Your browser may not support display of this image.

Milgo Wuxuu Lahaadaa, Jacayl Muunad Leeyahay, Maamuus U Gaariyo, Sharaf Lagu Mariimaa, Marka Laba U Daacad Ahi, Muxubada Kalgacalka
Guur Ku Muujiyaane Sumad Looga Dhigo Meher” Abwaan Abees.

 

Sideedaba noloshu waa ayaamo yar oo kooban, waxaana dhadhanka nolosha hela midkasta oo oori wanaagsan hela,ogow in ninka oori wanaagsan helaa uu noqdo ninka dunida ugu farxada badan, sidoo kale ninka hela  oori shar badanina uu noqdo indheer garad. sidaasi daraadeed sanadkan 2012 ayaa ahaa sanad ay dhalinyarada Somaliland u dhaqaaqeen sidii ay boodhka  isaga tumi lahaayeen oo ay u yagleeli lahaayeen gurigii dhabta ahaa ee nolosha,waxaa muhiima in qofkastaa ogaado inuu nabigeenee suubanaa (csw) yidhi noloshu gabigeeduba waa ayaamo waxaana macaankeeda hela ninka guursada oori xalaala, sidaasi daraadeed dhalinyarada oo aad moodayso inay soo fahmayaan guurkii xalaasha ahaa, hadaba  sanadkan aynu ku gudo jirno dhalinyaro badan ayaa  guntiga dhiisha isaga dhigay oo ku fikiray sidii mustaqbal iyo rajo iftiin badan ay u samaysan lahaayeen, waxaa in badan dhici jirtay in dhalinyarta iyo inta aan guursanba ay ka biqi jireen guurka taas oo ay ka qabeen sas ah inuu guurku yahay mid kharash badan, mid dhib badan, dabadeedna ay rag badani xuska dabada galiyeen, laakin wakhtiga oo ahaa mid is badbadalaya, guurkuna uu noqday sanado badan mid istaagay taas oo in badanoo dhalinyarada ka mid ahi rag iyo dumarba ay dib u gurteen.

Balse tan iyo maalintii uu bilaabmay  sanadkan cusub ee 2012 oo aan ugu magac daray sanadkii Guurka Dhalinyarada ayaa maalinkasta waxaad arkaysaa dhalinyaradii magaalada oo maalinba lagu odhanayo hebel ayaa mehersaday iyo heblaayo ayaa la soo doonay, run ahaantii a rintani waxay wax badan ka badashay dhalinyarada kuwaas oo ahaa qaar  markii hore is lahaa malaha waxba ma haysatiin oo hadii aad u dhaqaaqdaana ka bixi maysaan ayaa durtaba waxad dareemaysaa inay qaacidadaa khaldani ay daaqada ka baxday, sidoo kale dad badan oo aaminsanaa inay marka faqiirtinimadu timaado uu jacaylku iyo guurkuba daaqada ka baxo, ayaa hada ku doodaya in ay fulaynimo uun ka ahayd laakin haday ogaan lahaayeen qiimaha uu guurku leeyahay ay bari hore guursan lahaayeen, sidoo kale haweenka oo ahaa qaar inta badan naawila rag ladan oo aduun haysta ayaad moodaa inay baryahan danbe soo fahmayaan sirta nolosha taas oo suuro galisay inay hablo badan ay u hir gasho hadafkoodii ahaa inay helaan rag wanaagsan oo nolosha la wadaaga oo ay isku ayni iyo lodba yihiin, inkasta oo aan mar wax ka waydiiyay qolo dhalinyaraa oo aan la kulmay oo markii hore guurka ka aaminsanaa wax wayn ayaa mid ka midi wuxuu ku jawaabay sidan “ Niyaw guurka anigu ismaan lahayn sidan ayuu u dhib yaryahay laakin waxaan ogaaday xikmada tidhaa ninkasta guurka wuxuu haysto ayaa kaga baxa, waan guursaday oo maanta guri ayaan leeyahay, hadan ogaan lahaa inuu sidan u dhib yaryahay guurku bari hore ayaan guursan lahaa, waayo gabadhu hadba waa sidaad isku fahamtaan markaa dhalinyarada wali dhumanaysa waxaan kula talin lahaa inay meesha isaga dhaqaaqaan, hadii kale waligood ogaan maayaan qiimaha guurka”

sidoo kale waxaan isku dayay inaan xidhiidh la sameeyo qaar ka mid ah hablaha dhalinyarada ah ee dhawaan la guursaday si aan  wax uga weydiiyo arrimahaa, waxaan wax  ka waydiiyay inan magaceeda ku soo gaabisay ismahaan waxayna tidhi “ walalo anigu waxaan ku fikiri jiray nin lacag leh oo aduun haysta guurso wuxuu doonayo ha ahaadee, laakin  fikirkaasi wuxu ahaa mid aan meel gaadhsiisnayn, waxaanan ogaaday markii aan hore u guursaday nin hore oo aduun haysta kaasoo aan maanta qoomameeyo, balse maanta waxaan guursaday wiil ila ayniya kaas oo aanu nolosha u wadaagno si qiimo leh, waxaanan ku farahsanahay inuu yahay kii ii qalmayay,waxaanan ku waaninayaa hablaha dhalinyaraa ee aaminsan inay helaan nin aduunyo haysta waxaan leeyahay farxadu waxay ku jirtaa adoo hela mid yar oo kuu qalma oo aad isku da’ tihiin ee wakhtiga yaanu idinku dhafin rajo been” intaasi ka bacdi anigoo indho indhayn samaynaya ayaa waxaa ii muuqatay in 8 bilood ee sanadkan aynu ku gudo jirno, ay ku dhawaad 2000 dhalinyaro ah hadanay ka badnayn ay is guursadaan guud ahaan Somaliland taasina waxay wax wayn ka badashay fikradii hore ee ahayd inay dhalinyaradu guurka ka baqaan, sidoo kale dhalinyaro fara badan oo markoodii hore ka baqanayay guurka oo u haystay inuu yahay mustaqbal ayay dhiiri galin ku samaysay oo isku diyaarinaya sidii ay guri u samaysan lahaayeen anadkan gudihiisa , inkasta oo uu dhaqaaluhu wadanku iska yahay mid iska liita hadana waxaa halkaa ka cad inay meesha ka baxeen kharashaadkii faraha badnaa ee ninka guursanaya uga bixi jiray sida macne daraadaa taas oo ay in badan oo dadka ahi ka qaylin jireen, sidoo kale dhalinyarada dumarka ayaad moodaysaa inay ka ilbaxeen aroosyadii iyo kharashaadki faraha badnaa  ee kaga bixi jiray Koofeerka, Sabiibta & waxa la midka ah ee ay lacagta buurani ku bixin jireen iyaga oo u badalay inay guryahooda dhigtaan alaabo qiimo u leh oo wax u tarta .

Guntii,gabagabadii iyo gunaanadkii anoon doonayn inuu qalinku ila taraaro ayaan waxaan faaladaydan ku soo af xidhayaa in dhalinyartu ay samaysay horumar la taaban karo oo ah inay aayahooda danbe ka tashadeen waxaanan rajaynayaa inay bilaha soo socda rag / dumar  fara badani ay meesha isaga dhaqaaqi doonaan oo ay ka bixi doonaan nolosha dhailnyarnimada ,waxaanan dhamaan dhalinyaradii guursatay iyo inta guur maaganayaasha ahba u rajaynayaa guul iyo gobonimo.
A/fataah sh.Nuh Jamac (Suldaanka)
Email:Samriye99@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *