telesomHargeysa(ANN)Shirkadda Isgaadhiinta casriga ah ee Telesom ayaa abaalmarin gudoonsiisay shaqaalaha shirkada ee sida hawl-karnimada ah u soo shaqeeyey sanadii 2012. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xalay Hoteelka Ambaasador ee

magaalada hargeysa ayaa loogu magac daray Munaasibada 10-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkada Telesom ee sanada 2012.
Xaflada Munaasibada oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah aqalka Baarlamaanka, golaha wasiirada, aqoon-yahano, culumo-awdiin, salaadiin, masuuliyiinta sare ee shirkada Telesom, ganacsato, shaqaalaha shirkada iyo marti sharaf kale oo badan.

sidoo kalena  xaflado kale ayaa dhacay dhamaan lixda gobol ee dalka, kuwaas oo si toos ah dhamaan xarumaha gobolada dalka la iskaga wadda daawanaayey habka video Conference. Magaalo madaxyada Gobolada sida toosa ah khadka ugu jiray waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Laascaanod.

Maamulaha Waaxda maamulka Shirkada Telesom  Faarax Sugaal, oo furitaankii munaasibada ka hadlay ayaa  ugu horayn mahadnaq iyo salaan u soo jeediyey dhamaan marti-sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb-galay xafladan. Muddane Faarax Sugaal ayaa ku tilmaamayn in xafladani ay tahay xaflad sanadle ah oo lagu abaal-mariyo shaqaalaha shirkada Telesom. Faarax Sugaal ayaa ka war bixiyey hanaanka shirkadu u shaqalaysiiso shaqaalaha cusub, waxaanu tilmaamay in shirkada Telesom ay ka mamnuuc tahay Xigtaysi iyo Qabyaaladi, waxaanu tilmaamay in shirkada Telesom ay ka shaqeeyaan shaqaale kala duwan oo nooc kasta oo bulshada ka mid ahi ay ka mid yihiin. Faarax wuxuu si gaar ah u tilmaamay in shirkada Telesom ay mudnaan gaar ah siin doonto dadka naafada ah ee loo yaqaan Disable. ..

Sidoo kale xaflada Abaal-marinta  waxa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Telesom Muddane Cabdikariin Maxamed Iid oo mahadnaq balaadhan usoo jeediyey marti sharaftii kala duwanayd ee ka qayb galay xaflada Abaal-marinta shaqaalaha shirkada Telesom,  Gudoomiye Cabdikariin ayaa hambalyo gaar ah u diray shaqaale weynaha shirkada Telesom ee ku kala sugan dhamaan gobolada dalka, isagoo yidhi, “Shaqaaluhu waa laf-dhabarta shirkada, shaqaalaha ayaa ah kuwa faa’iidada usoo saara shirkada, shaqaalaha ayaa ah kuwa magaca iyo sharafta u soo hooyey shirkada”.

Gudoomiyaha shirkada Telesom  Cabdikariin Maxamed Iid ayaa tilmamay in hadafka shirkada Telesom tahay raali galinta macaamiisha, sidoo kalena ay Shirkada Telesom sanadkasta ay keento adeegyo cusub, taas oo ay ujeedadu tahay in la daboolo baahiya macaamiisha.

Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlaayey heerka ay shirkada Telesom ka gaadhay tiknoolajiyada waxaa uu xusay in Somaliland ay kaalinta 14-aad ka gashay Aduunka adeegsida Mobile Bankinka.

Xafladan Abaal-marinta shaqalaha ee shirkada Telesom ayaa sidoo kale si toos ah shaashadaha video conference ay iskaga wada daawanaayeen dhamaan xarumaha magaalo madaxyada ku yaala sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera iyo Laacsaanood. Xarunta Shirkada Telesom ee magaalad Burco waxaa khadka tooska ah ee video Conference ka soo galay Suldaan Cismaan Cali iyo Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi waxanay hambalyo, salaan iyo guubaanin u soo jeediyeen umada reer Somaliland gaar ahaana shaqaalaha Shirkada Telesom. Waxaanay shirkada ku amaaneen dhiiri-galinta ay shaqaalaheeda u samayso sanadkasta.

Dhanka kale, waxaa xaflada Abaal-marinta ee shaqaalaha Telesom ka hadlay masuuliyiin, culimo-awdiin, salaadiin, bulshada rayidka  oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro, Wasiir Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Abdilaahi, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Sheekh Adan Ciiro, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri, Ku-simaha Gudoomiyaha SONYO Wacays, Faadumo Saciid, Suldaan Ahmed Daahir iyo Cabdilaahi Baaruud oo ku hadlaayey Afka Saamilayda Shirkada. Dhamaan masuuliyiinta waxay hambalyo, mahadnaq, amaan iyo  dhiiri-galin u soo jeediyeen Shirkada Telesom iyo Shaqaalaheeda, waxaanay shirkada Telesom ku tilmaameen in ay tahay shirkad hormuud u ah horumarka dalka. Kaalinta mug lehna ay ka qaadato, dhinacyada cashuur bixinta, ka qayb-qaadasha arimaha bulshada, soo kordhinta adeegyo bulshada wax-tar wayn u leh, shaqaalaysiinta bulshada iyo ka qayb qaadashada wax kasta oo bulshadu ku horumari karto.

Ugu dambayntii waxaa abaal-marin kala duwan la gudoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa Qayb kasta oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee shirkada Telesom iyo xarumaha gobolada dalka ay shirkadu ku leedahay. Waxaa sidoo kale iyaguna abaal-marino ku gulaystay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada oo Tababaro Aqoon-koradhsi ah siiyey shaqaalaha kale ee shirkada.

Abaal-marintan oo ahayd Abaal-marintii 10-aad waxay si toos shahaadooyin loo gudoonsiiyey shaqaalaha waynaha shirkada Telesom ee ku sugan magaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo, Laascaanood iyo dhamaan xarumaha shirkadu Telesom ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *