..…..Wiilkii waatii loo wal qalay, ee awrka iyo adhiga badanba dartiis loo loogay. Waatii, dadaal iyo dood badan kadib, magaca Fatxi ah loo dooray. Hablaha uu la dhaashay iyo hooyadiisba se nanayso tiro badan, oo ‘Dugsiiye iyo Diiriye’ ay ugu door-roonyihiin bay ugu

ladhaan magaca Fatxi ah. Wax la kool-kooliyoba wakaas soo koray ee durba kuray xooglaha noqday. Wixii qisooyin ahaa ee ka horeeyay waxba isagu kama oga oo loomaba baahdo in marxaladihii tagay la soo qaado, wuxu se ogyahay inay hooyadiis iyo hablahoodu ku dhaataan. Wuxu goob kasta iyo goor kastaba maqlaa iyadoo magaciisa ay habluhu ku hal qabsanayaan oo leeyihiin “Waatii aan Fatxi waayaa…” sababta se ma sixi karo. Sidaas buu ku hano qaaday oo dugsi sare ku gaadhay. Noloshii gurigooda ee caynkaas ahayd, iyo sidii hareeraha looga taagnaa wax badan bay ka bedeshay qaab-dhaqankiisa oo wiilasha isaga leeg la dabeecad maaha. Waa la yaqaanaa muuqiisa iyo hugiisuba inay ka sheeganyihiin kuwa qayrkiis. Dhalinta ay isku gadaha yihiin waatii ay marar badan ku xifaalayn jireen inuu sida hablaha oo kale u xarago badanyahay, dan se kama gali jirin. Fatxi wuxu soo gurguurtoba heer dugsi sare ayuu hadda dhameeyay, waxaanu aabihiis Xaaji Yaasiin u qorsheeyay waxbarasho jaamacadeed iyo magaalada Qaahira.

Aabihiis wuxu kula dardaarmay inuu jaamacada Al-Azhar  galo oo culuumta diinta iyo luqada carabiga ku fogaado, heerna ka gaadho. Fatxi arintaas uma guuxin, laakiin aabihiis maya kuma celinin ee duco ayaa lagu kala tagay. Waa markii ugu horaysay ee gurigooda uu  abidkiisba ka safro, waxaana loo sameeyay munaasabad ambabixin ah oo layaab leh. Qoyskii Reer Xaaji-Yaasiin oo dhami waakuwaas isu yimid oo ay xataa ku jiraan sadexdii gabdhood ee reerka ugu waynaa oo guryo leh, magaalooyin kalena ka soo safray. Wax Fatxi lala bulsheeyo, oo la faraxsanaadoba wataas baabuur bas ah, oo nooca caasiga loo yaqaano ah, oo xaajigu lahaa qoyskii oo dhami isku gureen ee dhanka madaarka loo dhaqaaqay. Waxay xaajo caadi ahaatoba, wataas la soo gaadhay amintii uu Fatxi madarka horey u gali lahaa, ee ehel iyo asxaabiba ka hadhi lahayd. Waataas mar kaliya uun sagaalkii gabdhood iyo hooyadoodba ay wiilkii isku duubeen ee oohin miciinsadeen sidii uu geeriyooday oo kale. Dadkii dhoofaayay, kuwii soo dagay, maamulkii iyo ciidamadii amniguba waakuwaas isu wada yimid ee wada amakaagay. Wax lagu xoonsanaadoba, wataas shaqadiiba kala socon wayday, wakhtigiina isa soo guray. Dadaal xanaaq aanu ka madhnayn oo tabaabulshayn ah buu Xaaji Yaasiin galay, ninkii yaraana intuu soo dhuftay buu horey madaarkii u galiyay si uu diyaaradii uu ka habsaamay u gaadho.

****  Safar diyaaradeed oo dheer kadib, wakaas Qaahiradii uu mudada ku riyoon jiray soo gaadhay. Tagsigii uu horeyba ka qaatay waakii u sheegay inuu xaafadii “Bucuus” ee hoyga u ahayd ardayda Soomaalida iyo badiba ardayda umadaha kaleba ee Qaahira dagan la gaadho. Durbadiiba arday Soomaaliyeed buu helay, iyagii ayaana u jiheeyay oo arday kale oo Bucuus ag daganaa la dajiyay. Soo dhawayn kadib, wiilkii Faarax-yare ahaa baa maalintii xigtayba u sheegay qolka uu dagi doono, kharashka uu bixin doono bishii, halka uu dharka ku maydhan doono iyo midda uguba darnayd oo ahayd inuu maalintiisa ardayda kale cuntada u Karin doono! Fatxi wuxu bilaabay nolol cusub oo markii ugu horaysay aanay hooyadiis iyo hablahoodii qayb ka ahayn. Noloshii ardaynimada ayaa wajigeedii dhabta ahaa u dhiibtay. Waakii maalmo badan calaacalay ee ku heesi jiray, “Cakuye hawl aduun badanaa…” Wax uu soo marayba se hadda waa iskala qabsaday noloshii dhabta ahayd. Ninkii Fatxi ahaa hadda durba laba sanno ayaa ugu dhamaanaaya Qaahira, caqabad wayn na waxa ku noqotay luqadii Carabiga oo ku adkaatay, isna aanu dadaal badan galinin. Fatxi waxay jaamacadu u sheegtay inuu luqadiisa soo dhiso oo heer ka ay doonayaan soo gaadhsiiyo, kadibna waxbarashada kale loo ogolaan doono, laakiin taas ma samaynin. Dadaalkii aqoon korodhsigu u baahnaa badalkeeda, Fatxi waxa u sahlanaaday inuu dib isaga fadhiisto, wakhti badanna ku qaato dhagaysiga heeso Soomaaliyeed oo tiro badan oo uu ku dodo inuu waayaha qurbaha isku dhaafinaayo.

Intaas waxa u dheer oo noloshiisa qayb muhiim ah ka noqday saaxiibkiisa Reer-Qaahira ee Timajilic oo, shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaaye, Fatxi ay meelo badan iska shabahaan. Wax badan bay hadba gees u lugeeyeen wadooyinka waawayn ee Shaaric Salaax Saalim iyo Shaaric Axmed Saciid oo ku yaalay agagaarka xaafada Bucuus ee ardayda. Marka aan meelahaas la joogina, waxa laga helaa iyagoo turub iyo dumnad ku ciyaaraaya Naadiga Soomaalida ee Suuqii Cataba ku yaal, gaar ahaan Shaaric Shariif Baasha. Meesha kale ee intaas u soo raacdaa waa in shaah laga fuudo makhaayadii qaxwaha wacnayd ee Cammu Maxamed ee Naadiga ku dhex taalay. Fatxi waxa meelahaas kaga lumay wakhti aad u tiro badan, odaygii Xaaji Yaasiin ahaana dhaqaale baaxad leh, oo naftiisa iyo tu kale toona aanu u quudheen baa ka halaabay, wiilku se dan waxaas kama laha. Wuxuu wakhtigu is guroba, waakii maantii dambe wargayskii Al-yawm ee maalinlaha ahaa ka akhriyay in machad qoraalka miisiga laga bartaa uu arday qaadanaayo. Waakii horeyba u tagay ee macalimiinta la sheekaystay, rabitaankiisana u bidhaamiyay. Wuu ogyahay inuu aad ugu riyoon jiray inuu mar uun bal sida Maxamed Mooge, Cumar Dhuule ama Xudaydi oo kale kamanka u tumo, laakiin isaga iyo hamigiisa, hir wayn baa u dhaxeeya. Wax kasta oo la qabanayaa joogtayn iyo samir bay rabaan, waana halkaas meesha ay ciladu ka haysato ninkii Fatxi ahaa.

Samir darnaanta wuu isku ogaa, markan se wuu is tahbiibayaa, waxaana caawinaaya jacayl uu u qabo tumista miisikada, iyo midda ka sii muhiimsan oo ah inuu naftiisa qanciyo ugu yaraan. Wakaas barashadii miisiga bilaabay, aabihiis se wuxu u sheegaa, waligiisna u sheegi jiray, inuu culuumtii diinta waddo oo meel wacan marinaayo. In badan buu ka sheekeeyay oo cajalado uu ugu duubay qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis, inuu kuliyadii fiqiga, xadiiska iyo tafsiirkaba dhameeyay, luqadii carabiga na waa hore ka faraxashay. Wax badan buu ka sheekeeyay inay carabtii ba ka yaabtay oo itaxaamo badan iyo tartamo ba uu qofka koobaad noqday, aabihiisna warkaas fagaarayaal badan kaga sheekeeyay. Dadaal iyo jirrab badan kadib,, Fatxi kooraskii miisikada wuu dhameeyay, wuxu se dhib wayn kala kulmay sidii uu miisig codad Soomaaliyeed leh u keeni lahaa. Wax badan buu cawaysyo ardaydu lahayd kamankiisa u soo qaatay si uu xirfadiisa u muujiyo, laakiin, waxa si ku celcelis ah loogu sheegi jiray, inuu dhawaqa iyo dhadahnka miisigiisuba cod carbeed leeyahay.

Arintaasi niyad jab wayn bay ku riday, si uu wax uga bedelona wuu garan waayay. Saaxiibkiis Faarax yare, oo meesha ku canaantay, una sheegay inuu xataa miisigii waxba ka keeni waayayna waakii ku xanaaqay ee gacanta ay ka gaadhay. Habeenkaas oo dhaawacyo fududi isaga iyo saaxiibkiisba gaadheen baana ugu dambaysay Kaman uu meelaha Soomaalidu joogtoba ku soo qaato. Baryahan dambe waatii isaga iyo saaxiibkiis Timajilic ay jilibka laabteen meheradaha lagu qiijiyo bahasha ‘shiishadda’ ama ‘badeecada’ loo yaqaano. Waxay u badnaayeen meheradihii ku yaalay xaafadaha Cabaasiya iyo Daraasa oo aan ka fogayn xaafada Bucuus ee ardaydu u badantahay. Halkaas buu bahashaas ku qiijiyaa, carabtana kamanka u tumaa, sidoo kale, wuxu meesha ku daawadaa wargeyskii Al-Xawaadis ee amuuraha haweenka iyo jinsiga uun ka hadli jiray. Wax aan badnayn kadibna, waatii isaga iyo saaxiibkiis ay macaamiisha joogtada ah ka noqdeen cawaysyadii Shaaric Haram ka ku teedsanaa, gaar ahaan midkii caanka ahaa ee Africano Club ee ay haweenka carbeed raqas ka (qoob-ka-ciyaar) ka ku soo ban dhigi jireen.

Wakhtigu waa is riixayaa, ninkii Fatxi na durba Ceelkii Qaahira ahaa waxa ugu dhamaaday sanadkii todobaad, waxaanu garan la’yahay wax uu sameeyo! Fatxi wax ay talo ka murugsanaatoba, wax uu qoyskoodii yaabanaadoba, maalintii dambe waatii saaxiibkiis Timojilic, oo qudhiisu meesha wax badan joogay, waxna aan ka baranin uu fikradii ahayd inay wadamada Galbeedka u tacabiraan uu keenay. Fikradaas aad buu Fatxi ugu guuxay, waxaanu qoyskoodii ugu war diray inuu jaamacad kale oo England ah galaayo, ayna tahay inay kharash u soo diraan. Aabihiis oo markaas nin wayn ahaa warkaas lama dhicin, waxaanu ugu soo jawaab celiyay horta inuu wadanka ku soo laabto, kharash ambabax iyo tigidh ahna sidaas buu ugu soo diray. Fatxi markii uu saaxiibkiis warkii la wadaagay, wuxu u sheegay inaanu sidaas yeelin, kharashkana uu uga faaiidaysto tacabirka Yurub. Ayaamo aan badnayn kadib bay safaarada Ingiriiska ee Qaahira fiise booqasho gaaban ah ka codsadeen, waa se loo diiday. Saaxiibkiis Timo-jilic oo Qaahira uga soo horeeyay, arinta tacabirkana kaga xariifsan ayaa fikrad kale keenay. Fikradaasi waxay ahayd inay fiisooyin been-abuur ah (bug) ka samaystaan qolyo waxyaabahaas ku shaqaysta, ayna dariiqaas tijaabiyaan. Nasiib wanaag, waa siday iyaga ugu muuqataye, fikradii way u shaqaysay, usbuuc kadibna, magaaladii Qaahira ee ay naceen, ama iyadu nacday, ee todobada sanno haysay sidaas bay kaga baxeen iyagoo aan nabadgalyaynin!…

****La soco qaybta afraad*****
By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *