Hargeysa(ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa daahfurtay muuqaal ama astaan cusub oo ay qaadatay, taas loo sameeyay  munaasibad ballaadhan oo xalay lagu qabtay  Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xaflada daahfurka muuqaalka cusub ee shirkadda Somtel, waxa qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay hormood ka ahaayeen wasiirradda Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Diinta iyo Awqaafta, madaxda shirkaddaha Dahabshiil Group, masuuliyiinta sar sare, farsamayaqaannada iyo shaqaalaha shirkadda SOMTEL.
Sidoo kale wax aka qaybgalay munaasibadaa madaxdhaqameed kala duwan, aqoonyahan iyo marti kale oo badan, iyadooo  lagu shaaciyey munaasibadaa  muuqaallada iyo midabada ay ka kooban yihiin astaanta cusub ee sii jiidatay indhaha bulshada oo shirkaddu gaar u yeelan doonto.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Somtel Mr. Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ka hadlay furitaanka xafladaa ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddadeeda loo sameeyay munaasibadaa oo uu sheegay inay tahay baahinta iyo soo bandhigidda muuqaalka cusub shirkaddu ku baahin doonto calaamaddeeda hadda wixii ka dambeeya, taas oo ka kooban muuqaal midabkiisu huruud yahay oo dhexda ku leh bar madow oo uu ku xardhan yahay magaca iyo tilmaamaha shirkaddu leedahay.

Sidoo kale Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta ee shirkadda Dahabshiil Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), ayaa iftiimiyey ujeeddada laga leeyahay muuqaalkan cusub, waxaannu yidhi, “Muuqaalkani cusub ee aynu caawa xafladan ku soo bandhigaynaa waxa uu noqon doonaa mid qaybaha kale ee ay shirkadda Dahabshiil Group ka kooban tahay ay kaga duwanaan doonto.”

“Shirkad kasta oo caalamka ka jirtaa waxay leedahay sumad u gaar ah, markaa waxaan filayaa caawa wixii ka dambeeya inaad garan doontaan inay muuqaalladani yihiin sumadda gaarka ah ee Somtel,” ayuu yidhi Xasan-xiis.

Maareeyaha shirkadda SOMTEL Eng. Cawil Saalax Cabdi, ayaa isna sheegay inay soo kordhin doonaan qaybo kale oo raaligelin doonta macaamiisha reer Somaliland, isagoo yidhi, “Waxa ka mid ah waxayaabaha kale ee aannu idiin soo wadno oo aan rajaynayo inaad ka faa’iidaysan doontaa barnaamijka la yidhaado Hage ama Jiheeye oo gaar ahaan ay dadka qurbaha ka imanayaa si weyn uga faa’iidi doonaan,” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi.

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada Mr. Cabdi Najax Siyaad oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay, ayaa ku ammaanay shirkadda SOMTEL sida ay u garab istaagto bulshada waqtiyada baahiyuhu jiraan oo aanay kala bakhaylin wixii ay helayso.

“Taariikhda ayaa qori doonta wixii aad bulshada u qabateen, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Najax.

Waxa kale oo xafladdaasi ka hadlay Suldaan Daakir Xasan Aw-khaliif, waxaannu yidhi, “Waddamada kale lagama yaabo adigoo dariiqa maraya inaad moobilkaaga ka isticmaasho internetka, balse Somtel waxay u sahashay dadkeennu inay meel kastaba ku isticmaalaan internetkooda iyagoo adeegsanaya moobilladooda gacanta iyo weliba kombiyuutarradaba.”

Sidoo kale salaadiin ay ka mid yihiin Suldaan Aadan Faarax iyo Suldaan Jaamac oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shirkadda Somtel doorka ay ku leedahay dalka ee horumarka iyo caawimadaba leh.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey shirkadda Somtel astaanta cusub ee ay qaadatay oo uu ku tilmaamay mid muuqaalkeedu aad u qurux badan yahay, isagoo u rajeeyey inay guul ku gaadho.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, ayaa hambalyo iyo bogaadin shirkadda Somtel kadib waxa uu sheegay in siyaasadda dawladda ay ka mid tahay inay hirgeliso horumarka isgaadhsiinta.

 

“Shirkadda Somtel waxaan hubaa meelkeedu meesha uu ka soo jeedo inuu yahay Dahabshiil, waxaannad Dahabshiil uga barateen daacadnimo, adeegga hufan iyo daacadnimo ayaan hubaa inay Dahabshiil halkaa ku soo gaadhay Somtel-na waxaan Ilaahay uga baryayaa inay gaadho meesha ay Dahabshiil maanta caalamka ka gaadhay,” ayuu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa Wasiir Cali Cilmi Geelle.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *