Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Somtel, ayaa maanta soo bandhigtay Adeegyo Cusub oo ay ku soo kordhisay Adeegyadii ay hore u bixin jirtay.

Adeegyaddan oo mid telefoonkaaga gacanta ee Mobileka aad kula socon karto Wararka iyo dhacdooyinka caalamka Iyo adeegga Abaal Marinta Macmiilka. dhacdooyinka caalamka Iyo adeegga Abaal Marinta Macmiilka.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Shirkadda Somtel.

 

Madax Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Sharaxaad ka bixiyey haananka Adeegan Casriga ahi u shaqaynayo. Waxaanu yidhi “Dhamaan macaamiisha somtel meel kasta oo ay jogaan waxaanu ugu bushaaraynaynaa adeegyo cusub kuwaas oo ay ka mid yihiin adeega abaal marinta macmiisha, waana adeeg loogu tala galay bulshadu inay ka faa,iidaystaan oo aanu ku bixin doono hadiyado kala duwan, waana adeeg joogta ah oo bishiiba hal mar aanu xulano macaamiisha nasiibkoodu siiyo inay ku guulaystaan abaal marintaas, waana adeeg aanu ugu tala galnay inaanu bulshada dib ugu celino faa’iidada, waxaanu noqon doonaa barnaamij aad u xiiso badan iyada oo abaal marinta la helayo ay ka mid yihiin laptop,mobile Smart Phone Ah iyo 3G ah waana abaal marino aanu ugu tala galnay inay macaamiisha somtel ka faa’iidaystaan meel kasta oo ay joogaan.”ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa Sii watan waxaa uu yidhi “Shirkada Somtel markasta waxay heegan u tahay inay soo kordhiso adeegyo cusub oo la jaan qaadanaya hadba waxyaalaha ay bulshadu tabayso, adeegyadana waa kuwo aanu dhawrkii bilaadba mar soo bandhigno adeegyo casriya oo bulshadu soo dhawayso,waxa kale oo jira adeeg cusub oo la yidhaa xog-doon kaas oo aanu ugu tala galnay inay bulshadu uga faa’iidaysto dhinaca wararka oo ay ka heli doonto xog badan oo ay bulshadu ka faa’iidi doonto.”
Waxaa kale oo intaasi ku daray. “Sida aynu ka war qabno shirkada Somtel waa shirkad casri ah oo mar walba u faa’iidaysa bulshada guud ahaanteedba gaar ahaana dhalinyarada oo ah cududa ugu balaadhan ee Somaliland kuwaas oo aanu jecelnahay inay ku xidhnaadaan technology-yada caalamka, shirkada somtel adeegyada ay bulshada u soo bandhigtay waxay gaadhayaan konton adeeg kuwaas oo ay ugu danbeeyeen labadan adeeg ee aanu maanta soo bandhigayno, waxaanan leenahay macaamiisha shirkada Somtel ku soo dhawaada adeegyada ay shirkadu idiin soo kordhisay.

Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda Somtel Iid Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Macmiisheedda sida fiican ee ay u isticmaalaan adeegyadda kala duwan ee ay shirkadu bixiso.

Waxa kale oo uu soo bandhigay adeegyadan cusub, waxaanu xusay in ay yihiin adeegyo cusub oo macmiishooda u sahlaya in ay ku guulaystaan hadiyado aad qaali u ah iyo in ay la socdaan macluumaadka kala duwan ee caalamka guudkiisa, waxaanu yidhi. “Guud ahaan waxaan salaamayaa macaamiisha shirkada Somtel meel kasta oo ay joogaan, waxa noo caado ah haddii aanu nahay shirkada isgaadhsiinta Somtel inaanu dhawrkii biloodba anaga oo ka jawaabayna baahida macaamiisha aanu soo kordhino adeegyada ka turjumaya baahida suuqa taala, Adeegyo hore oo fara badan ayaanu sii daynay, saaka waxaanu diyaar la nahay laba adeeg oo cusub kuwaas oo kala ah adeega abaal marinta macmiilka kaa soo noqon doonaa mid joogta ah oo bishiiba mar macmiilka lagu abaal mariyo, waxaana lagu helayaa abaal marin alaab ah iyada oo macmiilku ka jawaabayao sadex su’aalood oo kala duwan kuwaas oo mid kasta lagu heli doono abaal marin gaara.

Isaga oo Hadalka Sii watan Waxaa uu yidhi.”Hadii uu macmiilku ka soo jawaabo su’aasha koowaad waxa uu heli doonaa Smart Phone, jawaabta labaadna waxa lagu helayaa Laptob, halka su,aasha sadexaadna lagu helayo 3g- Internet-ka lagu isticmaalo, waana mid ka mida fal celinta dadka macaamiisha noo ah anaga oo eegayna danta macaamiisaha, Tartanka looma ogola inay ka qayb qaataan shaqaalaha shirkada Dahabshiil Group oo dhan, Adeega kale ee Xogdoon waxa uu kuu sahlayaa inaad si fudud uga bogoto xogaha iyo macluumaadka ay xanbaarsan yihiin ila wareedyada caalamka jira oo dhan, Dhamaan wararka kala duwan ee aad u baahato iyaga oo luuqado kala duwan ku qoran iyo wararka gobolada oo dhan,ascaarta,waana adeeg aanu u aragnay inuu bulshada u leeyahay faa,iido badan.”Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeyey.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *