Ceergaabo(ANN)Shirkada SOMTEL ayaa Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool ka hirgalisay adeega 3G, kaas oo ah adeeg maqal iyo muuqaal ah oo dhawaan shirkadu ku daahfurtay Magaalooyinka dalka qaarkood oo

 

caasimada Hargeysa ka mid tahay.
Munaasibad shirkada SOMTEL ku daah-furtay adeegan oo lagu qabtay Magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa kalmado ku taxaluqa faa’idada adeegani u leeyahay dadka reer Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ka soo jeediyay Maamulaha shirkadda SOMTEL ee Ceerigaabo Axmed Ibraahim, waxaanu tilmaamay in adeegani wax badan ku soo kordhin doono xidhiidhka dadwaynaha reer Ceerigaabo, isaga oo sidoo kale tilmaamay in shirkada SOMTEL ay tahay shiradii ugu horeysay ee laga hirgaliyo Magaaladda Ceerigaabo, isaga oo xusay in shirkadu adeegyo faro badan ka bixiso Magaaladda Ceerigaabo, macaamiisheedana ay jeebkooda ilaaliso.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha shirkada SOMTLE Cabdinaasir Cawad Muuse  oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in shirkadda SOMTEL ku guulaysatay keenitaanka adeega 3G magaaladda Ceerigaabo oo Hargeysa u irta qiyaastii 700KM, isaga tilmaamay faa’idooyinka 3G (Jiilka saddexaad) u leeyahay dadwaynaha reer Ceerigaabo, isaga oo xusay in reer Ceerigaabo nasiib u yeesheen in ay u wada hadlaan si maqal iyo muuqaal ah, kana faa’idaysanayaan Internet aad xawaarihiisu u sareeyo.
Madaxa xidhiidhka dadwaynaha shirkada Isgaadhsiinta SOMTEL waxa kale oo tilmaamay doorka ay shirkadu kaga jirto adeegyadda Bulshadda sida caafimadka, waxbarashada, ciyaaraha, taakulaynta carruurta darbijiifka ah iyo kor u qaadista isku xidhnaanta bulshadda, isaga oo tilmaamay in shirkaddu hashiisyo la gashay shirkado caalami ah sida shirkadda Google iyo kuwo kale.
Aadan Cabdilaahi oo ah xidhiidhiyaha goboladda ayaa isaguna wax ka tilmaamay faa’idada uu adeegani u leeyahay bulshadda ku dhaqan Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaaladda Ceerigaabo, isaga oo sidoo kalena xusay  in shirkadda SOMTEL tahay shirkaddii ugu horeesay ee dalka keenta adeega 3G.
Munaasibadan oo ay kalmado muhiim ah ka soo jeediyeen masuuliyiintii ka socday maamulka gobolka Sanaag, Salaadiin iyo aqoonyahanka gobolka qaarkood, isla-markaana shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ayaa waxa soo gabogabeeyay Badhasaabka Gobolka Aadan Diiriye Cigaal isagoo sameeyay gudoomiyuhu daah-furay isticmaalka adeegan 3G ee  Maqal iyo muuqaalka ah toosna ula hadlay caasimadda Hargeysa sa si maqal iyo muuqaal ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com 
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *