-
Published On: Thu, Apr 19th, 2012

Aar-goosiga Siyaasadeed,Cabudhinta iyo mashquulinta Xukuumada Siilaanyo halkay ku dambeyn ? Faalo: Wariye SCC(Kalshaale)

Smiley face
Share This
Tags

“Qof kasta oo Somaliland ku nool waxa uu ku mashquulsanyahay duufaano siyaasadeed, kuwo nololeed ama xaajo kale oo la soo deristay, waxaana macalin u ah mashquulinta dadka Xukuumadda siilaanyo oo tan iyo markii ay hanatay talada ku hawlanayd sidii ay qof walba ugu samayn lahayd

shaqo uu kaga jeesto dhaliilaheeda, kuwii ku fahmay Jahawareerka siyaasadaysana  way shirqooshay”

Geedi socodka Dimuquraadiyadeed ee  ku dhisan tartanka Xorta ah iyo xayndaabka Siyaasadeed ee lagu wada jiro, waxa macaankiisu dhadhamayaa marka ay aragtiyaha siyaadeed ee Bulshadu kala duwantahay, hadana laysku saxo Marjaca dambe ee laysugu soo noqdo, iyadoo arimaha la gorfeeyaa ay noqdaan kuwa ugu guusha badan ee qof kasta oo reer ah  deeqda Maankiisa iyo maskaxdiisa, hadiise madmadowga siyaadeed ee gelinka dambe la qorsheeyaa noqon waayo mid laga dodo wuxuu ku dambeyn karaa Bidaari sibiqbay kugu gashaa.

Loolanka Siyaasadeed ee xalaasha ahi waxa uu dan yahay Bulshada inteeda ka baxsan saaxada lagu Ciyaaro kubada Maskaxda laga dheelo, laakiin hadii meel loo wada jeesto waxay ka dhigantahay in la hilmaamay qancinta kuwo ka mid ah dadka mufakiriinta ah oo iyagu meel kale la haysta, waayo qofka xeelad yaqaanka ahi kuma guulaysan karo in shacbigu wada taageero hadalkiisa iyo hogaamintiisuna waxay yeelan kartaa gad-daloolooyin badan oo aanu ku xisaabtamin.

Somaliland waa wadan dimuquraadi ah oo uu hogaanka u hayo madaxweyne la soo doortay, kaasoo markii la doortay aanay dadku wada dooran laakiinse in ku filan uu ka helay codadkii la tiriyay ee doorashada, iyadoo hadana madaxweynu markii la xaqiijiyay Guusha uu madaxweyne u noqday kuwii u codeeyay iyo kuwii ka codeeyay labadaba madaxweyne u noqday.

Inkasta oo Hogaamiyayaasha qaarada afrika lagu dacaayadeeyo Kaligood-taliyayaal aan dheg u dhigin talayooyinka loo soo jeediyo iyo aragtida umada ay Masiirka u hayaan, hadana Somaliland marka la eego dadku waxay dawladnimada ku bedesheen qayb ka mid ah hogaan dhaqameedkii ay lahaayeen Beeluhu oo u eekaa nimaadka dawladnimada iyo kala dambeynta, taasoo si toos ah ula jaanqaadaysa dhinaca dhaqanka ee laga soo dheegay.

Hadii aynu si kale u dhigno dawlada Somaliand waxay ku dhisantahay nidaam beeleed lagu heshiiyay dib ula soo noqoshadii xornimada dalka  taasoo lagu jaan-gooyay awood dhaqameedkii dhinaca bulshada ee wakhtigaasi jiray, laakiinse waxa markii dambe loo soo gudbay Hanaan Dimuquraadi ah oo hogaanka dalku doorasho ku imanayo, waxaanay taasi suurto gelisay in mawaadiniinta oo dhami u sinaadaan Hirdanka, Higsiga iyo hanahada hogaanka, iyadoo  la doonayay inay meesha ka baxaan dhamaan arimihii dhinaca siyaasada eek u salaysnaa qabiilka iyo qof cidi ka dambeyso.

Labaatan sanadood ka dib Somaliland waxay soo martay guulo dhinaca Dimuquraadiyada ay ka gaadhay, waxaanay dadku la soo qabsanayaan in Qoriga kaliya ee  Kursiga lagu qabsadaa yahay Cod ama Farta khadka layska mariyo marka uu qofku codeeyo, waxaana laba sanadood ka hor laga takhalusay madaxweyne sideed sanadood xukunka hayay oo ay gaamureen awoodihiisa dhaqaale iyo Ciidan, kaasoo hadana markii loo cadeeyay in lagaga guulaystay Doorashadii dalka ka qabsoontay 26 bishii June ee 2010 aan ku sii dahanaabin inuu kursiga isku sii adkeeyo, taasoo cadayn buuxda u ah bislaanshiyaha Siyaasadeed ee Somaliland ka hana qaaday mudadii ay jirtay.

Sugida Cadaalad dadka iyo dalka wada gaadha, ilaalinta Xoriyatal-qawlka qaybaha Bulshada, taabo gelinta nidaam dawladeed oo umada wada gaadha, deeqana qof kasta oo reer Somaliland ah iyo in loo sinaado awoodaha qaranka cidii isu soo taagaysa ayaa gun-dhig u ah, shuruucda Dastuuriga ah ee Somaliland samaysatay, waxaanad moodaa in wax badani ka hir-galeen arimahaasi, laakiinse dib loo xagal-daacinayo hada.

Labadii sanadood ee ugu dambeeyay Somaliland waxay u ahaayeen kuwo buuq iyo qaylo ku bilaabay kuna dhamaaday oo  aan mar kaliya khilaaf siyaasadeed laga cag dhigin, kuwaasoo marba marka ka dambeysa u sii jihaysanaya dib u dhac ku yimaada geedi socodka dimuquraadiyada ka jirta wadanka iyo dariiqii saxda ahaa ee la hayay ka hor intii aanu kulmiye hogaanka qaban.

Waxaana bilaamay dhaqan laga soo gudbay wakhti hore oo ay xukuumadda Somaliland ku kacday mudo yar ka dib markii ay xilka la wareegtay, waxaana xabsiga la dhigay Suxufiyiin iyo Hogaan dhaqameedyo lagu eedeeyay inay Kacaanka dawliga ah ama isbedelkii siyaasadeed ee ka dheereeyeen, kuwaasoo aan helin Cadaalad ay iskaga difacaan eedaha loo jeediyay ee waxba kama jiraanka ah , isla markaana dhaliil siyaasadeed ku mutaystay Ganaax iyo Xabsi dheer oo lagu xukumay.

Cadaadinta dadka Rayidka ah ee Tabashooyinkooda soo bandhigaya ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabihii ugubka ku ahaa quluubta shacbiga Somaliland ee Xukuumadda Siilaanyo ku kacday tan iyo markii la doortay, laakiin waxa arimahaasoo dhan isku fuuqsaday mud ka dib Xadhig, Hanjabaad iyo Dacwad lagala daalay Saxaafada madaxbanaan ee wadanka ka hawl-gasha oo ahayd halkii kulmiye Hujuunka Siyaasadeed ka bartay, iyadoo ay dadku hadal-hayn jireen sababta ay Xukuumadda Kulmiye ficiladan ugu kacayso maadaama oo ay hore u balan qaaday inay ilaalinayso xoriyada saxaafada iyo gudbinta afkaarta Bulshada oo dhan, taasoo hadii la waayo dawladnimadu Mugdi gelayso.

Mudo ka dib cunaqabatayntii ay xukuumaddu ku haysay  Ra’yiga dadka iyo Warbaahinta waxa loo gudbay arimo ka duwan kuwii lala yaabanaa ee ku koobnaa saxaafada iyo joojinta Mudaharaadyada cabashada xambaarsan, waxaana xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin xilal ka hayay dawlada iyo Hogaamiyayaal dhaqan oo kale, kuwaasoo labadii bilood ee ugu dambeeyay Xabsiga ugu jiray xukun la’aan inkasta oo Eeddo Musuqmaasuq loo haysto masuuliyiintaasi, halka boqor Buur-madow oo ka mid ah madaxdhaqameedka dalka ugu waaweyn loo hayso dhaliil uu xukuumadda u so jeediyay bilo ka hor.

Sidaasoo ay tahay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxa ay  ku faantay inay markii ugu horaysay tahay in  masuuliyiin xilal ka haya dawlad   loo xidho fadeexada musuqmaasuq, taasoo madaxweyne siilaanyo isagoo dhoolacadayna aad ugu cel-celiyay markii uu furayay shirkii Golaha dhexe ee Xisbigiisa, waxaana macno tiray hadalkiisa oo u muuqday mid run ah hay’adaha kiiskan daba socda oo aan ilaa hada  soo bandhigin baadhis lagu qanci karo ama dambi lagu saarayo raga jeelka liinta ku ka cabaya ee wali xidhan suudhadhkii shaqada.

Xadhiga, Cabudhinta iyo Cadaadiskan siyaasadeed ee aynu kor ku soo xusnay ee Xukuumadda siilaanyo ku kacday, waxa bedelay aargoosi siyaasadeed oo si qaawan loogu weeraray shakhsiyaad dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda, taasoo markii ugu horaysay lagula kacay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga kulmiye C/raxmaan C/qaadir oo todobaadkii hore laysku dayay in xilka lagaga qaado shirkii Golaha dhexe ee xisbigiisu ku qabsaday huteelka maansoor ee magaalada hargeysa, kaasoo markii uu  ka dooday sababta xil ka qaadistiisa loo nisbaynayo xoog lagaga saaray madashii shirka, isla markaana mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee wasiir Duur jug ka soo gaadhsiiyay Nabar kaga yaalay Dhabarka oo ku kacay ka dib markii uu askarigu six un ugu soo tuuray Kursigii uu ka kacay C/raxmaan.

C/raxmaan C/qaadir oo ka mid ahaa Halyeeyadii Xisbiga kulmiye guusha madaxtinimada u horseeday, waxa sidan loogu galay dhaliil hadal ah oo uu dhawr bilood ka hor uu saxaafada u mariyay xukuumadda talada haysa ee Siilaanyo, taasoo uu ku tilmaamay in dhexdeeda musuqmaasuq ragaadiyay, iyadoo  hadalkiisu aanu  ahayn mid cadaawad ah ee uu u muuqday mid talo iyo toosin ah oo uu si gaar ah wax ugu sheegayay Madaxweyne Siilaanyo oo ay soo wada mareen Hal-gan dheer oo ilaa xiligii SNM soo taxnaa, balse ay kala fogaadeen intii uu madaxweynaha noqday.

C/raxmaan C/qaadir waxa soo gaadhay dhaawac dhabarka ah, waxaana loola cararay cisbitaal dibadeed si wax looga qabto nabarka ka soo gaadhay dhabarka oo uu labadood ka hor ka waxyeeloobay, xili u ku jiray ololihii Kulmiye doorashada, kaasoo kaalintii uu ku lahaa loogu abaal guday in Fagaare aduunka oo dhan laga milicsanayo lagu gawraco ama lagu kashifo, isla markaana loogu geystay waxaanu geyin iyo riix-riix aanu galabsan laakiin loogu quus goynayay isaga iyo rag kale oo aanay wali seefta siilaanyo ku dhicin balse ay sahayan doonto wakhti aan fogayn, sida muuse biixi oo mindida lagu gawracay C/raxmaan C/qaadir loo soo dhiibay.

Mujaahid Cali Guray oo ka mid ah dadka sida aadka ah uga damaqday falka lagula kacay muj c/raxmaan c/qaadir ayaa la hadal hayaa in Xukuumadu qorshaynayso sidii loo  xidhi lahaa, taasoo hadii ay dhacdo markhaati u ah sida ay xukuumadda siilaanyo ugu tacadiyayso qof kasta oo afkiisa ku difaaca dhibaatooyinka ay kula kacayso dadka ma gaynada ah ee suuqa lagu qaawinayo ama sharafta laga qaadayo shaaracyada siyaasada.

Hadii Cali guray ama shakhsi kale oo la miisaan ah C/raxmaan qaadir Xadhig ama shirqool la mid ah kii ina c/qaadir lagu kaco waxa dhici karta in la waayo Nin dambe Xukuumadda dhaliil ka sheega, taasoo keeni karto inaan la xisaabtamin ama aan laysa sixin ee khalad iyo saxba madaxa laysu ruxo, waxaana xusid mudan in dhengeda aargoosiga iyo cabudhinta siyaasiyiintu aanay ahayn markii ugu horaysay, laakiinse hore looga Takhalusay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dirqi kaga badbaaday in hadh-cad laga wareejiyo xisbigii uu mudada dheer ku soo tabcayay, kaasoo looga qaadayay koox siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan ciro.

Kooxdaasoo isku dayday inay UCID ka qaadaab faysal, iyagoo garabsanaya Xukuumadda iyo Hay’adaha Garsoorka oo ay doonayeen inay Cadaalad daro u xukumaan, waxaana Faysal laga raacay Eeddo cul-culus oo uu dawlada u soo jeediyay isaga oo ku sugan dalka dibadiisa, taasoo kooxda loo adeegsaday ee xisbigiisa ka tirsanaa maalintii ay warbaahintu daabacday warkiisa ka dib shir jaraa’id oo ay ka qabteen ku sheegeen inaanu arintaasi faysal ku metelin xisbiga, laakiinse fikiradiisa hadlay, ka dibna markii Faysal dalka yimi shir- ay qabteen ku iclaamiyeen inay hogaankii xisbiga ka wareejiyeen, taasoo dacwad badan oo xukuumaddu daahadabadiisa ugu jirtay Faysal Guushu ku raacday.

Sirta ka dambeysa Fasaxa ururada siyaasada ayaa sidoo kale  la aaminsayahay inay ka mid tahay talaabooyinka ay Xukuumaddu ku liciifinayso Asxaabta Mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahba si ay ugu foognaadaan oo kaliya loolanka ay ku ilaashanayaan Taageerayaashooda,waxna uga sheegin arimaha danta ugu jirta bulshada iyo wadanka.

Waxaana sidoo kale dibada u  soo baxay in Xukuumaddu Ururada ku kala jejebinaysay isku duubnaanta shacbiga ama bulshada dalka ku dhaqan, taasoo hadii aan la mashquulin ama la kala fur-furin Xukuumadda Indhaha ku jeedinaysa, isla markaana wax kasta oo la xumaynayo sida fiinta uga qaylinaysa.

Iminka Garoonka Siyaasada Somaliland waa mid furan oo uu siyaasi kasta oo damac lihi ku alamiitaynayo, balse ujeedada ugu weyn ee ka dambaysaa waxa weeye in la mashquuliyo kooxaha siyaasada iyo bulshada inteeda kale oo badanaa marka Ololayaasha lagu loolamayaa jiraan ku dhex milanta Hirdanka socda, iyadoo si waadax ah hada loo ogaaday in Xukuumadda madaxweyne siilaanyo u fekertay qof kasta wixii lagu dabri lahaa, mana jiro qof maanta xoriyad u haysta inuu si cad wax u sheego ama si xalaal ah wax ula soo baxo.

Waxaana marag ma doon ah in hogaanka madaxweyne Siilaanyo gacantiisa ku kala saarayo Ururada magacyada badan ee la furtay, kuwaasoo dhamaantood dadkii aasaasay ku khasbanaadeen inay guul-wadayaal u noqdaan Xukuumadda u ogolaatay rabitaankoda siyaasadeed, marka laga tago Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo isagu isu haysta  inuu yahay Ninkii dabarka ka furay cabudhintii lagu hayay siyaasiyiinta Hanka madaxtinimo doonaya ee laga madnuucay inay furtaan meelo ay ka soo fuulaan salaankeed, isla markaana loo aqbalay heshiiskii uu la galay xisbiga Kulmiye xiligii Ololaha doorashooyinka lagu jiray ee aanu isbedelku dhicin.

Maxamed Cabdi Gaboose waxaad moodaa inuu ku guulaystay wixii u xadhiga ku soo mutaystay ee furashada ururada siyaasad, laakiinse waxa muuqata in taasi lagaga iibsaday fursad qaali ah oo ay beeshiisu ku doonaysay inay hogaanka dalka isu diyaariso shanta sanadood ee soo socota, waxaana meesha ka baxay shir-weyne la hadalhayay in beesha Habar yoonis qabsanayso sanadkii hore oo ku saabsanaa aayo ka tashi siyaasadeed iyo mid dhaqan oo laga abaabulayay gudaha iyo dibadaba, waxaana shirkaasi bedelay shan Urur Siyaasadeed oo ay kala hogaaminayaan shan siyaasi oo beeshaasi ka soo jeeda iyo boqolaal kale oo garabyaacaya, taasoo sababi karta in arintoodu noqoto “lafa-maroodu iyaga ayaa laysku jajabiyaa”.

Marka laga tago arintaasi ururada cusub ee soo baxay,  Xisbiga UDUB ee talada ka degay sanad iyo badh ka hor,  waxa soo wajahay weerar siyaasadeed oo kaga lagu soo qaaday dhawr jeer laakiin, markii ugu dambeysay waxa lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo Daahir Rayaale iyo Ambasor Xusen Cali Ducaale (Cawil) oo labadooduba waayo arag u ah siyaasada Somaliland tobankii sanadood ee ugu dambaysay, kuwaasoo kulan madaxweyne siilaanyo la yeeshay todobaadyo ka hor  soo baxeen in loo balan qaaday xilal aan wali heerkooda la shaacin, halka Cali waran-cadde oo musharax madaxweyne isusoo taagay afka ciida loo dari gaadhay dhawaan ka dib markii khilaaf kedis ah laga dhex abuuray Xisbiga UDUB.

Isku soo wada duuboo qalin iyo qormo laguma soo koobi karo dhaliilaha maanta yaala ee xukuumadda Siilaanyo ka mashquulisay dadkii wax ka tilmaami lahaa, kuwaasoo ay  ka mid yihiin Sicir bararka Umada ragaadiyay, maamul xumada Xafiisyada Dawlada, colaadaha sokeeye ee dalka lagu furay, dhaqaale bur-burka iyo baraka kicinta bishii saddexaad lagu beegsanayo hanti shacbiga reer hargeysa ee Cagafta la mariyay wixii ay bariiska kala soo baxeeyeen, waxaana intaasi dheer aargoosiga bilowga ah ee lagu curyaaminayo hogaankii mustaqbalka dhaw rajada siyaasada laga sugayay oo kuwii ugu mudnaa Birta laga aslay, kuwo kalena la saadaalinayo in si ka xun sida ina-cabdi qaadir loo galay looga takhalusi doono.

Waxaanan qormaydayna ku soo koobayaa Ereyadii  aan hal ku dhiga uga dhigay sheekadan oo ahaa “Qof kasta oo Somaliland ku nool waxa uu ku mashquulsanyahay duufaano siyaasadeed, kuwo nololeed ama xaajo kale oo la soo deristay, waxaana macalin u ah mashquulinta dadka Xukuumadda siilaanyo oo tan iyo markii ay hanatay talada ku hawlanayd sidii ay qof walba ugu samaun lahayd shaqo uu kaga jeesto dhaliilaheeda, kuwii ku fahmay Jahawareerka siyaasadaysana  way shirqooshay”.

Waxaana xusid Hadii aan xaqiiqada laga tegayn in maanta ay dalka ka taagan tahay siyaasad xumadii ugu darnayd, taasoo loo baahanyahay in si dhakhso ah looga tashado hadii kale meel dheer ayaa laga dooni mar kale wixii loo soo halgamay.

Arinta xisbiga kulmiyena waxaynu ku soo uruurin karnaa baydad kooban oo ka mid ah maasooyinkii Abwaan Maxamed ibraahim Warsame Hadaraawi oo aan isleeyahay  waxa maanta dhacayaa waxay la mid yihiin wixii socday wakhrigii uu abwaanku maansada sameeyay “Hal-la qalay raqdeedbaa lagu soo qam-maamoo, Qalalaasihiibaa Ninba qurus Haleeloo….Qosol wuxuu ka joogaa qubanaha dambeeyee, Buuraha Qotata dheer ka arkaaya qiiqee, Qarka soo jafaya”.

Wariye Saleban Cabdi cali (Kalshaale)

Hargeysa Somaliland

Email: curad1986@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>