QATAR2.jpgDoha(ANN) La taliyaha Madaxwaynaha ee Dhaqaalaha , Gacansiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo ayaa socdaal shaqo oo qaatay 5 cisho ku tegey  Magaalada Doha ee dalka Qatar,  isagoo ka soo kicitimay dalka Imarate -ka Carabta oo uu kulamo kala duwan la soo yeeshay

 

Jaaliyada Somaliland ee halkaa ku dhaqan kagalana qayb galay debaaldegii 20 guuradii 18ka May.

Lataliyaha Madaxwaynaha Axmed Xasan Carwo intuu joogay dalka Qatar wuxu kulamo kala gedisan la yeeshay Jaaliyada ku dhaqan dalka Qatar , Mahad naqa iyo soo dhawaynta  ka sokow wuxu lataliyuhu uga xog waramay Odayaasha , aqoon yahanka iyo haweenka ku sugan dalka Qatar xaaladda guud ahaan wadankii ku sugan yahay gaar ahaan dadaalada faraha badan ee ay dawladu wado , hadday tahay adkaynta nabad galyada , dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga. Waxuuna hoteelka uu deganaa ee Retaj Hotel kula kulmay xubno isagu jira aqoonyahano, ganacsato, iyo madaxda Jaaliyadda isagoo la yeeshay warbxin iyo aqoon-is-weydaarsi si saraaxada leysu dhaafsaday. Axmed waxuu ku booriyey in loo baahan yahay inay sharkado samaystaan si ay qayb libaax uga qaataan maalgashiga dalka. Dalka oo dihin una baahan uun maal lagu dhaqaajiyo.Waxa kale oo uu xusuusiyey doorka jaaliyadda ka saran isku-xidhka labada dal, iyagoo ah dhammaantood ambasadooro matalaaya dalkooda hooyo.

240520111710 (3).jpg

 

“…Xidhiidh kasta oo Somaliland dal kale la sameysatay waxa hormood ka ah qurbajooga dalkaas degan”, ayuu yidhi La-taliyaha Dhaqaalahu.

“ Waxaan door bidiyaa inaydun idinku ka muwaadin ahaan iyo dadkeena gudaha joogaaba aydun awoodiina isku darsataan oydun samaysataan shirkado intii shisheeye ina maalgalin lahaa…waxii se taas loo waayo waa lama huraan in la soo jiito maalgashiga shisheeye, si dalka horumar looga sameeyo..waad aragtaan oo maalgashi shisheeye dalalkii hore-umaray ayaan ka maarmin..kan aad joogtaan ayaad aragtaan inuu soo jiidanaayo maalgashi isla markaasna uu maalgashi kale ku sameynaayo dunida kale..casriga la joogaa waa mid ku salaysan xuduud furan kolka maalgashiga la eego..dunidina ay noqotay tuule la wado deganyahay…””, Ayuu yidhi Axmed Carwo  

QATAR4.jpgQATAR5.jpg

 

 

Waxa Axmed la kulmay rag ay ka mid yihiin Aqoonyahanada Cumar Ducaale- (Cumar Laydh), Maxamed Mahdi Xuseen, Maxamed Cabdisalaan, Cabdillahi Maxamed Diiriye, Muxumad Maxamed Xasan, Cumar Muxumad Dhamac, Aadan Xuseen Cali, Maxamed M Adan, Siciid Cabdi Cilmi iyo dhalinyaro badan. Dhinaca odayaasha Qatar waxuu kala kulmay rag ay ka mid yihiin Madaxda Jaaliyada oo kale ah Cali Maxamed Yuusuf, Maxamed Cabdi Jama, Maxamed Yuusuf Maxamed, Xasan Cismaan Cajab, iyo Dubbe Aadan Dhere.

Waxay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xidhiidhka xukuumadda iyo Jaaliyadda, iyo in la fududeeyo maalgashiga dalka loona dhiso sharciyo iyo nidaam arrintaas soo jiita. Cali Maxamed, Maxamed Cabdi iyo Maxamed Yuusuf oo afka odayaasha iyo dadweynahaba ku hadlaayey ayaa aad ugu mahadnaqay sida buuxda ee murtida iyo aqoonta ah ee Axmed ugu xog-waramay, iyagoo mahad balaadhan u jeediyey Axmed iyo habka xukuumaddu u abaartay wax-qabadka muuqda muddada yare e ay jirtay. Waxayna balan qaadeen inayna waxba kala hadhayn dhismaha dhaqaale ee dalka inta karaankooda ah iyo inay doorkooda ka soo bixi doonaan sidii dalka Qadar iyo oomaliland leysagu xidhi lahaa. Waxayna Axmed u fidiyeen martiqaad danbe ooy iyagoo tusaalayntiisa ka faaíideysanaaya ay ka sii midho-dhalin doonaan, ayna filayaan inuu soo noqdo iyagoo waxqabad muuqda qaaday.

Axmed Xasan Carwo kulanka kala duwan ee uu la qaatay Jaaliyada ku dhaqan dalka Qatar wuxu kulamo kale duwan la yeeshay, shirkado ,ganacsato kala duwan oo danaynaya inay maalgashi ku samaystaan dalka Jamhuuriyada Somaliland , isagoo uga xog waramay khayraadka dihin ee dalka Jamhuuriyada Somaliland leeyahay iyo fursadaha ka banaan , balan qaadayna in dawlada Somaliland soo dhawaynayso maalgashiga dawliga ah  gaar ahaan wadamada carabta isla markaana loo fududayn doono wixi dawlad ahaan iyaga ku xidhan. Waxa kale oo Axmed wada-hadal la yeeshay masúuliin rag iyo dumarba leh oo uu ka mid yahay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee Xidhiidka xafiiska gaarka ah ee Amiirka, iyo Xoghaynta khaaska ah ee Amiirada. Iygoo balan qaaday inay fariinta gaadhsiin doonaan xukuumadda ayna dib ula soo xidhiidh doonaan Axmed iyadoo albaabkii u horreeyey hadduun uu furmay.

Kulamada Mudane Axmed Xasan Carwo la yeeshay , Ganacsatada , shirkadaha iyo Jaaliyada ku dhaqan Dalka Qatar waxay dhamaantood ku dhamaadeen guul iyo isfaham waxaana loo balamay in halka laga sii wado xidhidhka iyo wada shaqaynta.

Waxa Axmed Carwo intaanu iman Qatar soo maray Imaaradka isagoo ka qaybgalay debaaldegii 18 May ee ka dhacay Dubai. Waxuuna ka jeediyey qudbad dheer isagoo ku matalaaya Madaxweynhana hanbalyo iyo bogaadina u soo jeediyey Jaaliyadda UAE. Waxa xafladda ku weheliyey Xaji Cabdi Waraabe oo matalaayey Golayaasha Sharcidejinta iyo Cabrirahman Cabdiqaadir oo matalaayey xisbi xaakimka Kulmiye. Waxa kale oo Axmed Carwo la yeeshay waraysi dheer shabakadda Hadhwanaagnews wakiilka

u jooga Imaaradka oo dhowaan la soo deyn doono.

Axmed Xasan Carwo wuxu u kicitimay dalka Boqortooyada Ingiriiska halkaas oo uu u tegay hawlo shaqo oo ku sahabsan arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland, xidhiidhka Jaaliyadaha iyo xukuumadda, iyo xoojinta xidhiidhka dhaqaale ee UK iyo Soomaliland.

Guul iyo Gobannimo
Mohamed M Aden
Doha
mohamedmaden@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *