Waxaan dhamaan salaamayaa Shacabka Somaliland , waxaan doonayaa in aan ka qayb qaato Deelay ama Gabay uu Wasiir Hirsi

Haji tiriyey oo ragbadan ay ka daba Hadleen ,

 

waxaanan kaga qabqaadanayaa Maansadan hoose oo la dheho Dawa kaleba doqontaan lahayn inay ku daalaan.

 

 

– Dada Gabay beryahan waan ka degay oo ma duur xuline

– Anigoo dantay uga baxay iga dul guuxaane

– Danabkii Xirsaan Daba Socdaa oo dugsanayaa

– Murtidaad xirsaw daabacdaad   Dunida gaadhsiisay

– ee aad tidhi hadaan layga degin waan dagaalami

– Ha u dagine dabaqaa ku joog yaad ku dacaroone,

 

– Anagaa dantoodiyo naqaan waxay dedaayaane

– Dawa kaleba doqontaan lahayn inay ku daalaane

– Dibnahoo la goostiyo afkood dumiso  mooyaane

-Hadal Ducufa  kaalama Hadhaan oo way ku durayaane

-Ragbaa jiraa sidii Gabadh la dilay oo dudmo ku raagtay

– Oo dayrka laga soo xidhoo meelna degi wayday

– Oo Cay dibnaha furatayoo diracna dhaafaynin

– Xirsi uun ilaah daba dhigoo loogu dawgalaye

 

– Ilka jiir Damiirkiisu waa daanka ii dhiga’e

– Marba Calan dad kale leeyihiin hayska daba boodo

– Doqon baa halkii lagu diliyo Doogta aan garan’e

– Ilmadaadu waxay daarantahay Daayin baa garan’e

– Inamadan ku daba guurayee daacada ku mooday

– Ee Hadalka kula duugayee dadabta soo jooga

– Adigoon Difaac iyo u hayn dayr la daba joogo

-Oo daaya odhanayn hadhaw, ha u dabaal degin’e

 

-Wasiiradan Dadaalaaya ee Dawlada u taagan

-Ee Duhurka noo heegankee debeda noo jooga

-Dhidibada dalkeeniyo ragaa Nabada soo dayray

-Duurbaa dabraayoo mar qudha dabac ka yeelayne

-Samaalaan hal shilin dayminayn Damacna yeelkiise

-Hirsi baa dabaashiyo yiqiin Dabaq wixii saaran

-Xaabsade Haduu daba socdaa dayn wixii lumay e

-Samsambaa cilmiga daba wadoo miridh ka daalayn

-Qaramada Midoobuu dultagay wiilkii Diiraaaye

-Saliid iyo wixii dhagax duxliyo dahab wixii Buuxay

-Husseinbaa inoo Darariyoo waynu Daraynaaa

-Geedoolo Beerihii wakaa dalag ka soo saaray

-Waxba yaanu ila sii durkine waxan ku soo daahay

-Diradiruhu wuxuu kala dilaa duul walaalo ah

-Dawlad nimada yeynaan u dumin wiil danoola ah.

 

Alaa mahad iska leh dhamaanteed

ismail adan yusuf

 

What’s your Reaction?
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *