..….Hooyo Qamar oo warka imaatinkiisa telefoonka Faarax-laangadhe looga soo sheegay ayaa ugu hor aragtay kolkii guriga loogu keenay, waanay dhaqaaq joogsatay. Muuqaalka wiilkii waa hore ka dhoofay, iyo ninkan timaha dheer baa isu qaban waayay, durba se way garatay oo

ku dhagtay. Hadalba waa laga waayay ee ilmo ayuunbay qubtay, isagiina waa ku daray. Hablihii oo labadii isaga ka roonaa ay ka joogeen, ayaa iyana ku daray. Nabarro badan aan kolnaba bogsanin ayaa mar qudha wada qoonmay. Dhalashadiisii, dhoofistiisii, dhimashadii aabihiis iyo gabdhihii la dashay, dhawaaqii laga waayay, iyo soo dheelmadkan lama filaanka ah ayaa mar qudha maskaxdii Hooyo Qamar iyo hablahaba ku soo wada dagay. Hooyo qamar quruxdii uu kaga dhoofay iyo dhalaalkii ma laha ee waji xanuun badani ka muuqdo, daal iyo diifina ka dharagtay baa u muuqda. Marka cabaar oohinta laga yar daaloba hadana dib uun baa loo bilaabaa, sidaas baanay saacado badani ku socdeen. Habeen oohin iyo calaacal badan, hadana rajo ka muuqato ayaa reerkaas u dumay, waagii dambena waa u baryay. Hooyo Qamar baa wiilkii u warantay, isagana waraysatay. Aad buu uga xanuunsaday in gabdhihii uu la dahshay iyo aabo midkoodna aanu dib u arkin. Hablaha intii ka noolayd baa loo sheegay meelaha ay jiraan iyo mid kastaaba waxay ku eedantahay. Gabadhii lixaad ee Saynab ahayd, ee halhaystii “Awalba hablaan dhali jiray.” Ay ku baxday baa loo sheegay inay iyada tahay midda uu reerku Ilaahay idamkiis ku baxsaday oo Sucudiga lagu qabo.

War ma dhamaado ee halkaas baa usbuuc dhan waraysi iyo hadal socday, canaana dhankeedaba looma kicin. Hooyo Qamar waxa dahabka cascas uga qaalisan inay mar uun Fatxi aragto, wixii kale ee laga sheegi jiray, iyo wixii uga muuqda oo dhanna dhago iyo indho toona uma laha. Waatii hooyo Qamar galabtii dambe u furtay taladii iyada dhankeeda ugu qiimaha badnaynd oo ah inuu guursado. Durba waxay u soo jeedisay, isagoo aan wali jawaaba celinin, inuu gabadha ay edada u tahay, ee uu walaalkeed dhalay ee Farduus ah guursado. Warkii maya kama celinin ee qabuul buu ku dhamaday, inantiina waa la doonay oo laba maalmood kadib ba magaalada la keenay. Gabadhii Farduus ahayd wiilka warkiisa way maqli jirtay, niyada ayaanay kala qiiroon jirtay eedadeed Qamar marka looga waramo waayihii soo maray. Farduus horey bay arintii ka aqbashay, meher iyo aroos dagdag ahna halkaas baa loogu sameeyay. Gabadhii Farduus ahayd durba waxyaalo ay garan wayday bay ku aragtaa wiilkii Inaabtigeeed ahaa ee loo dhisay, dhan ay u qaado, iyo wax ay ku micnayso se midkoodna garan mayso. Wax badan bay aragtay, gaar ahaan subaxda hore marka uu kaco, isagoo aad wajigiisa bahal moodid, jidhkiisuna wada gariiraayo, ilmona qubaaya. Inuu xanuunsanaayo ayay u qaadatay, isaga ayaa se ka diiday oo yidhi ‘Ok’ baan ahay.

waa markii ugu horaysay ee ay ereygaas ‘Ok’ ee ajnabiga ah maqasho, wax badan baanu dhagaheeda ku soo noqnoqday. Mararka qarkood bay u qaadatay “Ok” du inay tahay kalmad uu ku cabiraayo sidan uu yahay, ayna dhiilo sheegayso, waagii dambe se way su’aashay qasdiga uu kalmadaas ka watto, aadna wuu ugu qoslay! Intaas buu uga dhigay aqoon darro iyo badawnimo, isaga ayaa se labaduba degelkiisa fadhiyeen. “Af qalaad aqoontu miyaa? Maya, maya, ee siday nala tahay, qofba waa inta Eebe gashaa…” Inuu Dun Carebeed lixdameeyadii ku heesaayay baanu ogayn. Laba bilood iyo badh oo aroos iyo waayo aragnimo ah baa u soo dhamaaday, dib baanu London ugu laabtay. Waxad moodaa inuu damiirkiisii khyaaliga galay markan dib u soo noolaaday, waxaana aad ugu mudan oohintii iyo dardaarankii hooyadiis. Intii uu maqnaa ma helin xashiishad iyo khamri tona, waxaana la dareemi karaayay inuu jidhkiisa iyo caqligiisuba soo noolaaday. Ninkii Xaamud ahaa ee hooyadiis la dhashay waakii madaarka ka soo qaaday, isaga ayaana guriga qoyskiisa geeyay. Maalin nasasho ah kadib, Abti Xaamud talo iyo tusaalayn buu u galay, warkii maalintii hore uu ka dhawrsadayna manta ayuu u galay. Wakaas wixii laga filaayay, wixii uu falay, iyo filkan manta ah waxa la gudboonba faaladiisa ku wada mariyay. Abti Xaamud, oo ahaa nin aftahamo ah, hadana caqli badan, kumuu dheeraan canaantii ee wuxu isticmaalay mabda’a “Caano daatayba dabadood la qabay”. Wuxu ugu tiraabay, ereyadii Timacade uu dhalinta Soomaaliyeed kula hadlaayay ee ahaa:

“Ubaxii dhirta, iyo waxaa tihiin xididkii dheeraaye.

Idinkaa dhaqaalaha wakhtigu, yahay dhigiiniiye.

Dhulka iyo aduu waalidkaa, kaa dhursugayaaye.

Dhakhso uma talaabsado ninkii, dhaanis (qoob-ka-ciyaar) ku ordaaye.

Dhulka waxa u dhiman waa inaad, nala dhamaysaane.

dhalinyahay  sara kaca, oo dhaxalkii raadceeya.”

Hadal gun buu leeyahay, abtigiis waxay ku heshiiyeen inaanu gurigii uu waagii daganaa ku laabanin, inuu balwadii joojiyo, iyo inuu shaqo galo oo nolol u diyaariyo qoyskiisa cusub ee ku soo biiri doona. Intiiba wuu ka yeelay, waxaanu ka shaqo galay moofo abtigiis iyo Soomaali kale oo badaniba ka shaqeeyaan oo Smith Bakery la yidhaaho. Wax badan buu furinkii iyo keegag noocyo badan kala guray, maalmo badana wuu kalahay. Waakan durba Soomaalidii si wacan u dhex galay ee asxaab cusub samaystay. Saaxiibkiis Been-ma-sheege iyo nin kale oo la yidhaaho Qaadiro ayaa ugu horeeyay ragga uu dunta ku xidhay. Qaadiro meesha kuma raagin oo waatii habsan badan, iyo fasax xanuun oo tiro badan awgiis shaqada looga eryay markii ay shan bilood wada shaqaynaayeen. Labadii saaxiib ee cusbaa waakuwii jaadka baray ee marfashka Ilko-boqole geeyay. Waakii labada ayaamood ee Sabtida iyo Axadda halkaas fadhiyi jiray, in badana dhagta maali jiray. Muddo kadib waakii xaasku u yimid, inantiisii curadda ahayd ee Saamiya na markii ugu horaysay arkay. Farduus waatii muddo kooban oo ay adeerkeed Xaamud marti ku ahayd kadib, horeyba laga geeyay guryaha ku-meel-gaadhka ah ee sida aan rasmiga ahayn loo daggo, halkaas baanay iyada iyo Fatxi noloshii Ingiriiska si rasmi ah uga amba-qaadeen. Gurigii waxa Fatxi ugu dhashay laba wiil oo dambe, laakiin markii ay Farduus timid wakhti aan ka fogaynba, ninkii Fatxi shaqadii baa laga eryay.

Shaqo ka tagista Fatxi qiso caan ah bay lahayd, waxaana sabab u ahaa jaadka. Si ay ka ahaydba, waakii maalin uun meesha shaqada ku tufay hadhaaga caleen jaad oo uu daanka ku ururiyay, dhibaato wayn baana ka dhacday. Ninkii Peter Smith ahaa oo 15 sanadood meesha ka madax ahaa oo la tusay kuus cagaaran oo dhulka yaala, wakaas garan waayay ee shaqadii oo dhan amray in la joojiyo. Wakaas wixii markaas roodhi diyaar ahaa oo dhan amray iyakana in la daadiyo. Wuxu u qaatay inuu waxaas cagaaran, ee hadana qoyanni maaddo sun ah, oo cuntada meesha lagu samaynaayo si sahlan ula fal-gali karra noqon karo. Qolyaha caafimaadka deegaanka qaabilsan ayuu u yeedhay, iyaka ayaana u xaqiijiyay inaanu waxaasi sun ahayn, waxay se garan waayeen waxay ku sheegaan. Wax la iska daba laabtoba, shaqaalihii ayaa sheegay inuu waxaasi jaad la calaaliyay yahay, waxaanay ku cadaatay Fatxi oo lagu ogaa inuu meesha jaad u soo qaato, maalintaasna afkaba ku hayay. Ninkii Peter ahaa oo arintaas si daran uga cadhooday ayaa Fatxi ku amray inuu dhakhso meesha uga baxo, dibna aanu ugu soo laabanin. Xataa lacagtii uu usbuucaas qaadan lahaana meesha ayaa lagu nadiifinayaa oo waxba naguma lihid baa Fatxi lagu yidhi. 

*** Fatxi waxa u bilaabmay wakhti dheer oo shaqo la’aan, qayilaad iyo dagaal dhinaca qoyska ahba leh. Marfashkii uu awalba ka xadiri jiray maalmaha uu fasaxa yahay, iyo maalmaha uu xanuunka aan jirin ku marmarsoodo ee fasaxa la siiyoba ayuu saani u camiray. Baryihii shaqada lagaa eryay bilihii ku xigay shaqo ayuu raadraadin jiray oo Farduus baa goor kasta ku riixi jirtay inuu ordo, sida runtu tahayna, lacagta yar ee dadka bilaa camalka ah lagu guneeyaana jaadkiisa way ku filnaan wayday oo tasina dhan bay ka riixaysay. Si kastaba, ninkii Fatxi ahaa shaqo waa soo taaban waayay, dabeeto marfashkii buu si buuxda u fadhiistay. Fatxigii sadex sanno ka hor uu meesha Qaadiro keenay maaha ee waa xubin buuxda. Balwadihii hore oo dhan imika jaad buu ku badalay, aadna wuu ugu daranyahay. Marka uu geedkaas qaniino ayaa hadal ka furmaa, si wacana waa loo bartay. Gacantiisa bidix ayuu ku mirqaamaa, oo inta uu geedka cunaayo oo dhan suulka gacantiisa midig buu si xoog leh ugu duugaa baabacada gacantiisa bidix, waana sababta uu magaca Aw Mirqaan kula baxay. Waxa la moodaa inuu wax sacabkiisa ku dhagan oo kale ka xoqaayo, waxba se kama jiraan. Waxyaalo badan, oo badan buu bartay dhawrkii sanno ee meesha uu rasmiga ku ahaa, waxaana ugu horeeya qabaailka Soomaalida, gaar ahaan inta ay deegaan wadaagta yihiin oo si wacan uu u bartay. Sida runtu tahay, qabiilkiisa oo kaliya ayuu si wacan u bartay ee qabaailka kale si xun buu u bartay.

Wax kasta oo la sheego, run iyo been, oo uu is leeyahay reerkiinu wuu ku wacanyahay oo ka dhimani ma jiro; wixii uu u arko reerha kale inay meel-ka-dhac ku yihiina dusha ayuu ka wada hayaa, hadii uu wax u waayona, waaba loo sameeyaa mid cusub.

Rasaasta qorigiisu waa u buuxdaa, waxaanu diyaar u yahay goor kasta, iyo goob kastaba inuu dabka rido, laakiin waxa shardi ah horta qabiilka qofka uu la hadlaayo inuu ogaado. Hadaanu taas ogaanin sheekaduba uma baxdo. Wax badan buu xataa isagoo baska la socda dadka wixii uu Soomaali u garto hadal ku bilaabay, kana dalbaday inay u sheegaan cidda ay yihiin! Qabaailka uu carabkiisa seefta ah mariyo waxa koow ka ah qolada isaga Reer-Abtiga u ah, marka uu reerkaas maagayona, inta uu is yar xabeebiyo, oo codka hoos u yara dhigo, oo iska dhigo sidii qof wax muhiim ah soo wada, ayuu yidhaahaa, “Reerkaasi aniga ayay I dhaleen, aniga ayaa cid walba ka aqaana…” Hadii uu intaas oo marar badan laga maqlay gogol-xaadh ka dhigtona, wixii ka dambeeya oo dhami waa lidiq iyo uskag, waa se marka lagu eego indho miyir qaba. Hadii se indhaha Fatxi lagu eego, waa aftahannimo, geesinimo iyo raganimo buuro ah! Waa sidaas xaalkiisu, waxanu ku jiraa, sida ay isaga la tahay, dirir wayn oo aan tudhis lahayn, isagoo u qabaa inuu reerkiisa shaqo wayn u hayo. Wuxu ku doodaa inaanu nin qoys ahayn sida raga qaarkiis, ee uu nin qabiilo yahay, waxaanu ku hal qabsadaa oo hoos u eegaa wiilkii ay Ilmaadeerka ahaayeen ee Liibaan ahaa ee waagiina ku jiray kooxdii ka soo kaxaysay gurigii danlaawayaasha ee qoyskoodii u nooliday.

Inta uu dagaalkaas kaga jiro marfashka, waxa geesta kale iyo gurigiisa ka oogan dirir aan yarayn. Farduus waatii ilmihii afraad dhashay, dhibaato wayn ayaana ka dahcday. Markii uu sidkeedu soo dhawaaday, waatii u sheegi jirtay inuu guriga u batto oo marfashka joojiyo, si hadii ay fooli qabato uu ambalaas ka ugu yeedho, caruurtu na aanay u dayacmin. Muu yeelin sidaas, waxaanu sidii caadada u ahaydba, ku eedeeyay inay iska calool nugushahay oo warwar bilaa sabab ahi hayo. Intaas wuxu ugu daray, hadiiba ay sidaad sheegaysaa dhacdo, telefoonkii marfashka iga soo wac waan soo ordayaa. Sidii ay ka baqaysay bay u dhacday, telefoonkii uu sheegaayayna mashquul aan caadi ahayn buu noqday, malaha wuuba kala yaalay. Si kastaba, dhakhtarkii ayaa Farduus loo qaaday, caruurtii kalena waa lala kaxeeyay oo cid lagaga tago ayaa la waayay. Fatxi sidii caadiga ahayd, waabari ku dhawaadkii buu guriga soo garaacay, muu se helin cid ka furtaba. Wuxu u qaatay in ogaan loo dhagaysanaayo, cabaar baanu aqalka hortiisa ka caytamay, oo albaabka laad-laaday. Xataa laydhadhka guriga ee bakhtiisan wuu arkaayay ee marnaba maskaxdiisu way siin wayday fikir ka duwan midkaas uu qaatay. Gacmihii iyo lugihiiba way daaleen, qabaw badan iyo baraf na si daran bay u garaaceen….

…….Markii ay talo ku qaloocatay waakii dhankaas iyo marfashkii dib ugu huleelay, waxaanu ugu tagay ninkii indho-buur iyo sadex kale oo badiyaa waaga ugu bariya, markaas buu dib ula camiray. Wuu cadhaysanyahay oo hadal kama soo baxaayo, qoladan kalena waxay ku celceliyeen kalmadii ay maalin kastaba odhan jireen ee ahayd “Haweenkii way kibreen markii Yurub la yimid.” Iyo “Kaligaa maaha ee waa lagula qabaa.” Iyagoo isaga ku hal qabsanaaya. Hadaladaas dhago uma lahayn, waxbana  may ka bedelin ee wuxu ka fikirayaa gabadhaas uu qabo wixii uu ka yeeli lahaa. Taloow maxaad yeeshaa? – Ma mid kale ayaad guursataa? Ma baasaaboorka ayaad ka jeexjeexdaa? Ma dawlada ayaad u sheegtaa in magacay ku joogtaa uu qalad yahay? Ma caruurtaad ka qaadataa? Miyaad soo caydaa, mise waabad habaartaa? Mise… Mise…” aakhirkii wuxu goostay inaanu intaas midnaba samayn ee uu usbuuc ka maqnaado, kadibna, uu u tago oo maryihiisa uun ka soo qaato! Maalintii uu maryaha doontay ayaanay u cadaatay inuu sidii caadaduba ahayd, isagu qaldanaa, qaladna ku maqnaa. Inantii dhalashadeeda uu moogaa oo Bushra loo baxshayna markaas buu arkay. Si kastaba, inantii caruurta u waynayd ee Saamiya ayaa sinaba looga dhaadhicin kari waayay aabihiin wuu iska maqnaa, imikana waa iska yimid. Marar badan iyadoo ‘Stupid… crazy…’ hoos iyo korba u leh waatii laga maqlay. Marar uu xataa su’aalay cidda ay sheegayso ayaa jirtay, laakiin iyadoo sii jeedda ayay, “Not you… Never mind = adiga maaha iyo iska dhaaf.” Hadalka ugu gaabin jirtay!

Markas uun ma ahayn ee marar badan oo dambe waatii dhibaato aan yarayni ay isaga iyo Farduus ka dhex dhacday, badiyaana waxa sabab u ahaan jiray, una ah maamulka dhaqaalaha yare e qoyska iyo daryeelka caruurta. Wuxu doonayaa dhaqaalaha inuu gacanta ku qabto kuna qayilo, iyana taas ma ogola, sidoo kale, caruurta daryeelkooda, dugsi u kaxayntooda, ama sii duljoogooda hadii ay kaga tagto ayaa aad u dhibta. Farduus ma ogola inay lacagta adeega iyo kaadhka baanka toona u dhiibto, sababtuna waa duruustii ay ka baratay dhacdooyinkii hore. Marar badan waakii adeeg doonay, laakiin lacagtii adeega loo qoondeeyay ay marfashka iyo meelo ka shisheeya ku dambaysay. Marar aan tiro lahayn buu adeeg buuxa galabtii doonay, oo isagoo laba xabadood oo caano ah iyo bac roodhi ah wada uu 12 kii habeenimo, oo caruurtii gaajo ku seexatay soo hoyday. Wax badan baa dagaal fool-xumi arimahaas ka dhacay oo waakii xataa mar gidaarka madaxa ugu dhuftay ee intoo wajigu dilaacay uu xadhigaba ku galay. Laba sanno oo xadhig ah buu ka soo laacay, waxaana kiiska ku xoojiyay isagoo digniino hore qabay, iyo waliba, isagoo ogaa inay gabadhu dhiig-baxayso oo hadana aanu dhakhtar ugu yeedhin, cid kalena u sheegin. 

Waatii uu xabsiga ka soo baxay, ee loo sheegay inaanu gurigii qoyskiisu daganaa agtiisa ka wareegin, iyo in sadex bilood la eegaayo hadba sida uu u dhaqmo. Sidoo kale, waxay ugu dadaaleen inay shaqo u raadiyaan si ay uga hor tagaan inuu dambi kale galo camal la’aanta awgeed. Qoladii dusha kala socotay (Probation office) ee uu halkii usbuucba mar iska xaadirin jiray waakuwii u sheegay in xafiiska dawlada hoose looga helay shaqo, shaqaduna ay tahay nadiifiye. Fatxi wuu ku farxay shaqadaas, horey baanu ka aqbalay. Durba shaqadii buu bilaabay oo in badan baa la arki jiray isagoo ul dheer oo kuwa wax lagu nadiifiyo ah la wareegaaya. Dhawr usbuuc hadii uu shaqadii waday, waakii ku laabtay marfashkii ‘Jaamacada’ uu ula baxay iyo asxaabtii qadiimka ahayd. Sidii caadiga ahayd, waakii dagaalkii daaficista reerka halkiisii ka galay. Wax badan buu saq badhka marfashka ku gaadhay, intii hadhayna ula kacay gurigii saaxiibkiis Been ma sheege. Ayaamo dhawr ah waakii sababo kala duwan soo sheegtay oo xanuun ku jiro inaanu shaqadii iman Karin. Ayaamo kalena isagoo sidii xalay u soo jeedda ayuu ku jarmaaday shaqadii uu aadka u necbaa, laakiin uu lacagteeda aadka u jeclaa. Wax uu mudo sidaas rafaadka ah ku wadoba, waakii maantii dambe oo waaga ay ugu bariyeen soo kici kari waayay ee ma hadhadda reebay. Wuxu la yimid marmarsiinyo aan hore loo maqlin, lagana filaynin. Wuxu ahaa marmarsiinyo in badan oo dambe laga sheekaysan jiray. Intuu barqadii cod wayn oo hurdo ka muuqato ku soo hadlay buu soo sheegay inaanu shaqada imanaynin, sababtuna tahay xaaskiisii oo geeriyootay! Wuu ogaa inaan sabab kale shaqaynin oo uu sabibihii oo dhan wada dhameeyay, sidaas baanay la noqotay. Ingiriiska ayaa ku maahmaaha, “Qofka beenta sheegayaa waa inuu lahaado maskax balaadhan oo uu ku xasuusto been kasta oo uu sheegay, iyo qof kasta oo uu u sheegayba,” dabcan si aanay wararku isaga hor imanin, laakiin Aw Mirqaan xasuustaas ma laha.

Todoba ayaamood oo fasax geeriyeed ah kadib buu shaqadii ku soo laabtay, shaqaalihii uu meesha kula kulmayna si wadajir ah bay ugu tacsiyeeyeen iyagoo leh, “Waan ka xunnahay maqalka geeridda xaaskaaga…” Waxay se ceeb iyo ma-hadhoba dhacday markii uu Fatxi si dagdag ah ugu jawaabay, “Dhibaato ma jirto, mid kaleba waan heli karaa – no problem, I can get another one!” Arintaasi fajiciso ayay ku noqotay maamulkii iyo shaqaalihii dawlada hoose ee degmadiisa Totanham oo dhan, muddo aan badnayn kadibna, waxa cadaatay inaan warkiisa waxba ka jirin kadib markii uu isagu is buriyay. Mar kale ayuu shaqadiisii lumiyay, waana shaqadii labaad, uguna dambaysay shaqo uu Ingiriiska ka qabtoba. Ninkii Aw Mirqaan ahaa talo ayaa ku cadaatay, dan sidaas u sii badan se kama laha waxaas. Waatii Abtigiis Xaamud oo ay marar badan kala dhinteen, laakiin hadana ilayn ‘Sankaaga oo qudhmay lama gooyo’ uun wax ku waday uu dadaal dhexdhexaadin ah ka galay isaga iyo xaaskiisa. Dhab ahaan isagu jihada uu u kacaayo danba kama lahayn ee Farduus oo caruurtiina ku waynaatay, tacabkii nolosha England na ku batay ayuunbaa la maslaxaayay. Waa meel Ilaahay wax ka wade, waatii aqbashay bal inuu si qarsoodi ah, oo aan dawlada loo sheegin ku yimaado inta ay hubinayso inay wax iska bedeleen iyo in kale.

Durba waakii bilaabay inuu sidii dhurwaaga soo dhaco waaga barigiisa. Sanad dhawdhaw, oo laakiin dhib iyo muran badan buu qoyskiisii ka mid ahaa, laba wiil oo mataano ahina waa u dhasheen. Waakii guriga Been ma sheege, kiisa iyo marfashka ka dhexeeyay, Farduusna la hadalkiisa iyo ka hadalkiisa toona ma danayso ee faraha ayay ka qaaday. Waa la is arkaa uun ee cidiba wax isuma dirato, mana is waydiiso. Wuxu xaal sidaas ahaadoba, waatii inantiisii caruurta ugu roonayd, aadna u caqli badnayd ay ku kacday ee gurigii ka eriday. Saamiya waxay aabaheed Fatxi u sheegtay inay booliiska ugu yeedhi doonto isagoo hurda hadii aanu dhakhso xamaantiisa uga urursan aqalka, hadii uu maslaxaad u dhaqaaqayna, telefoon aan kaba fogayn bay ku booday oo 999 kii wacday! Waakii isagoo aan is ogayn, oo xataa aan haleelin maryihiisa gurigii ka cararay. Hooyadeed oo iskuulka caruurta ku maqnayd oo balan waalidiinta gaar u ah la lahaydna waatii galabtii timid. Waatii gabadheedii yarayd uga warantay wixii dhacay, waxaanay af Ingiriis iyo Soomaali isku qasan ku tidhi, “Hooyo, useless kii guriga waan ka eryay…”

Hooyadeed waxay su’aashay sababtu waxay tahay, waxaanay ku tidhi dee waa “Useless = bilaa faaiido.”, miyaanu ahayn? Intaas waxay ku dartay, “Waligiis kulanka waalidiinta ee iskuulka nooma raacin, waligiis waxbarasho nagama caawin, waligiis ciyaaraha caruurta ee debedda nooma kaxayn, waligiis wax nooma iibin, intaas oo dhan kadibna, adiga waaka sida adoomaha kuula dhaqma, sida runtu tahayna, anigu maba fahmi karo sababta ama sababaha aad guriga ugu ogolaatay!” Intaas waxay ku dartay iyadoo doodeedii sii wadata, “Hooyo, adigu ma doqon baad tahay, miyaanay sidaas aan sheegay arimuhu kuugu muuqan? Intaas aan sheegay, iyo in ka badan ba miyaanad ogayn? We have to act before it’s too late = Waa inaan wuxuun yeelno intay goori goor tahay. Maxaynu ka dheefaynaa joogistiisa?, ,miyanaad ogayn inay suurtagal tahay, inaanu aabo la’aan noolaan karno, adiguna aad nin la’aan noolaan kartid?” Doodaas qayaxan, ee qaawan, ee Soomaalinimada ka aradan bay gadhka u galisay hooyadeed. Sidda runtu tahayna, Farduus marna way naxday, marna murugootay. Wax jawaab ah ama jawaabo ah oo yarta ay u celiso ayay garan wayday, waxaana ka soo baxay hal erey oo ah, “Hooyo, raali ahaw mar dambe inagu soo noqon maayee!”

Sanawaad door ah waatii Aw Mirqaan meel uu jiroba warkiisa la waayay. Malaha inuu muujiyo inuu kaligiis istaagi karo ayuu isku dayaayay. Waakii Faarax-bustaale oo ahaa ninkii marfashka ka furtay magaalada Amsterdam ee Holland u tagay. Saaxiibbo cusub iyo deegaan cusub buu helay, laakiin wax noloshiisa baab cusub u fura ma helin. Waakii jaadka u tacabirin jiray Sweden, Denmark, Germany iyo Norwayba ee waxoogayga faaiidada ah ka samayn jiray. Wadanka Swedon waatii isagoo jaadka xambaarsan lagu qabtay istaanka tareemada ee Stolkholm, sanad iyo badhna xabiska la dhigay. Markii uu xabsiga dhamaystayba, waatii loo mustaafuriyay dhanka Ingiriiska oo uu mudoba soo moogaa. Durbadiiba wuxu iska xaadiriyay marfashkii ‘Jaamacada’ ee xaruntiisa ahaa oo muddoba ay is moogaayeen. Judhiiba waxa Fatxi loo sheegay in gabadhiisii oo haatan 18 sanno jir ah la soo doonaayo oo wiil jaarka ah ay arini u dhantahay. Markii lagu yidhi “Wiil dariska ah…” ba dareen baa galay. Qoyskiisa waxa la daris ahaa, walibba muddo aad u dheer, ninkii Sh Saleebaan Yuusuf oo isaga iyo qoyskiisuba ay reerkiisa caawin jireen. Wiilka Axmed ee caruurta ilma Saleebaan ugu wayn ayaa Inanta Saamiya ee Fatxi caruurtiisa ugu roon ay is fahmeen iskuna fiicanyihiin.

Axmed yare waa 21 sano jir, qaab-dhis jidh ahaaneed iyo  qurux maskaxeedna Ilaahay waa ugu roonaaday. Isagoo intan aad uga yar buu mudakar noqday, dhalinta qayrkiisa ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba, gees kasta oo ay ku tahayba, geel-daaq buu ka horeeyaa. Qoyskooda iyo qaraabada kaleba Axmed-waayeel bay ugu yeedhaan. Saamiya oo sadex sanno ka yar haatan laba sanno waxyar baa dheer intii ay sheekadoodu socotay. sanawaad badan ka hor intii aan dareen kalgacal meesha sooba galin ee isba uu intan aadka uga yaraa, Axmed wuxu aad uga caawin jiray Saamiya iyo labada ka yaryarba waxbarashada iskuulka oo uu aad ugu fiicnaa. Aabihiis Sh Saleebaan na waakii ku dhaar maray inuu isagu Farduus iyo caruurteeda adeega dukaanka u soo samayn doono mar kasta oo qoyskiisa uu u adeegaayoba, sidaas baanu ku soo waday sanado badan. Xaaska Saleebaan na waxay ka caawin jirtay, waliba muddo dheer, inay Farduus caruurta yaryar ka sii reebto inta ay kuwa roon-roon iskuulka ka soo kaxaysanayso. Farduus waxay hoos iyo korba isu waydiisaa nolosheedu siday ahaan lahayd hadaanay qoyskan daris la ahayn, laakiin jawaab uma hesho. Xidhiidhka Saamiya iyo Axmed-waayeel wuxu xidid dheer ku leeyahay deegaankaas rayska iyo caro-sanka ba ah ee Ilaahay isku toosiyay.

Ninkii Fatxi ahaa maantii warka loo sheegay warwar aan yarayn baa soo weeraray, isna tamar maskaxeed uu iskaga daafaco ma helin. Qoladii marfashka dhawr goor buu su’aalay inay xog ka badan “Wiil dariska ah” siiyaan, muu se ka helin. Saaxiibkiis Been ma sheege oo qudhiisu xabsiga dhawaan uun ka soo baxay waakii habeenkii guuraha ugu tagay. Meesha muu ka filaynin ee waatii la is nabdaadiyay ee muddo la qosqoslay. Fatxi irbad baa ku taagan oo qosolkiisu ma sii ridna, saaxiibkiisna wu dareemay. Intaanu su’aal ku bilaabin ayuu Fatxi kaga horeeyay, waxaanu ka warsaday inuu wax kala socdo inantiisa la sheegay in la soo doonaayo iyo in kale. Jawaabtii waxay noqotay “Haa”, waxaanu ku yidhi miyaanad marfashkii soo marin waaba halkaas meesha sheekadan lagu rogrogaa goor iyo ayaane. Waan soo maray, wax ka badan inantaadii baa la soo donayaana may ii sheegin. Buu ku jawaabay Fatxi. Anigaa kuu waramaaya ee ma garanaysaa ninkii Sheekha sheegan jiray, ee dariskaaga ahaa, ee aad odhan jirtay ninka gabadha igu dirra weeye…” Hadii uu halkaas maraayay buu joojiyay, waxaanu ku yidhi, “Waar ma Saleebaankii Gabooye ayaad sheegaysaa? Ku ye, “Haa, oo hadaa ma cid kale.” Aw Mirqaan warkaasi waa ka dagi waayay, waxaanu weerar afka ah ku qaaday saaxiibkiis, “Waar waligaba kalmad xalaal ah afkaaga lagama maqal ee ma beentaadii baa waxani?” Ayuu si kulul u yidhi Aw Mirqaan. Saaxiibkiis shidoba isma galinin ee, “Tanni waa dhab, hadaad rumaysan waydonna, soo waydii wixii magaalada ka jooga qoladeenii Reer-qudhac.” Buu ku yidhi Been-ma-sheege.

****La soco qaybta lixaad****

By Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *