Jig-jiga(Araweelo News Network))Abwaan Xaaji Cabdulaahi Macalin Axmed Cismaan oo ku magic dheeraa (Dhoodaan) ayaa maanta ku geeriyooday Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad.

 

Abwaan dhoodaan oo si weyn looga yaqaanay geriga Soomaalida, wuxuu si weyn ugu caanbaxay xiligii sideetanaadkii, isagoo si cad uga horyimi Taliskii Milateriga ahaa Maxamed Siyaad Bare oo ka talinayay Somalia, taas oo sababtay inuu dhinaca dalka Ethiopia u talaabo xiligaa si uu uga badbaado in xabsiga la dhigo, isagoo gabayo uu taliska ku dhaleecaynayo kasoo tiring jiray dalka Ethiopia.

 

C/llaahi Dhoodaan, waxa uu lahaa Gabayo ku faafay deegaamada Bulshada Soomaalida oo dhan oo aad loo dhegeysto, iyadoo gabayadiisu ahayeen kuwo siiqad ahaan iyo nuxur  ahaan ka duwan gabayada abwaanada Soomaalida, taas oo lagu tilaamo inay sabab u noqotay in gabayadiisu noqdaan kuwo tis qaada oo si bulshooyinka afsoomaaliga ku hadlaa xiiseeyaan.

 

Allah ha u naxariistee Marxuum C/llaahi Dhoodaan oo taariikh facweyn ku lahaa qarnigii tegey suugaanta, gabayga iyo murtida Soomaalida, wuxuu ifka kaga tegay 10 Caruur ah iyo hal xaas, waxaana Marxuumka si heer qaran ah loogu aasi doonaa Axada 28 April 2013,  Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *