Hargeysa(ANN) Musharax  Cabdiraxman Cali Giire oo ka mid ah musharixiinta Kulmiye ee Hargeysa ayaa ka hadlay qorshayaasha iyo himilooyinka barnaamijkiisa ee ku waajahan Caasimada Hargeysa, haddii ay bulshada caasimadu codkooda siiyaan.

 

 

Musharaxn oo ka mid ah kuwa ugu cad cad musharixiinta xisbiga Kulimiye ee golaha deegaanka Hargeysa, ayaa qodobeeyay barnaamijkiisa iyo waxa uu doonayo inuu qabto.
C/raxmaan Cali Giire oo ah macalin aqoonyahan ah, isla markaana kasoo shaqeeyay maamulka, waxa uu qodobada himiladiisa iyo waxa uu doonayo inuu qabto kusoo ururiyay todobada qodob, kuwaas oo u dhignaa sidan:- 
1.      Cashuurta D/Hoose waxa la galin doonaa habka casriga oo Computerized ah kaasi oo mehered kasta guri kasta cashuurtii ay bixiyeen cadadkeeda iyo magacoodaba ay ka akhrisan doonaan Website loo samayn doono D/Hoose gaar ahaan qaybtiisa Waaxda Dakhliga Cashuuraha. Sidoo kale cashuurta dadwaynaha laga ururiyo halka aya ku baxdo iyana Website-kaasi ayay kala socon doonaa!!!!!;

2.      Dhamaan Degmooyinka Caasimada waxa D/Hoose ee Hargeysi ka hirgalin doontaa Xarumo Caafimaad oo habeenkii heegan ah ayna ka hawlgalaan xirfadlayaal caafimaad oo aqoon la hubiyay lehi!!!!!;

3.      Taxi-yada Caasimada waxa lagu buufin doonaa midab gaar ah oo lagu aqoonsado sida caasimadaha dunida oo kale!!!!!;

4.      D/Hoose ee caasimada qaabdhismeedkeeda waxa lagu soo kordhin doonaa Waaxda Waxbarashada iyadoo la siin doono dhamaan dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee xukuumada miisaaniyad kabniin ah oo Wasaarada Waxbarashadana lagala shaqayn doono si loo tayeeyo waxbarashada ubadkeena. Waaxdani waxay si joogto ah u kormeeri doonta dhamaan dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaal Caasimada Hargeysa si loola socodo waxa la barayo ubadkeena!!!!!;

5.      Gudiyo Dadwayne ayaa laga samayn doonaa dhamaan degmooyinka iyo xaafadaha caasimada gudiyadaasi oo Golaha Deegaanka Hargeysa kala talin doona arimaha nabadgalyada iyo amaanka khuseeya iyo baahiyaha haysta dadwaynaha ku nool degmooyinka iyo xaafadaha caasimada!!!!!;

6.      D/Hoose ee Caasimadu waxay iyadoo kala shaqaynaysa Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Somaliland daraasad ku samayn doontaa dhamaan xarumaha Cilaajyada loo yaqaano oo ay dadwaynuhu u doontaa caafimaad, daraasadan ayaa diirada saari doonta tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Cilaajyadu iyo hawlwadeenada ka hawl gala goobahaasi, gabogabada daraasadan waxa ka soo bixi doonta siyaasad iyo shuruuc lagu dhaqo xarumaha Cilaajyada iyo adeegyada ay bixiyaan taasi oo D/hoose ee Hargeysi ay hirgalin doonto!!!!!;

7.      Sanadka Koowaad waxa D/hoose oo kaashanaysa Haya’adaha Qaramada Midoobay kuwa Caalamiga ah iyo Xukuumada Somaliland la gaadhsiin doonaa dhamaan degmooyinka iyo xaafadaha Caasimadda Biyaha oo aasaasi u ah nolosha codbixiyayaasha muwaadiniinta ah.

Hadaba Muwaadin si qorshayaashaasi uu u hirgaliyo u hur oo u codee Musharax Cabdiraxmaan Cali Giire oo lambarkiisa codayntu yahay 307

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *