Johannesburg(ANN)Madaxa booliiska dalka Koonfura Afrika ayaa shaqadii ka joojisay sideed ka tirsan Booliska. kadib markii lala xidhiidhiyay dhacdo foolxun oo Nin Tagsiile ah Naftu ka baxday markii Baabuur lagu jiiday isagoo Nool oo dabada loogu xidhay sidaana uu ku dhintay.

Ninkaa  oo u dhashay dalka Mozambique oo 27 Jir ahaa, ayaa  ku jiray gacanta ciidanka Booliisku, kuwaas oo ku xidhay baabuur kadibna isagoo gamcaha ka xidhan oo dabada  loogu xidhay Baabuurka Booliiska ay ku jiideen jidka Laamiga ah.

Qof Dhacdadan la kulmay oo shicib ah  ayaa mobile ku duubay, waxaana xalay laga sii daayay telefishinka dalka Koonfur Afrika, taas oo si weyn looga argagaxay waxashnimada ay sameeyeen Boolisku.

Haweenay Madax ka ah Booliiska Koonfur Afrika, Riah Phiyega, oo ka hadleysay shir jaraa’id ayaa waxa ay sheegtay in taliyihii saldhigga Daveyton oo u dhaw magaalada Johannesburg, in shaqadii laga qaaday, inta uu socdo baadhitaan la xidhiidha sida uu ku dhintay ninkaasi.

Dhinaca kale markii dhacdadaa laga daawaday Telefishanka Tiro yar oo dad banaanbaxaya  ayaa isugu yimi banaanka hore ee saldhigga Booliiska ee uu ku dhintay ninka tagsiilaha u dhashay dalka Mozambique, waxayna dadka isu soo baxay si weyn uga cadhoodeen dhacdadaa araxandarada ah ee ay Boolisku sameeyen oo si weyn u abuurtay argagax, isla markaana meel ka dhac weyn ku ah xuquuqda aadamaha iyo karaamada qofka aadamaha ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *