https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/328/2?uidval=1268568853 Hargeysa(ANN)- Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil, ayaa dayactir iyo qurxin ballaadhan ku samaysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaalla badhtamaha magaalada Caasimadda Hargeysa. Shirkadda Dahabshiil oo ku caanbaxday ka qaybgalka

 

horumarinta adeegyada aas-aasiga bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo taakulaynta ummadda Soomaaliyeed oo ay gacan weyn ka geysato masiibooyinka dabiiciga ah ee ku habsada sida abaaraha, biyo la’aanta iyo barakaca, ayaa dhawaan dayactir ku sammaysay Dugsiga Sheekh Bashiir oo ay istanbar iyo rinji ku sammaysay gebi ahaanba dayrka Iskuulka oo markii hore dacay iyo basaas badani ka muuqatay, sidoo kale waxay shirkaddu barxadda hore ee iskuulka oo markii hore gaadiidku si qaab daran isu hor tubi jireen ka hirgelisay baarkinno ay gaadiidku istaagaan oo hareeraha biro lagaga wareejiyay iyo qaar ka mid ah fasalada guadaha.

Dugsiga Sheekh Bashiir oo ku yaalla wadnaha caasimadda waxa isu barkaday kudaafadd hortiisa lagu shubo iyo basaas ka muuqatay muuqaalka guud ee Dugsiga oo ka mid ah dugsiyada ugu caansan magaalada Hargeysa, haseyeeshee haatan ka soo kabtay duruufo badan, ka dib markii shirkadda Dahabshiil gacan ka geysatay sidii loo soo celin lahaa bilicda dugsigan oo ay dhigtaan arday tiro badan.

Dugsiga Sheekh Bashiir waxa uu ka qatanyahay inuu taageero ka helo  badi xafiisyadda iyo xarumaha ganacsaiga ugu waaweyn ee dalka oo indhaha ka qarsaday inay taageeraan amma waxqabad u geystaan goobta waxbarasho ee jaarka la ah, marka laga reebo Dahabshiil oo iyadu

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/328/3?uidval=1268568853

qaaday tallaabo ku dayashadeedu mudantahay.

Shirkadda Dahabshiil oo ah horyaalka xawaaladaha casiriga ah waxay 20kii sanno ee u danbeeyay ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo ay sumcad kaga kasbatay adduunweynaha iyo bulshadda Soomaaliyeed ee dacallada dunida ku nool oo ay ku guulaysatay inay ka dhigto kuwo xhttps://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/328/2?uidval=1268568853

xaafad keliya wada degan.
News Advertisement
Araweelonews Mobile
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *