Hargeysa(ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ee Telesom oo ah shirkadda ugu weyn dhinaca  isgaadhsiinta dalka, isla markaana  ugu  horumarsan tiknolajiyadda oo door weyn ka qaadata horumarka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada,  ayaa maanta dhisme cusub

 

u dhistay kuuliyadda Isgaadhsiinta tiknoolajiyadda ICT ee Jaamacadda Hargaysa. Xafladdii wareejinta oo lagu qabtay hoolka dhismahaas cusub waxaa ka soo qayb-galay maamulka shirkadda Telesom, xubno wasiiro ah sida Wasiirkad Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka dhalinyadda iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Tacliinta Sare, Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Boosha iyo Isgaadhsiinta, Wasiirka Ganacsiga, maamulka Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadda Camuud, iyo bahda warbaahinta dalka.


xafladaa waxa  ka hadlay Sh. Aadan Maxamud Xiiray (Adan Siiro), wuxuuna  aad ugu nuuxnuuxsaday qiimaha ay waxbarashaddu leedahay, gaar ahaana adeegsida culuunta tiknoolajiyadd casrig ah. Sh. Adan Siiro waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Ugu horayn Ilaahaybaa mahad leh ina siiyey nabadaa aynu maanta ku  fadhino iyo quruxdaas. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa bahda Telesom ee Sample-ka u ah shirkaddaha maanta ka jira Somaliland. Telesom maanta waad ogtihiin amaano, karti, aqoon iyo wax qabad baa lagu tuhmayaa. Waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin. Dadka waxaa ugu khayr badan buu rasuulku yidhi WSW, ‘ka wax anfaca’” sidaasi waxaa yidhi Sh. Aadan Siiro.

Sheekhu waxaa uu sidoo kale aad u sharaxay doorka iyo qiimaha ay leedahay in la ilaaliyo aqoonta, waxaanu xusay in ay jaamacaduhu dalka aad ugu soo badanayaa iyadoo uu ku taliyey in aad loo ilaalin waxbarashadda tayadeeda iyo heerka loo eegi jiray ardayga jaamacadu qaadayno. Waxanu tusaale u soo qaaday in maanta dalka Jabaanu aanu lahayn wax khayraad dabiici ah ee maanta waxa ay dunida dhaqaalaheeda ku hogaamiyaan yahay aqoonta. Aqoontun ay tahay hantida kaliya ee ma guurtadda ah. Waxanu ku boorayey in wasaaradda Waxbarashaduu ku dadaasho tayadda waxbarashadda dalka.
Waxaa isna madaxashii xafladda ka hadlay, Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ah boodhka sare ee shirkadda Telesom waxaanu aad uga hadlay doorka ay shirkadda Telesom kaga jiro horumarka dalka, waxyaalhii ay shirkaddu qabtay lixdii bilood ee u danbeeyey. Haddala suldaan Maxamed Xasan waxa uu yidhi, “Ilaahay subxaanahuu wa tacaalaa ayaa mahad iska leh inagu kulmiyey goobtan aynu maanta iskugu nimid ee ah furitaanka hall-kan jaamacadda Hargaysa aanu u dhisnay.” Waxan kaloo u mahad celinayaa xubnaha wasiiradda ka soo qayb-galay furitaanka xafladan wakhtigoodii qaaliga ahaa u soo huray iyo masuuliyanta kale ee xukuumadda ka socota iyo professor-ka jaamacadda madaxda ka ah ama wax ka dhiga iyo arday ka soo qayb-gashay xafladan, waxa kale oo mahadnaqay bahda saxaafadda ee sida xooga uga soo qayb-gashay xafladan.

Intaa ka dib Suldaan Maxamed Xasan waxaa uu sharaxaad ka bixiyey shirkadda Telesom iyo kaalinta ay kaga jirto bulshadda waxaanu yidhi, “Telesom waa shirkadda ganacsi oo ay wadda leeyihiin dad reer Somaliland ahi ama guddaha ha joogeen ama dibbadda ha joogeen. Waxa laga yaabaa dadka halkan fadhiyaa inay qaar ka mid yihiin share-holders-ka shirkadda ama dad wax ku leh. Shirkaddan dadka share-ka ku leh ugu dhawaan waxay kor u dhaafayaan ilaa 1,500 oo qof, waad qiyaasi kartaan shirkadd ay dadka intaas leegi wadda leeyihiin oo guulaystay oo horumartay oo cagaheeda ku taagan waa wax Ilaahay loogu mahadnaqo. Waana dhawris iyo badbaadin ay baadbaaday hanti badan oo ummadda reer Somaliland ahi isku darsatay. Waxay Tusaale markale ay u tahay in wax isku darsigu yahay shay horumar lagu gaadhi karo ama faa’iido dhalin kara. Waxaa kale oo xusid mudan in shirkadda Telesom ay ka shaqeeyaan shaqaalo aad u badan. Tusaale haddii shirkadda Telesom ay ka shaqeeyaan 2000 oo qof oo qofkiiba uu masuul ka yahay celcelis ahaan 5 qof, waad qiyaasi kartaan inta umadda ka faa’iidaysanaysa, waa wax weyn oo runtii bulshadda qiimo badan ugu fadhida” sidaa waxaa yidhi Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ka mid ah boodhka sare ee shirkadda Telesom.

Suldaan Maxamed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in Shirkadda Telesom ay lixdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan ay shirkaddu ka qayb-qaadatay mashaariic badan oo ay ka  mid ahaayeen $25,000 oo Waddada Wajaale looqu deeqay, $20,000 oo wajiga hore ee Dawga cad lagu bilaabay oo ay shirkaddu bixisay, mishiin laydh oo weyn oo ay shirkaduu ugu deeqday cusbitaalka Borama,  mishiin weyn iyo 20 computer oo Jaamacadd Tima-cadde ee Gabiley isna la siiyey,  wadda isku xidha Jaamacadda Camuud iyo Magalaadd Boorama oo ay shirkaddu maal-galisay iyo mashaariic kale oo badan.

Haddaba shirkadda Telesom waxay Jaamacadda Hargaysa u dhistay dhimse lacagta ku baxday ay dhan tahay $100,000. Dhismahaas oo ka kooban Hall-ka qudbadaha ah, Hall-kale oo lagu qalabeeyey 20 computer oo kuraastoodi iyo miisaaskoodii u dhan yihiin, istoodh Network ah oo la dhigay qalab qaaliya,  xafiis qalabaysan,  iyo musqul. Dhismahan oo shirkaddu u dhistay si heer sare waxaa uu awood u leeyahay in la saari karo ama lagu kordhin karo laba dabaqa iyo wax ka badan.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Prof. Mustafe Ceelaabe oo ah horumuudka kuuliyadda culuunta Isgaadhisiinta Tiknoolajiyadda—ICT. Professor-ku waxaa uu xusan Qiimaha ay kuuliyadda ugu fadhido dhismaha iyo qalabkan loo dhamaystiray. Isagoo tilmaamaya qalab-ka ay shirkaddu ugu deeqday kuuliyada oo uu ka mid yahay CISCO Access rooter, kaas oo ah qalab aad u qaaliya oo keenistiisii waddanka aad wax la iskaga waydiiyey qiimaha uu leeyahay dartii balse lagu qanciyey in Jaamacada Hargaysa la siinaayo. Professorku waxa uu yidhi, “Qalabkan CISCO Access Rooter waa qalab ay iska leedahay shirkadda soo saarta qalabka lagu isticmaalo internet, waana qalab aad u qaaliya oo jaamacadda hargaysa nasiib u yeelatay inay hesho. Waa qalab qiimo weyn ku soo kordhin doona jaamacada waxanu u sahli doonaa in aqoonti arday si fiican loogu gudbin doono”.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacad Hargaysa Professor Muuse Adan Cabdi, oo shirkadda Telesom ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab joogsato Jaamacada Hargaysa, waxaanu sheegay in dhismahani aanu ahayn kii ugu horeeyey ee ay jaamacada u qabto balse ay aad uga caawiso dhinacyo badan oo ka mid ah baahiyaha kala duwan ee Jaamacadda Hargaysa.
Gebagebadii waxa munaasibadaa ka hadashay  Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Marwo. Zamzam Cabdi Aadan iyadda oo uu ku soo dhaweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Md. Khadar Cabdi qudbad kooban ka dib. Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Marwo. Zamzam Cabdi Adan waxay shirkadda Telesom ay aad ugu mahadnaqday doorka ay ka qaadanayso horumarka dalka gaar ahaan waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiir Marwo. Zamzam waxay tidhi, “Farxad bay ii tahay maanta in aanan u mahadnaqaana waajibay ayey igu tahay shirkadda Telesom ee Jaamacadda Hargaysa ugu deeqday Hoolkan iyo qalabkan Telesom aad baan ugu mahadnaqayaa. Runtii waajib ayey inu tahay in aynu iska kaashano wixii horumar ah, mana aha in cid kaliya lagu eego. Waad la socotaan marxaladdii uu dalkani soo maray, waad ogtihiin in dalku soo maray iyadoo dhulka la fadhiyo oo laga soo noqday xeryihii qaxootiga, oo dalku burbursan yahay, oo miinooyin yaalaan oo dagaalo ku dhacay”.

Ugu danbayntii waxay Marwo. Zamzam Cabdi Aadan ay xadhiga ka jartay dhimihii ay shirkadda Telesom u dhistay Jaamacadda Hargaysa dhismahaasii oo lagu sharfay laguna xardhay Boodh yar oo ka samaysay maar magaca Wasiiradda Waxbarashadda Somaliland Marwo. Zamzam Cabdi Aadan, waxaan si toosa ugu wareejiyey maamulaha Qaybta horumarinta ganacsiga iyo xidhiidhka dadweynaha Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur. Isagoo maamuluhu ugu danbayntii si rasmi ah furayaashii iyo masuuliyadii dhismahaasi ku wareejiyey Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Muse Adan Cabdi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *