Waxaa suuro gal ah in aad maqasheen culimo badan oo ka doodaya, ama isku haya in mudaharaadku banaan yahay iyo in kale iyagoo kuwa kasoo horjeedaa

ku doodayaan, ama cuskanaya xagga Salafka iyo Sooyaalka taariikheed ee Islaamka iyo ayaga oo ta labaad ku riixaya in aanu ahayn dhaqan ku sal leh dhaqanka Islaamka ee uu yahay mid loo keenay oo ay qaateen.

Haddaba hadaan aragtida cilmiga sociology ga ee ah BARASHADA HAB-DHAQANKA BULSHOOYINKA aan ku eego, aniga oo cilmiga isu badhxaya doonayana ugu horayn in aan qeexo ujeedada guud ee mudaharaadka iyo ta kale ee laxidhiidha fikir-maskaxeedka kasoo fula shaqsiga gudihiisa qarsoon, iyo sawirka ka abuurmaa siduu saamayn ugu sameeyo fikirka  iyo aragtida bulshada. Ta saddexaad oo ah mala gaadhaa ujeedaduu mudaharaaku lahaa oo ah waxii loo mudaharaaday ama laga mudaharaaday..?

waxaan u baahnayn sharaxaad waxa mudaharaad yahay, asagoo sida loo fahmay ah cadho iyo ka xumaanshaha aad wax ku diidantahay ama ku doonayso ood umuujiso cidaad kadoonaysay fulinteeda adoo si nabadaysan oon cidna wax yeelayn, dibad bax usamaynaya,  taasoo aan macnaheedu ahayn in dad masaakiina guryahooda, gaadiid kooda  iyo ganacsigooda aad  waxyeelo ugeysato ,  laakiin waxaa ubaahan in la fahmo noocyadiisa kala duwan ee ujeedooyinka kala duwan xambaarsan  iyo waxii kale ee la halmaala.

Hadaba mudooyinkii aan daraasaadka ku sameeyey mudaharaadadii ugu waawaynaa ee aduunka ka dhaca  sida kuwii boqolaalka kun ee qof ka sameeyeen London ee dagaalkii Ciraaq lagaga soo horjeeday ilaa Hada kuwa aduunka laga samaynayo ee lagaga soo horjeedo gumaadka iyo dhibta dadka reer Gaasa lagu hayo ayaa waxaan wax iska waydiiyey sideebuu mudaharaadayaasha wax tar ugu leeyahay amase siduu codsigooda wax uga badali karaa  cida lagu mudaharaadayo.

Markaynu dib u eegno waxaa kasoo dhex baxaya in mudaharaadku uu si gaar ah u caawiyo inta badan hadii cida lagu mudaharaadayaa ay tahay dawlad, taas oo dawladu adeegsato culimadooda xagga sociology ga ku tacaluqtay, ayaga oo daraasaad ku samaynaya saameynta uu yeelan karo mudaharaadkaasi, aragtida dadka ku xeeran, intuu socodkiisa ama jiitankiisu yahay iyo asbaabaha guud ee sumcad ahaan uu ku waxyeelayn karo.

Mudaharaadada qaarkood ayaa waxaa soo abaabula sirdoonka dawladaha ayaga oo ka gungaadhaya guuxa iyo xoggaha warbixineed ee ay helayaan amase ayagoo kasii hordegaya ficil dhalin lahaa mudaharaad shaqaaqo wata kuna bedelaya mid xasiloon.

Hadaba mudaharaadka noocan ah ee sirdoonada dawladuhu sameeyaan ayaa isla marka ay dhacayaan  waxay diirada saaraan ciday isha gaar ugu hayaan iyo cidkasta oo dhaq-dhaqaaqoodu xasilooni dari dhalin karo.

Haddaan fiirshay dhinaca kale ee mudaharaadayaasha ee ah inay fikirkooda muujiyaan iyagoo ugu horeyntiiba wado dheer u maraya ogolaanshaha qabsoomida mudaharaadka, taas oo ay waliba Masuuliyiinta mudaharaadayaashu xagga nabadana ay balan-qaadyo ka sameeyaan.

Muddo intay doonto ha qaadato,  markayse suuro gasho waxaa buuxsama fagaarayaasha iyo wadooyinka laga mudaharaadayo, taas oo qof kastaa cadhadii iyo cabudhkii hayey uu halkaa ku furdaamiyey kadibna soo noqday asagoo isa soo faaruqiyey, qababa inuu hawl WEYN soo kala tuuray wax waajib ku ahna soo gutay, hadalkiisiina meel maray oo farxad hoose iyo rayn-rayn ku qaba halkii cadhadu dhaamisayna bogsatay GUUL hoosaadna isa siiyay, isna saxay xag wax qabad iyo mid cod-karnimoba, taasoo waliba abaabulayaashu waraaqihii codsi-cabashada ahaa eey u gudbiyeen loo cawdaha, si  fiican loogaga soo jawaabo ayagoo waliba loogu hambalyeynayo sida quruxda badan ee nabadu ku jirto ee mudaharaadkaasi u qabsoomay.

Balse waxaa isweydiin leh maadigaa u baahnaa in lagu qanciyo mise ujeedadad lahayd ayaan intaas ka fogeyn, ma gaadhay waxad rabtay?

Haddaba anigoo soo koobaya daraasaadkeyga, ugana gudbaya biyadhaca ciwaanka qoraalkayga  ayaa waxaan ku soo af jaraya in mudaharaad yahay cadho cid ama bulsho kasoo fusha kuna socota cid loo gol-leeyahay  inay furdaamiso oo ay wax ka qabato wixii la tabanayo, hase ahaatee ciday cadhadaasi ku socotaana   waxay samaysteen dariiq ama weel ay cadhadaas ku difaacaan si aanay wax yeelo ugu keenin iyadoo  hawo ama waxaan lataaban karin iyo humaag-beenaad lagu jid bixinayo  ama hadaan si kale u dhigo, marka Caanaha gadhoodhka la’lulayo si ciir looga dhigo kadibna burcad-subag looga saaro waxaa lagu shubaa Haan ama dhiil hadba kaad u taqaan, kadibna waa la’ruxaa ama la’lulaa taasoo samaysa cabudh haanta dhexdeeda ka dhasha, una baahan in naqaskaa laga siidaayo si aanay  u fur-tuurin oo  butaaco u sababin cadaadiskaas ka dhashay ficilka luliinku, sidaas si lamid ah ayaa  mudaharaadka qudhiisu u noqonayaa ama ku gabo-gaboobayaa naqas ka siidayn  cilmiyeysan.

Maaddaama oo aynu isla fahanay nuxurka mudaharaadka hadana waxaa lagama maarmaan ah in la helo dariiq kale oo ka duwan kaasoo wax tarkiisu noqon karo mid macno iyo midho dhal leh oon sidii mudaharaadka oo kale haraad, hawl iyo hadaf la’aan ku dhamaan.

Waxaa lagama maarmaan ah in shaqsigu ubaahay yahay inuu ogaado in dawlada qudheedu isaga ka timid ha noqoto mid ku dhisan nidaamka lagu magacaabo Dimoqraadiyada  ee reer galbeedku aaminsan yihiin amase mid huwan hab Qabiil-dawli amabase mid badhax demo-qabiil dawli ah ba, waayo xubnaha dawladu ka kobantahay kuweeda ugu mihiimsan ayaa ah kuwad adigu aad soo xulatay sida xubnaha Baarlamaanka ama Golaha Deegaamada, isla markaana haddii waxad diidantahay eed kolba meel mudaharaad isla taagi lahayd uu kaliya ku xidhanyahay in cidaad soo dooratay wax ka qabato,  hadaanay  wax ka qaban karina aad iyaga bedesho xulkaaga qaran ood keensato mid dantaada iyo danta ciday matalaan u hagar-baxda una dhaga NUGUL, waxii sharciga waafaqsan een nabadana dhib ku keeneyn, bulshada dhexdeedana isdiidmo ka dhalinayn.

Haddaba hirgalinta noocan ihi waxay u baahan tahay cilmi bulsheed, abaabul bulsheed oo ay weheliyaan gudi nabadgelyo iyo dad wax garad ah oo nidaam u sameeya isu xidhka dhicayada kala duwan ee ah wax doortaha, la doortaha iyo dhibanaha, taasoo xataa bedelaada ay saamayn kartaa noqon karo mid gaadhi kara inuu wax ka bedelo shurruucda guud iyo shuruuc hoosaadada kale ee wadanka, haday tahay mid qaran ama mid golo deegaameed intaba.

Waxaase mihiim ah in la ogaado waxa qaran ku burburi karo ama colaad qabiil hurin kara taasina waxay iman kartaa markuu muwaadinku fahmo shaqada Siyaasigu waxay tahay iyo inaanu xaq ulahayn soo fara galinta qabiilka asagoo gabootin ka dhiganaya kuna guuraya si uu danihiisa gaarka ah uga fushado xataa haday colaad hurin dhalayso ooyse isaga u dhiiqayso dheefta ka dhalatay dhibtuu abuuray.

By Sociologist Saeed Issa Eleyeh

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *