Cabadiraxmaan Cali Madoobe waa aqoonayahan iyo Cilmi Baadhe bartay Beeraha iyo Badda, isla markaana jecel in bulshada lagu hanuuniyo inay dhulkooda aaminaan oo ka faa’idaystaan, isla markaana ay iska ilaabaan inay gacan shisheeye iyo Hay’addo wax ka sugaan,

 

C/raxmaan waa sarkaal kasoo shaqeeyay dhinaca Badda, isagoo noqday Kabtan badmareen ah, wuxuuna jecelyahay oo uu xiiseeyaa shaqooyinka Badda iyo Beeraha, isagoo mar ahaa sarkaal ka tirsan wasaarada Kaluumaysiga Somaliland, mararka qaarna la shaqaynayay Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwo loo yaqaan LNGO.

C/raxmaan (Cabdi Badhaf), sanadii u danbeeyay ku Noolaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, wuxuuna ahaa Cilmi Baadhe dhinaca deegaanka ah, balse wuxuu mararka qaar socdaal ugu baxaa dhulka Miyiga ee Beeraha iyo xoolaha, isagoo jecel inuu dadka ku wacyi geliyo waxsoosaarka Beeraha ee dhulka iyo in la dhaqo xoolaha, isla markaana la ilaliyo dhirta.

Dhowaan ayuu socdaal ugu baxay dhinaca gobolka Sanaag, wuxuuna socdaalkiisa ku tilmaamay mid la xidhiidha wacyi gelinta Beeraha iyo dhiiri gelinta ilaalinta deegaanka iyo xoolaha.

Maaha Gabyaa laakiin waa qoraa, wuxuuna magaalooyinka waaweyn u yaqaan Kaamam xero caydheed sida uu ku doodo, isagoo rumaysan inaan shacbiga Somalialnd helin hogaamiye wanaagsan oo ah kii ay u baahnaayeen ee tusi lahaa dada inay yihiin dad qani ah oo aan waxba uga baahnayn wadan shisheeyo iyo Hay’addo, wuxuuna halku dheg u leeyahay abuuritaanka qaran gob ah oo xor ah.

sidaa awgeed booqashadiisa uu ku tegey gobolka Sanaag gaar ahaan Dugsiga Caanka ah ee Dayaxa oo ay ku yaaliin Beero badan, isla markaana hodon ku ah biyaha iyo wax beerista, wuxuu arkay dhalinyaro doonaysa inay dhulka ku tabcaan oo wax lasoo baxaan, taas oo C/raxmaan soo jiidatay dareenkiisa, shebekada araweelonews ayuu kula soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta wuxuuna sheegay inay waxa uu ku arkay Dayaxa ay ku dhalisay inuu sameeyo suugaan gabay dheeg ah, wuxuuna bedelay suugaanta caanka ah ee Maansadii Hadraawi ee ahayd Daalaleey.

Cabdi Badhaf, wuxuu suugaan kooban oo la xiidhidha dareenkiisa ku yidhi,

Rabi Derejadiisiyo Deeqdiisa Weyn iyo Diintaan ku Dhaartee.

Inta Dhididku Deeqee Dan Xalaala ah Jiratiyo Igar Baan ku Dhaartee.

Danab Saalax Haystoo, Yaanabada Dul haystoo Dhulka Dakhara yeeliyo dar kalaan ku dhaartee.

Khuburada Digtoonee Dam-damlaynta naceb iyo Hardaf baan ku dhaartee, hadaan doorkan Gaadhiga la dultaagin Beertoo Dacal keliya laga rarain Alaylehe docdaydii ha goblamo Dalweynuu, Nin Dilaal ku Nool iyo Dibjir Caani haw hadho.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *