Cadaalad-darada Shirkadda Laydhka Burco ee HECO, waxay Sababtay inay Shaqaalihii xiligan ka yaacaan, rag badan oo laf-dhabar u ahaa shirkada ayaa dhawaan

ka tagay waxayna ahaayeen kuwo macquuula oo wax kala garanayana, waana u hanbalyeynayaa.

Shirkadda ayaa dhowaan samaysatay xeerka ay ku sargoysay daneheeda, balse aan u danaynayn shaqaalaha, waana xeer araxan-daro badan iyo dulmi ka muuqdo. Sidaa awgeed Shaqaalaha waxaan kula talinayaa inay iska ilaaliyaan Xeerkaasi oo aan xuquuqdooda ka hadlay, sababtoo ah xeerka umay soo shaqo tagin ee waxay usoo shaqo tageen Naftooda, waan hubaa oo haddii ay ka tagaan ay ka raysan doonaan, waxaan shaqaalaha kula talinayaa ciddii saxeexday Xeerka inay ku dhaceen, balse ciddii aan wali saxeexin ay ka bad badbaadeen kana feejignaadaan inay saxeexaan .

Shirkadu waxay dulmi ku haysaa Shaqaalaheeda iyo Shacbigeegada labadaba waxay ku haysaa dulmi, Xukuumada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay Shacbigeeda hoos u daydo, oo uu ka saaran yahay xilweyni, maalin walba waxay yidhaahdan waxaanu shacbiga ka dhimaynaa qiimaha waana ay kusii kordhiyaan, Shacbiga somaliland waxaan u aqaanaa shacbi diida Xumaanta oo ka dhiidhiya waxa la yidhaahdo Kooto, waxaan shacbiga reer Togdheer u sheegayaa inaanay soo iibisan wax xadhiga iyo wax Bir ah midna.

Waxaan kale oo aan uga tacsiyadaynayaa in aan saaxiib nahay oo lagu yidhi soo iibso xadhko iyo biro si laguugu xidho laydh qalabkaasina uu ku kacay 1200 $ 00 Dollar, waxaan odhan karaa waa in shacbigu tashadaan waayo ma aragno cid loo dacwoodo oo ka socota shirkada HECO, shacbiguna shirakda hawga tashadaan siday xamar uga tashadeen, waxaana ay u sheeganaynaa inay la shaqeeyaan shirkadaha kale ee  keenaya Laydhka.

Qoraankayga maanta intaasi ayaan ku joojinayaa wixii danbe waan wada socon doonaa haddii allaah ka dhigo.

W/Q:  Cabdi Sugaal Jibriil
Email: cabdisugaal@gmaiil.com
Telefoon: 063- 4431833

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *