Shirkada Wadaniga ah ee Indhadeero Group waxa ay  ka mid tahay Shirkadaha sida weyn looga yaqaano dhulka ay Somalidu degto iyo wadamo badan oo  Caalamka ah, waxaanay caan ku ahay Ganacsiga Iyo Dhoofinta Xoollaha Soomaalida oo ay u iib gayso dalal badan oo dunida

 

guudkeed ah, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Waxaanay shirkada Deero Group dhoofinta xoollaha Soomaalida ka shaqynaysay in ka baddan nus qarni, waana Kambaniga  ugu caansan dhinaca Soomaalida ee Xoolaha u dhoofisa Dalalka Khaliijka ee carabta iyo wadamo kale oo carbeed, isla markaana waqtigan raadinaya dalal kale oo loo iibgeeyo xoollaha Soomaalida.

Shirkadu waxa ay maal-gelin ku samaysay Maxjarka naaxinta iyo xanaanaynta Xoolaha ee Berbera (international Quarantine ) oo dhawr sanadood ka hor laga hir-geliyay Magaalada Berbera, kaas oo ah maxjarka ugu weyn geeska Afrika ee Xoolaha Dhoofiya, kana ka hawlgalaan dhakhaatiir ku xeel dheer Caafimaadka xoolaha, isla markaana si weyn loo qalabeeyay Maxjarkaa oo ay yaaliin dhamaan adeegyadii loo baahnaa ee Maxjarka.

Sidoo kale Deero Company waxay  leedahay qayb dhinaca Dhismayaasha Guryaha iyo Xafiisyada ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyay, taasoo ka hawl-gasha magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama, Laascaanod iyo Ceergaabo, waxaaay qayb ka tahay arimaha toos uga  turjumaya  inuu Deero Company hantidiisa ku maalgeliyo Dalka si ay uga faa’idaystaan Bulshada iyo qaybo kale oo ganacsi oo dhamaantood ka mid ah Deero

Group.

Shirkada Indha-deero Group oo ka mid ah shirkadaha Maceeshada soo dejiya ee Somaliland kuwa ugu da’da weyn ayaa door muuqda ka  qaadata dib u dhiska dalka, waxaana lagu tilmaami karaa  mid ka mid ah Baayacmushtarka Somaliland ee  aaminay wadanka.

Waxaana taasi ka markhaati kacaya Hantida ma guurtada ah ee ay Shirkadani dalka ku leedahay, sida dhismayaasha, Dhulka Banaan iyo Warshadaha ay maalgelisay iaydoo  ay adagtahay in qof keligii maal-adag geliyo wadan aan Ictiraaf haysan oo ku yaala Mandaqad Darafyada Colaadi kaga furantahay

sida Somaliya.

Marka laga tago Maal-gashiga iyo adeegyada Shirkadu ku soo kordhisay wadanka, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa Horumarinta Bulshada reer Somaliland, kuwaas oo ay ka caawiso baahi kasta oo soo wajahda sida marka ay dhacaan abaaruhu oo ay gurmad ka geysato samato bixinta Xoolo dhaqatada.

Qaylo dhaan kasta oo Gurmad loogu dalbayo Bulshada Somaliland haddii ay Tabaalooyin u baahdaan waa Shirkada ugu horaysa ee ka jawaabta, waxaanay ka qaadataa Gacan fiican lagu diirsado, waana arrimaha ugu waaweyn ee loogu bogay shirkadan, mana aha shirkada dhinaca siyaasada faro-gelisa, laakiinse shakhsiyaadka ugu sareeya Deero Group waa kuwo ku mashquulsan horumarinta ganacsigooda.

Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee  Burco oo ka mid ah Magaalooyinka ugu faca-weyn Somaliland , laakiin dib u dhac ku yimi tan iyo markii laga soo kabtay Bur-burkii Somaliya waxay  shirkadu kaalin muuqata kaga jirtaa buuxinta baahiyo badan oo dawladihii dalka soo maray waxba ka qaban kari waayeen.

Meelaha ay sida Khaaska ah ugu xardhantahay ee ay doorka ugu weyn ka ciyaartay hir-gelintooda waxa ka mid ah dhismaha Biriijka Labaad ee Magaalada Burco oo ay si gaar ah ugu xusantahay Boodhadhkiisa lagu muujiyay cidii maal-gelisay.

Shirkada Indha-deero waxa kale oo ay qayb mug leh ka qaadataa Horumarinta Jaamacada Burco, taas oo ay dhawaan ugu deeqday Gaadiid dhawr ah oo wax badan ka taray baahiyaha dhinaca gaadiidka ee Jaamacada, iyadoo dhinaca kalena ay shirkadu ku suntantahay Wax-soosaarka Warshadaha ee Gobolka Togdheer, isla markaana gudaha burco ka hirgelisay Warshada saabuunta noocyadeeda kale duwan soo saarta ee Deero Degertements, taas oo saabuunta ay soo saartaa tahay ta ugu badan ee Somaliland laga isticmaalo.

Deero Group kuma koobna oo kaliya wax-soosaarkeeda Gobolka togdheer labadan arimood ee aynu kor ku soo xusnay, balse  waa   Shirakadda ugu weyn kuwa Saylada Xoolaha ee Burco ka iibsada Xoolaha Nool ee ugu badan, waxaanay taasi wax tar weyn u tahay dadka Xoolo dhaqatada ah ee u soo safra Magaalada,

Dhinaca kale  Shirkada Deero waxay u taagantahay Dhiiri-gelinta Bulshada reer Burco iyo gobolada kaleba,  waxaanay caawimo gacan qabasho ah siisaa dad badan oo ka mid ah Indheer- garadka Magaalada, sida Kooxda Walaalaha Togdheer oo ah Urur faneed Saldhigiisu yahay Magaalada Burco oo ka shaqeeya Wacyi-gelinta umadda.

Sidaasi waxa ii sheegay Ab-waan Sooraan oo ka mid ah Aasaasayaasha Kooxda Walaalaha Togdheer oo aan Waraysi kula yeeshay Magaalada Burco, kaas oo xusay inay Shirkada Deero Group ay la kaashadaan wax kasta oo fulintiisu ku adkaato ama Barmaamuj kasta oo ay u baahdaan in laga caawiyo “Shirkada Indha-deero ayaan aad ugu mahad-naqayaa oo mar kasta wixii aanu uga baahano haday tahay Shidaal iyo hadii ay tahay Gaadiidba nagu caawisa, waxaanay ka mid tahay Shirkadaha aanu ku tiirsanahay ee wacyi-gelinta bulshada naga caawiya”ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee sida ay shirkadda Deero Group uga dhex muuqato geedi socodka dhaqan-dhaqaale iyo Maal-gashiga wadaniga ah ee Somaliland ayay uga mudhay Burco, waxaanay halbowle u tahay horumarinta bulshada gobolka ee dhinacyada caawimada Caadiga ah iyo ta gaarka ahba, waana albaabka ugu weyn horeeya ee la garaaco marka ay mushkilad Dabeeci ah timaado, gaar ahaana wakhtiyada abaaraha iyo mararka la qaadhaamayo waxyaabo dadweynaha ka dhaxayn doona, sida Buundooyinka, jidadka Laamiyada ah iyo Biriijyada, Cusbataalada, adeegyada waxbarasho iwm, taasoo sida la aaminsanyahay dhalisay bulshada reer togdheer noqdaan dadka kaliya ee iskaa wax u qabso dalka kula tartamaya.

Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Burco Somaliland

Email: curad1986@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *