marwoTaariikhdu waa markhaatiga kaliya een dunida ka dhiman,waa markhaatiga kaliya een u hiilin cidna waayo waa markhatiga kaliya een lahayn qabiil uu garabka saaro ,shaguna hadanu qabiil lahyn ma baqo

mana yaqaan beenta iyo wax is daba mariska.

Somalilnd waxay manta magan u tahay dadkeeda intooda jecel horumarka iyo waxa wada qabsiga,waxa hooyo iyo aabo u noqonaya somalilnd waa wadani kaliya doonya inuu ka taliyo aayaheeda

Soomlilnd waxay u baahan tahay manta dad gacmaha is wada qabsada bari iyo galbeedba ,waan ogahay inay jiraan dad ka tirsada xukumada turxaan lkn dadkaasi ha kala saran dalka(SOMALILND) iyo xukumada daadaheynsa dalka ee ay iyagu u codeeyeen

In badan baa la arkay dad ka talinya horumar qabiil oo taariikhda diwaanka u galay

Laakin hada waxa jaanis haysta qofkii haya talo qaran oo s/land u dhan tahay tasoo ka madhan qabyaalada qaribaada wadata

Manta waxa uu calanku maanka ku hayaa waa inuu helo dad ka taliya danahiisa iyo siduu uga muuqan lahaa aduunka baalahiisa isagoo faraxsan oo leh waa I kaa dadkaygii dantaydii ka shaqeeyeen .calankeena dhulkeena dadkeena manta waxay u baahan yihiin badbaadin dhab ah waa in Aqooyahanka iyo wax garadka gabey kaalintoodii ogaadan in  ay dad sugyaan oo ay u baahan yihiin fikirkooda oo manta maalin looga baahan yahay aanay jirin

MIYAAD QOSOSHAY? Haa waan fahmyaa inad igu qoslayso ,laakin waxaan u qaatay qalinka maaha inan soo cel celiyo arin hore dad badani afka uga yidhahdeen, dadkaas qaar dhab bay ka ahyd qaarna hadal laakin anuu waxan u qoray bal inan helo uun mid kaliya oo ay wax ku duxiso waayo kuwa qabiilka u doodaba waa ku cel celiyaan rayigooda ana waxan cod aad u dheer ku leeyahay QABIIL MA DOONYO QARANKAYGA SOMALILND MAANTA QABIIL UMA BAAHNA

Anuu waan riyoodaa oo maxan ku riyooda? Waxan ku riyooda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin :

* Somalilnd oo ay dadkeedu is wada fahmeen oo ay reer hebel hadhay oo laga wada taliyo danta dalka oo la wada diidey laaluush oo qof walba qalbiga ka qaatay in soamlilnd meel u dhaanta oo ay nololi ka suuragali kartaa aanay jirinba taa waxa ka sii daran madaxdii mucaaridka iyo xukuumada oo shirar lagu gorfeenyo horumarka wada qabsanaya isku soo duu duubo dadkaygoo QABIILKII UF UF YIDHI
* Ciyaalkii iskuulada dhigan jiray oo wadaniyada lagu bar bariyey oo la fahan siiyey inuu gidaarka cusub ee la dhiso uu ku tuurayo dhagaxa uu isagu leeyahay waxa la baray caruurtii dalkayga inay wax u bartaan sida calamka waasarada waxbarshada somalilnd oo noqotay waasaradaha ugu horeeya dalka jaamacadihii dalka oo tayadooda looga yimaado geeska afrika iyo afrikada kaleba waayo aqooyahnkii dalka oo dhexda u xidhay horumrinta waxbarshada dalka
* Caafimadka oo s/lnd gaadhey heer tababaro dhatiirta s/lnd u qwabtaan dhakhaatirta kale ee afrika.  wasarada caafimadka oo ka baxdey hurdadad dheer ay ka gashay dayac tirka cusbitaalada dalka oo imika hadad aragto maba moodeysid cusbaataldii hore mnshalah taa waxa ka sii daran miiyada oo la gaadhsiiyey dhakhatirta tayada leh taa waxa ka sii daran ardyada barata caafimadka oo mar walba noqota kuwa ugu horeeya aqoonta afrika
* Ciidanka soomalilnd oo aad loo tayeeyey wax aad loo baray waxa baa badey askartii dadku u hanjabayeen imika marka la arko askari waxa looga kacaa kursiga xalkii awal ka baahan uun u noqon jiray askari imaka ka lacagta haystaaba ku dilaya inuu noqdo askari MACALIIMINTA oo laga dhigay kuwo tayadoodu aad u wacan tahay oo soo saray ardey iyaguna ka sii fiican
* SHAXAAD LAAN  dadkaygii oo fahmay ceebta shaxaadka taa aanad maleyn Karin waxa weeyi s/land oo shaqo meel la kala dhigo la waayey ,oo halkay ka timadey shaqadaasi ma yurub baa aqoonsatay ama caawisay s/land? Maya xaasha laakin waxa shaqo abuuray dhalintii dalka oo fahmay in shaqo dalkooda taalo halki awal suuqyada dalka aad ku arakaysay ajaanib imika hadey dawo ku qabato arki maysid waxaba s/land lagu xantaa inay ajaanibka neceb tahay laakin runtu saa maaha ee waa s/land oo iyadu ogatay inay isku filan tahay oo meel ka banani aaney jirin  oo maad og tahay in aanu xashiish oolin suuqyada magalooyinka ,oo maxaa ka qaadey? Dee dadkayga ayaa ka qaadey oo nadiifiyey .

AKHRISTE waan ogahay inan riyoowdey riyo macaan

Laakin miyanad ogeyn inay ii rumoobi karto oo ilahay I tusi karo iyadoo dhab ah

Waa hadii aan helo dad u bisil horumarka xidhana  shaadhka horumarka necebna qabiilka qabyada naga dhigay

Waxan leeyahay ugu danbyntii

UMADYAHAY OGAADA TAARIIKHDU WAY QORI OO WAY HAYN DOONTA TOGANE IYO TABANEBA!!!!!

QALINKII: NACIIMA YUUSUF CILMI (NAIMAHAPPY)

NACIIMAHAPPY@HOTMAIL.COM

WA BILAAHI TAWFIIQ

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *