Hargeysa(Araweelo News Network)Koox Guddi Odayaasha saxaafadda Somaliland, ayaa go’aamo kasoo saaray khilaafka mudooyinkan ka taagnaa hogaanka Ururka SOLJA, kadib markii khilaaf ka dhashay qaabka loo abaabulayo shirweynaha shanaad ee ururka.

Guddiga odayaasha saxaafadda oo shaacinta go’aankooda kaga dhawaaqay xaflad lagu martiqaaday dhinacyada khilaafku ka dhexeeyey, xildhibaanno, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo suxufiyiin tiro badan oo lagu qabtay huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa maanta, waxay soo bandhigeen 7 qodob oo ay ka soo saareen xallinta khilaafka oo ay sheegeen inay u mareen sharciga u yaal ururka, kuwaas oo ay ku qanceen xubnaha hoggaanka ee is hayey.
Go’aamada xalka u noqday khilaafka oo uu xafladdaasi ka akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Saxaafadda Somaliland Xuseen Cali Nuur, waxay u dhignaayeen sidan;

1.    In eedihii labada dhinac isku jeediyeen muddadii Khilaafka kadib aanay waxba ka soo qaadin
2.    Guddoomiyaha SOLJA, isaga ayaa sharci u leh magacaabista guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee SOLJA
3.    In ansixinta guddida qabanqaabada shirweynaha ay fulintiisa sharci ahaan u leeyihiin Guddida Fulintu
4.    In wadatashigu yahay mid furan mar walba, balse soo xulista iyo ansixinta ay kala leeyihiin guddoomiyaha iyo guddida fulintu
5.    In xubnaha Guddida Fulintu iyagoo isku dhan kala shaqeeyaan guddida qabanqaabada hawlaha shirweynaha
6.    In shirweynaha ururka lagu qabto muddo hal bil ah, maadaama ay muddo-dhaaf tahay waqtigii qabashada shirku.

7.    In guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee SOLJA lagu dhammaystiro muddo 5 casho ah (magacaabistooda iyo ansixintooda) oo ka bilaamaysa maalinta go’aankan lagu dhawaaqo,” ayaa lagu soo gunnaanaday qodobada guddiga dhexdhexaadinta.
Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo kala hoggaaminayey dhinacyada iskhilaafay ayaa labaduba halkaasi kaga dhawaaqay inay k qanceen go’aanka guddiga dhexdhexaadintu soo saartay, isla markaana ay diyaar u yihiin fulintooda.
Waxa kale, madasha hadal dardaaran iyo waano isugu jira ka jeediyey xubno ka mid ah guddiga odayaasha saxaafadda – Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale iyo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) iyo weliba masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda oo lagu martiqaaday munaasibadda sida Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Wargeyska dawladda ee Dawan Mr. Maxamed Cismaan Mire (Sayid), waxaanay dhammaantood ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga isu-xilqaamay xallinta khilaafka ka dhex curtay hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *