Sheekadda Qurbe-joog , Qiso Qof, Qoys iyo Qaran! By Maxamed Haaruun.Qaybtii Afraad:

Waataas duulimaadkii 110 ee diyaaradii Egypt Airways ay goor fiidnimo ah soo cago-dhigatay madaarka Hithro ee London. Saacada London ee jiilaalku waa lixdii, waxad se moodaa inay caways dambe tahay sababtuna waa xiliga jiilaalka oo ay qoraxdu goor hore dhacdo. Intaas

waxa u dheer baraf ka jiilaashinka ee Yurub oo si daran u haysta meel kastaba. Gabadhii diyaarada u hadlaysay ayaa sheegtay inuu Kabtan Shawqi Najiib oo ahaa duuliyaha koobaad ee diyaaradu rakaabka oo dhan salaamaayo, una rajaynaayo joogitaan wacan magaalada London, ayna rajaynayaan inay marar dambe ku duulaan shirkada Egypt Airways. Intaas waxay ku dartay, in cabirka xaraarada ee diyaarada debedeedu uu heerka eberka ee biyuhu ku barfaan 19 darajo ka hooseeyo. Fatxi warkaas aad uma fahmin, wuxu se arkaayay dadkii oo koodhadh iyo funaanado adag dhakhso u gashanaaya si ay qabawga soo socda uga gaashaantaan! Saaxiibkiis baa u sheegay in la sheegaayo inuu qabaw darani banaanka ka jiro, wuxu se Fatxi u celiyay yeelkadiisa. Intaas wuxu ku daray, inaanu qabawna muraad ka lahayn kol hadii aanu odaygii dhalay ku laabanin, magaaladii Qaahirana ka baxay! Saacadihii ay diyaaradu hawada la soo jarmaadaysay badankooda wuxu saaxiibkiis u sheegaayay,inuu Ingiriiska arday ka noqon doono, uuna hubo in nidaamka waxbarashada ee Yurub uu ka wacanyahay kii carabta. Wuxu sheegayay oo taas weheliyay, inuu maalinta uu shahaadada qaato, dhakhso ugu laaban doono qoyskoodii.

Waakuwas diyaaradii ka baxay, waxyar kadibna, waxay iska galeen musqulaha badan ee madaarka ku yaala. Waxa hore ay u ogaayeen in Ingiriiska qaxoontinimo/laajinimo laga dalbado, sidaas baanay yeeleen. Saacad kadib markii diyaaradii siday ay soo cago-dhigatay, ayay bilayskii madaarka joogay u sheegeen inay labadooduba qaxoonti Soomaaliyeed yihiin, ayna ka yimaadeen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo dhibaatooyin badani ka taagnaayeen waagaas. Waxa laga dalbaday inay wixii aqoonsi ah ee ay haystaan oo dhan keenaan, sidaas baanay yeeleen oo baasaabooradii iyo taysarooyin ba way dhiibeen. Saacado badan baa madaarkii lagu hayay iyadoo la kala kaxeeyay, dhaxan badan iyo gaajo ayaana meeshii ku wadaagay. Fatxi dhulka ayuu iska jiifsaday, waanu gam’ay. Goor waabari ku dhawaad ah bay nin iyo haweenay bilays ah, oo ayna wataa soo dul joogsadeen, inuu kacona ka dalbadeen. Sidaas buu yeelay, waxyar kadibna waxay meel kale ka soo kaxeeyeen saaxiibkiis. Durbadiiba baabuur yar baa lagu qaaday. Saacad iyo siyaado safar ah kadib, waxa la geeyay albeerko nooca qiimaha jaban ah, waana kuwa quraacda bixiya ee ingiriisku ay u yaqaanaan Bed and Breakfast oo ku taalay Waqooyiga London. Waxa sidoo kale la siiyay, waraaqo cunto lagu qaato oo meheradaha qaarkood wax lagaga iibsan karo, waxaana loo sheegay in dacwad qaxoonti loo furay. Muddo aan badnayd kadib ba sharci qaxoonti baa la siiyay, waxaana loo sheegay inay wadanka meeshii ay ka doonaan ka dagi karaan, ka shaqaysan karaan, waxna ka baran karaan.

Si kastaba, Fatxi qoyskoodii wax war ah kuma celinin haba yaraatee, waxaana halkan durba ugu dhamaday lix bilood. Waxa magaaladii Qaahira ka tagay wiilal ardaydii ka mid ah, iyaka ayaana warka Fatxi oo dhamays tiran qoyskoodii u tifaftiray. Odaygii Xaaji Yaasiin ahaa, oo sababo kala gadisan awgood dhawr goor xabsi u galay, caafimaad darro iyo cimrinna u dheeryihiin, ayaa warkii qadhadhaa u tagay, wuu se liqi kari waayay. Ninkii Qaahira waxba kama baranin, iyo miisiga ayuu waayadii dambe ku mashquulsanaa aad bay uga nixisay, waxaanay ku noqotay wax aanad filaynin iyo falaadhi ba way kaa fuc siiyaan. Wuxu soo xasuustay tix gabay ahayd, oo saaxiibkiis uu waa hore ka maqlay, macnaheeduna ku ururaayay, in ka aflixista cilmiga, iyo ku fashil kiisuba, sidda wax kasta oo kaleba, qayb Ilaahay uun tahay, waxaanu cod la wada maqlaayo, oo hadana murugaysan ku yidhi:

“Arbiciinka nimanbaa yaqaan, ururka Yaasiine.

Ninna waa agnaan aan sharciga, erey ka sheegayne.

Labadaas arwaax waa massa, ee amarka dheeraada.

Waa wada adoomee dadkaa, kala aflaax roon!”

Tagista England ee aan la isku ogaynba Xaajiga warkaas baa kaga darnaa, wuxu se warkiiba ku soo xidhay kalmadii uu caanka ku ahaa ee “Aduunyooy xaalkaa be,” oo mararka uu fajaco uu ku tiraabi jiray. Hooyo Qamar, oo aan iyada kolnaba dhanka wiilkeeda laga mari jirin ayaa iyadu xaajadii gees kale ka joogsatay, waxaanay ku dooday inaanu warkaasi dhab ahayn, war-xumo tashiil kuna badanyahay, ayna tahay in arinta la hubiyo. Waxay Xaajiga ku canaanatay inuu wiilka u daranyahay, dadkana u maqlaayo durbadiiba. Halkaas bay ka miistay, hadalkiina waa ka taagtaagmay. War xumi dugsi ma fadhiistee, warkii ay Hooyo Qamar diidanayd waa isa soo taray, arday kale oo Qaahira ka timid ayaa iyana wararkii hore sii xaqiijiyay. Wax ay xaajo dagamsanaatoba, muddo sanad ku dhaw kadib baa warqad laga helay wiilkii Fatxi ahaa, waxaanu soo sheegay war tiro badan, ay se ugu muhiimsanayd inuu England joogo, waxbarashona ku maqanyahay. Muddo aan fogaynba, odaygii Xaaji Yaasiin ahaa tii Ilaahay baa u timid, waxaanu noqday dad aakhiro. Wuxu ku dardaarmay in hanti wixii uu ka tagay aan la dhaxlin ilaa inta wiilkii raq iyo ruux miduun la helaayo. Wakhti adag baa qoyskii soo food saaray, muddo aan sidaas u dheerayn kadibna, dagaaladii lagu hoobtay ee 1988 baa qarxay. Waytabaaq baa meel kastaba ka dhacay, dadkii dhulka ka qaxay ee siday dantu baday, Ethiopia galay ayaanay hablihii uu Fatxi la dhashay iyo hooyo Qamar ba ka mid noqdeen.

*** Fatxi iyo magaaladii London. Baryihii uu yimidba, Fatxi  dugsi dadka waawayni dhigtaan buu galay si uu afka u barto, muddo dheerna wuu shaqo la’aa. Marar door ah baa waraqaha shaqooyinka lagu dalbado uu meelo badan u diray, laakiin waxba ma helin. Shaqooyin dhawr ah oo uu helay waxa ka xanibay baabuur la’aan. Muddo sanad iyo badh ah isagoo sii mootan buu geeridii aabihiis maqlay, aadna way u damaqday. Wuxu xasuustay waayaha ay ku suganyihiin gabdhihii uu la dashay iyo Hooyo Qamar, waxba se kama qaban karo. Xidhiidh telefoon ma jirin awalba, socotona hadalkeeda daa. Wuxu boosta kula cararay bushqad waraaqo ka buuxaan, oo calaacal u badan. Ma oga goorta ay arladii gaadhayaan, waxay se isaga u tahay guul wayn. Waakii iska jiifsaday gurigii ay isaga iyo labadii kale ee saaxibadiis ahaa ay wadaagi jireen. Waakii saaxiibadiis u sheegay inaanu qaddo karinin in kastoo maalintiisii ay ahayd, sababtuna tahay geerida aabihiis oo manta uun loo sheegay. Waakii Axmed-gacan oo aanay aad isugu wacnayni ku yidhi, “Dadkuba waa wada dhimanayaa maxaad qado u Karin wayday,?” Arintaasi si daran bay u damaqday, waxaanu goostay inuu aqalka ka guuro. Maalmo kadib, waakii soo helay aqal kuwa dadwaynaha ah, oo dadka aan guryaha lahayni ay wadaagaan, waxaanu ka codsaday inay deegaan siiyaan. Codsigiisa horeyba waa laga aqbalay, halkaas baanu dad kala gadisan, oo dhaqamo kala duwan watta, dhamaantoodna guryo la’aan ah sidiisa oo kale kula kulmay.

Waatii isaga iyo ninkii John ahaa, ee uu Dhagawayne ula baxay qolka la wadaajiyay, waanu aqbalay. Aqalkaas wadaaga ah, ama ‘Hostel’ ka sida ay Reer-London u yaqaaniin, waakii mudada dheer daganaa, waxaanu ka bartay dhaqamo cusub. Maalintii, gaar ahaan galinka hore oo dhan wuu hurdaa, koolijkii luqadaha iyo shaqo raadintii na faraha ayuu ka qaaday. Wax badan buu ka maqlay qolyaha madawga u badan, ee deegaanka cusub uu ugu yimid, inay cunsuriyad dhanka shaqada ahi jirto, dadka madawna aan sinaba shaqo loo siinin iyadoo laga maarmi waayo mooyee. Waxay u sheegeen inaanu waxba is daalinin, waanu yeelay. Awalba sidaas buu rabay ee marmarsiinyo ayuu u la’aa. Galabtii buu saaxiibadiisa cusub ee xaal-waaga ah ciyaaraha lagu madadaasho sida turub ka iyo bahasha  shax-Yurubiyan ta ah ee Chess ta loo yaqaano la ciyaaraa, laakiin se isagu ta dambe oo fikir badan u baahan ma jeclayn. Galabtii inta ka hadhay, iyo habeenka badankiisba waxa lagu qaataa caways, iyo baararka wax laga cabo oo hadba mid la tago, midna laga baxo. Wakaas socodkii madawga iyo sansaantoodiiba yeeshay, cid aan iyaka ahaynna ugumaba baxdo.

Afkii Ingiriiska oo ay isla liiteen waakii waxoogay labadii sanno ee hore koolijka ka bartay, in kalena qoladan asxaabta cusub ah buu ka korodhsaday, waa se luuqad suuqdi ah oo madawga oo kaliya, iyo cidii la biyo cabtaa uuni taqaano. Kalmadda “Ya man” ayuu aad ugu celceliyaa, kalmada kale ee ah “No problem bro” na iyada horeyba wuu u isticmaali jiray, marar badanna dhibaato ayay u keentay markii meel aan munaasib ku ahayn uu dhigay. Wataas wiishka cusubi qaatay, muraad se kama laha oo mar hore ayuu yidhi ha iska kay sitto. Wuxu naftiisa ku qanciyaa inuu deegaanka cusub ka faaiiday oo afkii iyo dhexgalka bulshada, iyo la dhaqanka dadka wadanka Ingiriis uu uga faaiidaysanaayo, qoladii Soomaaliyeedna uu goor roon ka soo dhex baxay. Waakii bahashii sidda sigaarka oo kale loo qiijin jiray ee xashiishada ahayd, oo baryaha qaar urteeda uu nici jiray uu aad u caashaqay kuna waashay. Wuxu is waydiiyaa sababtii uu bahasha urteeda u dhibsan jiray, wuxu se ku macneeyaa uun inay ahayd qayb wayn oo badawnimada ka mid ah! Wuxuu wiishku sitoba, waatii qolyo qarabaadiisa ahi ay soo raadiyeen, in badana ku daaleen sidii ay indhaha uga qaadi lahaayeen. Wax ay baadi goobaanba, waakuwii maalintii dambe deegaankiisa soo helay ee qolada maamulka waydiyay. Ninkii maamulka oo yaaban, oo qoladan raadinaysa muuqaalkooda sidda dadka caadiga ah u dhisan, iyo ninka ay ka hadlayaan oo xaalkiisa uu ogyahay ay isu qaban waayeen. Dhawr goor buu ku celiyay inay hubaan ninka ay doonayaan inuu Fatxi yahay iyo in kale, waxaanay u xaqiijiyeen inay ninka magacaas leh doonayaan!

Ninka maamulaha guriga ah waxa shakiga ku sii abuuray, qolada baadi-doonka ahi ninka ay raadinayaan waxay ku soo dhaafeen kadinka laga soo galo ee debedda dhinaciisa kursiga yaala oo uu fadhiyay. Waa ninka garanka xidhan, ee timaha dheer la baxay, ee gacmaha taswiiraha badan iskaga sameeyay. Waakaas sidii caadiga u ahayd, wargayska maalinlaha ah, ee nooca tabloid ka loo yaqaano ah ee The Sun, oo aan sumcad badnayn ku foorara ee sida aan caadiga ahayn indhaha ugu yuubaaya. Wargayska muraad kale uma laha ee wuxu ka daawadaa uun bogga sadexaad ee lagu sawiro gabdhaha qaarka sare qaawan ee ‘Topless models’ ka loo yaqaano. Usbuucyadaas bogga sadexaad ee wargayska waxa haystay, oo si joogto ah loogu soo celcelin jiray, labadii gabdhood ee Samantha Fox iyo Katie Price oo uu aad uga heli jiray. Maalinta uu ku arko labadaas gabdhood ama midkood sawirkooda iidiisa ayay ahaan jirtay, aadna wuu ugu dhagi jiray. Wuxu ku dhaygagi jiray timahooda dhaadheer, daawooyinka casriga ah ee haweenku ay isku aslaan ee ‘makeup’ ka loo yaqaano ee ay iskala daaleen, qoortooda dheer, iyo jidhkooda intaas dhuunta ilaa xudunta u dhaxaysa. Wax badan baa la arkay isagoo laabta gashaday boggas wargayska The Sun!

Qoladii baadi doonka ahayd, oo si shaki ku jiro loogu sheegay inay ninkaas aqalka banaankiisa ka eegaan ayaa dib isu soo rogay iyagoo is daba socda. Markii ay gudaha sii galaayeen muu arkaynin, laakiin hadda ayuu wajiga ku dhuftay nimanka soo baxaaya. Waakaas durba gartay Liibaan Yuusuf oo sadexda nin ugu soo horeeyay, waxaanu ku eegay waji horeyba isaga faraxsanaa. Labada nine e kale, oo midkood abtigiis rumaad yahay muu garanaynin ba, laakiin Liibaan buu dhankiisa is mariyay, isaga ayaana salaamay, ragga kalena is baray. Gacalkii meesha maraayay xaalkiisa way arkaan, isha ayaana u macalin ah. Xaaladan war kale umay furin, waxay se ku yidhaaheen inaan is raacno oo soo sheekaysano ayaan rabnaa ee maxay kula tahay? Soo jeedintaas looma diidin, horey baanu ka soo raacay. Nimankii intii uu shaadh ka soo qaadanaayay ayay ku tashadeen inaanay geeridii odayga iyo labadii hablood ee la dahshay ee ka dambeeyay toona la soo qaadin, iyo waliba, inaanay wax canaan ah u galin ee ay qodob kaliya uun ku adkaystaan. Qodobkaasi wuxu ahaa inay baasaaboor la soo saaraan, kadibna u noolyaan dhankaas iyo Ethiopia oo Hooyadiis iyo gabdhihii intii ka noolaa ay qaxoonti ku ahaayeen. Hadiiba qorshihii loo soo ban dhigay horey buu ka aqbalay, sidaas baanu ku ambabaxay…

****La soco qaybta shanaad****
M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *