Walaal Cumar Suleiman Cali, marka hore salaan walaaltinimada Muslinnimo ah iga gudoon. Marka xigta waxaan jeclaystay inaan bal inyar wax ka yidhaah qoraalkii ku saabsanaa “Rasuulka U Duceeya Mooyee”. Qoraal wanaagsan baad soo qortay laakiin meelaha qaarkood u baahan in la

dhamaystiro.

Walaal runtii aniga laftarkaygu waan ka soo horjeedaa waxyaabahan ay ku dhaqmaan qolyahan suufuyiinta ah ee cilmi la’aan ku dhaqaaqa waxyaabo u keeni kara inay shirk galaan. Laakiin adigana qoraalkaaga midbaan kuugu dari lahaa. Jacaylka nabi Moxamed (salallahu calayhi wasalam), waxay ka mid tahay qayb iimaan ka ah. Waxa daliil u ah markii uu nabiga (salallahu calayhi wasalam) Cumar Bin Khadaab ku yidhi “Nabiyow cid walba waan kaa jeclahay naftayda mooyee” ee uu nabiguna ugu jawaabay “wali iimaan kaagu muu dhamaystirmin” markuu Cumar Bin Khadaab yidhi “naftaydana waan kaa jeclahay” ayuu nabigu ugu jawaabay “imikuu iimaan kaagu dhamaystiran yahay. Xadiiskan oo saxiix ah waxaad ka heli karta Bukhaari iyo Muslim. Bal walaal arintaas dib uga fiirso oo bal dhinaca axaadiistana eeg. In aynu nabiga jeclaano oo xitaa nafaheena ka jeclaanaa waa inagu waajib waana qayb kamida iimaanka.

Ha imoodin inaan suufi ahay, aniga laftarkaygu waan ka soo horjeedaa wax yaabahan ay sameeyaan suufiyadu, intay rag iyo dumar isdhex yaacaan muusig iyo ciyaar loo banaan baxo, (ilaahay hasoo hanuuniyo, aamiin).

Nabigu waxa uu soomi jiray maalin kasta oo Isniin ah waxa la waydiiyay sababta uu u soomo, waxa uu ku jawaabay “waa maalintii aan dhashay, waana maalintii waxyiga la igu soo dejiyay, sidaa darteed Allah ayaan ugu mahad naqayaa”. Inaga markaa waxa la inaga rabaa sidan soo socota:

Inaynu nafaheena ka jeclaano nabiga
Inaynu ku salino nabi, markii kaliya ee aynu ku salino nabigana ilaahay ayaa toban jeer inagu saliya
Inaynu raacno sunnada (ilayn diinteenu waxay ku dhisan tahay Quran iyo Sunna)
Inaynu soomno maalin kasta oo isniin ah, oo macnaheedu yahay mahad naq aynu ilaahay u mahad naqayno soo dirista uu inoo soo diray Nabiga iyo maalintii waxyiga lasoo dejiyay.

Waxa kale oo aan email kan kuugu soo lifaaqayaa waraaq luuqada English ka lagu turjumay oo ku saabsan su’aalo iyo jawaabo dhexmaray Sheekh Al-Baani (Raximahullah) iyo nin aaminsan in loo dabaal dago dhalashada nabiga (salallahu calayhi wasalam).

Anigu ma aaminsani maalmo la dabaal dago oo dhaafsan inta diinta la inoogu sheegay mooyee sida:
Ciidul Ad’xa
Ciidul Fit’ri
Jimcayaasha oo ah ciid muslim (oo wiig kasta ah)

Wixii intaa dhaafsiisan magac kasta haloo bixiyee waxaan u arkaa inay tahay maalmo ay dadku sameysteen, dadkaasoo diimo kala duwan leh, ama dhaqamo kala duwanba leh, sida:
National day
Valentine day
Mother’s day
Father’s day
Independance day
Chrismas day
Mawlid day
Easter day
Boxing day
Woman’s day
Aids day
Blind people’s day
etc….iwm……

Halkan kuma soo koobi karo maalmaha la sameystay, ilaahay ayuunbaana ina badbaadin kara. Muhiimaddu waxay tahay oo inagu wada waajib ah in qofkasta oo Muslim ahi uu ku dhaqaaqo sidii uu cilmi u baran lahaa (cilmigaan ka hadlayaa maaha, sida computer loogu shaqeeyo ama science, ama engineer, iwm, ee waxaan ka hadlayaa cilmi diini oo ay ugu horeyso Tawxiidka).

Wabillaahi tawfiiq
Caadil Axmed Muxumed
Madinah Al-Munawarrah

— On Mon, 13/2/12, Omer Ali wrote:

From: Omer Ali

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *