shaqo abuurista aanu la rabno dhalinyaradeena rag iyo dumarba, markaas bisha shanaad waxaanu bilaabaynaa talaagado taayiro iyo dalaayadna leh oo sharaabka lagu iibiyo.

waxaanan gobalada dalka oo dhan ku qaybin doonaa dhawr kun oo talaagadood. Waxaanay shirkadu bilaash ku baxin doontaa qalabkan baraayda ah, daladeeda iyo waliba barafka sharaabka lagu qaboojinaayo maalin walba, waana shaqo abuurista aanu doonayno inaan u samayno dhalinyarada dalka.”

Shirkadda SBI, waxa iska leh muwaadiniin reer Somaliland ah oo lacag ka badan 17 Milyan Dollar ku maalgeliyay ,  waxaanay shaqo abuur u sameeyeen dad tiro badan, iyadoo sharaabka ay soo saarto si weyn looga isticmaalo dalka, isla markaana mudadii ay jirtay shirkada uu meesha ka baxay sharaabkii dalka lagaga soo waaridi jiray dhinaca dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka Yaman oo sharaabku hore uga iman jiray ka hor intii aan Somaliland laga yagleelin shirkadda Sharaabka ee SBI.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *