Halkan waxaan salaan qiimo badan uga soo gudbinayaan Dhamaanba Saxaafada Somaliland iyo shacbiweynaha reer Somaliland, waxaan leeyahay dedaalka horumarineed ee dalkeena iyo dadkiisa halkaa ka wada.

Waxaan saaka qalinka u qaatay ka dib markaan arkay  Nin magaciisa ku sheegay Maxamed Caabi oo sheegtay maareeyaha Univarsal TV Hargeysa oo difaacaya Universal TV, waxaan isweydiyey maanaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa ( Ma maxamed Caabi ayaan ahayn Muwaadin Somalilander ah mise wuu is yeelyeelayaa ).

Akhristayaal cidna kama daahna  borobagaandada iyo beenta cad ee uu Universal TV ka soo gudbin jiray  Somaliland gaar ahaan  Shaqaaqadii Kalshaale, Universal TV wuxuu soo gudbiyey  Sawiro been abuura oo ah sawiradii Xamar qaraxyadii ka dhacay iyo wiil yar oo gubtay, isagoo ku sheegay inay yihiin Dad Shacab ah oo Ciidamada Somaliland ay kaare marsiiyeen, wuxuu soo saaray shirar been abuura oo xili hore oo uu leeyahay waa shacbiga Reer Laascaanood oo Diidan Somaliland,  wuxuu diidey inu baahiyo  Beraagihii la,aasay iyo Maxaabiistii la soo daayey, wuxuu shaqadii kaga eryey  weriyihii Laascanood ka dib markuu soo gudbiyey warkii wanaagsanaa iyo sidii loo soo dhoweyery weftigii Somaliland, waxa intaa dheer warar hore oo badan waxanse intan u soo qaatay waa dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee uu maamulka Tvgu sida badhedhka ah ugula kacay Somaliland.

Hadaba waxaanu leenahay Maxamed Caabi  Shaqo kale adoo raadsada ayaa kaaga sharaf badan Universal TV, ilaahayna meel kale irsaaqad ha kaa siiyo, balse damiirkaaga ha siisan  difaaca Cadowga Somaliland ee Universal TV, hadaanu nahay qurba jooga Somaliland  waxaanu in mudo ah isweydiinaynay sababta Xukuumada Somaliland talaabo uga qaadi weyday Been abuurka cad ee Unuversal TV ku Dhaawacayo qaranimada Somaliland, balse iminka oo aanu ku diirsanay talaabada laga qaaday maaha in cidi difaacdo iyadoo shaqo ku raadsanaysa, waxaanu sidoo kale fariin u diraynaa  Shaqaalaha Universal TV ee Reer Somaliland oo uu ugu horeeyo C/salaan Hereri waa inay maamulka Tvgaas kula xisaabtamaan hagardaamooyinka uu kula kacayo dalkooda hooyo hadii kale ay shaqada isaga tagaan hadayna difaaci karin jiritaanka dalkoda.

Ilaahay Ayaa Mahad leh
Samra Dirir
Stokholm Sweden

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *