Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Farsamada ee Wasaaradaa Ibraahim Axmed Maxamed (Ibraahim Shiine) iyadoo aan la  sababayn xilka qaadista  masuulkaa.Wasiirku

waxa uu  Agaasimaha  cusub ee  waaxda farsamada  u magacaabay Axmed Saleebaan Maxamed, siday caawa faafisay Idaacad  Radio Hargeysa, waxa lagu sheegay in tallaabadan Wasiirku uu qaaday si loo dardar geliyo wax loogu yeedhay shaqada waaxda farsamada oo ah ta ugu baaxada weyn wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta.

Wasiirku faah faahin kamuu bixin xil ka qaadista  Ibraahim Axmed Maxamed, oo ah ka mid ah shaqaalaha khibradda leh ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta kana mid ahaa aasaaseyaashii iyo xubnihii ugu miisaanka weynaa suxufiyiintii ka hawl geli jiray Idaacadii madaxa banaanayd ee Radio Horyaa iyo idaacadii Radio halgan ee xiligii halganka SNM.

Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu ILAAHAY uga rajaynayo Agaasimaha cusub inuu u fududeeyo gudashada xilkiisa.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xilka qaadistani ay ka dhalatay markii masuulkan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafintu isku dhaceen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *