DSCN2756Hargeysa(ANN)Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub) oo ka mid ah musharixiinta Ururka DALSAN uga sharaxan gobolka Maroodi-jeed ee Hargeysa, ayaa sheegay inuu wax ka qabanayo mushkilada dhinaca maamulka iyo bilicda magaalada caasimada ah ee Hargeysa, haddii uu

 

kusoo baxo tartanka doorashada ee codkeeda loo dareerayo maalinta Arbacada 28 Nov 2012.
Musharaxan ayaa sidaa ka sheegay shalay mar uu hadal kooban ka jeediyay fagaarha beerta xoriyada hargeysa oo ay Ururka DALSAN kusoo khatimeen ololaha tartanka doorashada, wuxuuna u balanqaaday inay wax badan ka bedelayaan maamul xumada ka jirta caasimada ee dhinaca Biyaha, Caafimaadka iyo guud ahaan bilicda. sidoo kalena ay  xashiishka buuxiyay faras magaalaha iyo wadooyinka waaweyn wax ka qabanayaan oo ay ku jirto qorshohooda.
Mr. Maadhiin wuxuu taageerayaashiisa iyo bulshada reer Hargeysa usoo jeediyay inay codkooda siiyaan haddii ay doonayaan in wax laga bedelo qaabka ay maanta u muuqato caasimada Hargeysa, si buu yidhi aanu u suurta gelino qorshahayaga iyo himilada aanu doonayno.
geba gebadii wuxuu ugu baaqay taageerayaasha in aanay ilaabin maalinta cod bixinta nambarka iyo magaca Maxamed Cali Caamir oo ay calaamadiyaan 420.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *