Runtii ma aha wax sahlan, in aad qalin qaadatid oo mowduuc muhiim ah aad wax ka qortid. Qoraalku, waa wax aad u dhib badan, aqoon iyo

mawhibadna u baahan. Qof kasta wuu noqon karaa, Suxufi, laakiin,

qoraa ma noqon karo. Qof kastaa, in uu suxufi noqdo, waxa ku fulan, in uu barto Five [W] and [H] oo fure u ah habka ama hababka loo diyaariyo wararka. Inta kale waa isaga oo ku dadaala, sidii uu isu horumarin lahaa una ilaalin lahaa anshaxa Saxaafadda.

Qofka oo noqda qof qoraa ah, wuxuu u baahan yahay waxyaabo aan yarayn. Qofka oo jaclaysta, in uu qoraa noqda, waxa marka hore wanaagsan in uu dareemo mawhibad arrintaa u fuddudayn karaysa uu leeyahay shay kasta oo la doonayo in lagu dhaqaaqo, waxa wanaagsan marka mowhibad ka horeyso oo jeclaysiisa qofka in uu ku dhaqaaqo ama barto.
Mowhibadda ka dib, waxa looga baahan yahay, qofka qoraaga ah in uu ugu yaraan wax kasta wax ka yaqaanaa.
Sidoo kale, waa in uu qoraagu noqdaa, mid wakhtigiisa la socda markastana is horumariya wax cusubna doona.
Qoraaga wanaagsan, wuxuu la mid yahay, Ceelka markasta biyaha aan laga waayin, ama Shinida oo dabeecad u ah, inta aanay malabkeeda dhigin, waxay marka hore soo gurutaa ama cuntaa Ubaxyada ugu qurux iyo udgoon badan, ka dib inta ay malabka dhigto inta badan dadka ugu deeqdo, iyadana in yar oo keliya la hadha.
Qoraaga wanaagsan, waa ka ku dadaala, in uu akhristayaasha u gudbiyo macluumaad, aqoon taariikh iyo waxyaabo kale oo lagama maarmaan ah.
Xuquuqda Qoraha
Qoreyaasha, waxay leeyihiin xaq iyo xuquuq u gaar ah, oo la mid ah carruurtooda.
Xuquuqdaa oo ah, qoraaladooda. Qoraa kastaa qoraalkiisa, ama buugaagta uu qoro xaq ma aha in la sawirto bog ka mid ah ama la minguuriyo. Buug qof qoray oo aad dib u daabacid, ka dib magacaaga aad ku qortid waa dhac.
Sidoo kale Buug qof qoray, oo aad iska tarjuntid adiga oo aan oggolaanshe ka helin waa tuugnimo. Waxa loo kala saaraa oo la yidhaahdaa, qof meelo faro badan wax ka soo qaataa waa cilmi baadhe, qofk2a buug sidiisa u soo minguuriya ama turjuma waa budhcad.
Qofka qoraagu wuu soo qaadan karaa, Page ama in yar oo qoraal ah marka daraasad la samaynayo ama buug uu qoray. Laakiin waxa muhiim ah, in uu boga Buuggii uu ka soo qaatay xusaa magaca buugga iyo magaca Qoraagii qoray.
Caalamka horumaray aad ayuu u ilaaliyaa, Xuquuqda gaarka loo leeyahay.
Inta badan waxa ka mid ah, xuquuqda la dhaca qoraalada iyo qalabka Electronic-ada iyo Prograamada Computerada loo adeegsado.
Waddamada horumarka ku dhaqaaqay, waxa lagu qaadaa sharci adag kuwa ku xadgudba xuquuqda gaarka ah.
Dhibaatadu waxay ka taagan tahay waddamada soo koraya oo sharci iyo anshax qabanaya toona ma jiro.

mmkastan@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *