asad-1Los Angeles(ANN) Haaruun iyo Cali, waa Laba Wiil oo Soomaaliyeed da’doodu yar tahay, waxay ahaayeen Jilayaasha filim loo bixiyay ASAD oo si weyn usoo jiitay mujtamaca aduunka, kaas oo uu sameeyay Raqif oo ah soo saare caan ah, isla markaana

 

ku saabsan budhaca badeeda iyo sida caruurta yar yar ee Soomaaliyeed loogu khasbo inay noqdaan budhacad badeed.

Haaruun iyo Cali Maxamed oo ah jilayaasha ASAD, ayaa filinkooda ASAD kaga qeyb galay abaal marinta Oscars Academy award oo ah ta ugu weyn dunida, waxaana ay caruurtani ahaayeen qaxooti Soomaliyeed oo dalka South Africa ku nool laakiin jilay taariikhda saxda ah ee noloshoodii oo ah mid ku saabsan xili ay kaluumeysan jireen, balse lagu qasbay inay noqdaan burcad badeed.

Filinkan oo ah mid sheeko gaaban ah ayaa waxa uu qabsaday caalamka waxaana ay ku guuleysteen abaal marinno inkastoo uu ku gacan seyray Oscarka, waxaana labadan wiil ee Cali iyo Haaruun u suurto gashay in ay ka qayb galaan munaasabad xiddiga dunida ugu caansan lagu siinayey abaal marin waana Roogga cas ee Los Angeles, iyadoo si aad ah loogu soo labisay waxayna noqdeen xiddigo si weyn usoo jiitay warbaahinta aduunka, iyadoo goobta lagu keenay gawaadhida raaxada ee ugu qaalisan aduunka.

Filimka ay jilee  labada wiil ayaa noqday mid daafaha caalamka looga riyaaqay soona jiitay in badan oo kamid ah khuburada ku xeel dheer aflaamta ku salaysan qisooyinka xanuunka leh ee soo mara Aadamaha, Haruun waa 14jir, Calina waa 12 Jir, waxayna ku guulaysteen abaalmarinta Nopel prize-ka.

Arinta xiisaha lehi waxa weeye Haaruun iyo Cali midkoodna waligii Iskuul ma dhigan ka hor inta aanay bilaabin jilitaanka filimka. Si ay filimka u jilaanna waxay dantu qasabtay in loo qabto Turjubaan. Wiilashu qoraalka farta maysan aqoon sidaasi darteed waa loo meerin jiray ayaguna mucjisada Alle sida cajaladdii ayay duubeen wax kasta oo loo sheego.

Haaruun iyo Cali, waxay ahaayeen laba wiil oo la nool waalidkood iyo 13 caruur ah oo ay walaalo yihiin, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxay deganaayeen duleedka magaalada Cape town. Filimka Asad waxaa lagu alifay tuulo kaluumaysi oo xeebta ku taala oo wiil 12 jir ah uu ku qasbanyahay inuu kala doorto nolosha budhcad badeeda iyo inuu noqdo kaluumayste daacad ah.

Mr Rafiq oo ah soo saaraha Filimka ASAD, wuxuu yidhi,“labada wiil, waa Diamons burbur ku dhex jira, haddi aadan wali arag sida ay wax u jilayaanna waxay aad uga dhalaali ogyihiin Diamons-ka aan arkay noloshayda”. Macalimiin guriga wax ugu dhiga oo loo qabtay awgeed, wiilasha waxay hadda soo 
gaadheen  fasalka 4aad ee Luqada Ingiriisida.

“Waxay u qalmaan 2 Oscar, mid jilitaanka ah iyo ka qayb qaadashada isfahamka iyo isku tiirsanaanta aadamaha ee midba midka kale doonayo inuu fahmo ayuu yidhi Rafiq oo ah soo saaraha filimka ka hor intii aanu todobaadkii hore u duulin Los Angales iyadoo ay weheliyaan labada aktar ee da’ada yar iyo Aabohood, wuxuuna xusay Rafiq inay labadaa wiil mudan yihiin inay noqdaan atoorayaasha jiilka cusub, isla markaana wuxuu balanqaaday inay dhaqaalaha kasoo baxa filimkaa lagu bari doono wax caruurta walaalaha ah ee Haaruun iyo Cali oo tusaale u noqon doona kumaan caruur Soomaaliyeed oo lagu khasbo inay noqdaan budhcad badeed.

asad-3

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *