Xafladda caloolay.JPGHargeysa (ANN) Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ka mid ah Murrashaxiinta urur-siyaasadeedka DALSAN uga qaybgelaya tartanka doorashooyinka Golayaasha Degaanka Hargeysa, ayaa maanta  xaflad ballaadhan oo dhoolatus ah loogu sameeyey Hudheelka Crown ee

 

caasimadda Hargeysa.
Xafladda dhoolatuska ah ee loo sameeyey Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo kulmisatay kumanaan qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socday urur-siyaasadeedka DALSAN oo uu horkacayey Guddoomiyaha ururkaas Md. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), xildhibaanno ka socday golaha degaanka Hargeysa, odayaal, waayeel, dumar iyo dhallinyaro ay shucuurtooda ka muuqatay taageerada ay u hayaan murrashaxa loo dabaaldegayey.

soo dhawaynta caloolay.JPG
Xafladan soo dhawaynta ah ee Maxamed Caloolay loo sameeyey, ayaa si weyn idhaha u soo jiidatay, iyadoo ahayd mid ka mid ah xafladihii ugu ballaadhnaa ee loo sameeyo murrashaxiinta u tartamaya golaha degaanka Hargeysa.
Xildhibaan Xasan Xaydh oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa ee xisbiga UDUB oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu soo dhawaynaayo murrashaxa da’da yar ee Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), isaga oo xusay in aannu murrashaxani tartanka uga qaybgalayn beel qudha, balse  uu u tartamayo dhallinyarada ku dhaqan Hargeysa, uguna duceeyey inuu ku guulaysto hamigiisa dhallinyaranimo.

Caloolay iyo ismaaciil yare.JPG
Xoghayaha Guud ee ururka DALSAN Mr.Maxamed Cali Yaasiin, ayaa isagu aad  ugu hambalyey taageerayaasha tirada badan ee muujiyey taageeraday u hayaan Mr. Maxamed Axmed Jaamac Caloolay iyo ururka DALSAN, isaga oo ku amaanay musharaxan da’da yar inuu guul weyn u soo hooyey urur-siyaasadeedka uu ka tirsan yahay, muujiyeyna cudud aan musharax lagu arag.
Cabdirisaaq Cabdillaahi Xasan oo ka mid ahaa xubnihii soo qabanqaabiyey xafladan lagu muujinaayey taageerada musharaxa da’da yar, ayaa sheegay in qabanqaabinta xafladan tahay mid muujinaysa taageerada dhallinyaradu u hayaan Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), una horseedi karta inuu ku guulaysto tartanka doorashada golaha degaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Urur-siyaasadeedka DALSAN Mr. Bulxan, ayaa isagu soo dhaweeyey aadna ugu amaanay dhallinyarada taageeraday u muujiyeen saaxiibkooda u sharaxan golaha degaanka.
Musharax caloolay.JPGMusharaxa da’da taageerada ballaadhan loo muujiyey Mr. Maxamed Axmed Jaamac oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inaannu iloobayn abaalka iyo taageerada dhallinyaradu u muujisay, uguna abaal-gudi doono waxqabad iyo hiil dhallinyaranimo.
“Dhallinyarada waxaan leeyahay codkiina wax ku beddela oo u hawlgala sidii nin kasta oo dhallinyaro ah oo sharaxan inuu soo baxo, waxaan u ballanqadaya bah weynta dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex haddii Ilaahay yidhaa oon ku guulaysto musharaxnimada inaan magaciina iyo sumcaddiina ilaaliyo oon la odhan dhallinyarada doorkii dhawayd markii la doortay waxaasay sameeyeen oon mar dambe laga xanaaqin,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Caloolay.

Caloolay.JPG
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka DALSAN Md. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa isagu aad ugu soo dhaweeyey cududa taageerayaashu u muujiyeen musharaxa, isaga oo
“Maxamed Axmed Jaamac aad baan u hambalyeynaya, uguna yeedhi maayo naanaysta loogu yeedhayo, waxaan halkan maanta ugu yeedha laba magac oo  uu la baxay, magaciisa u horeeya waa Diiriye oo DALSAN wuu diiriyey, magaca labaad ee uu la baxayna waa Nuur oo ururkii wuu nuuriyey Allaah ha daayaanan leeyahay.”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay oday Cabdillaahi Xaashi (Gaambiye) oo afka oday-dhaqameedka ku hadlaayey, Aamina Sado oo iyadu haweenka u hadlaysay iyo Prof. Keyse Axmed Jaamac oo ka tirsan masuuliyiinta ururka DALSAN, kuwaas oo dhammaantoodba soo dhaweeyey taageerada musharaxan.
Xafladda caloolay.JPG
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *