Hargeysa (ANN)Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray ( Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada ugu caansan somaliland, ayaa ugu baaqay bahda saxaafada somaliland inay sameeyaan Jamciyad ka shaqaysa guurka dhalinayarada. sheekh Aadan, wuxuu sidaa ka sheegay Munaasibad

 

ballaadhan oo shalay lagu qabtay Huteelka Crown ee magaalada hargeysa, taas oo ahayd munaasibad Meher oo loo sameeyay guurka  Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cabdi Cumar (Cirro)iyo  marwo Fihiima Axmed Cabdi.

Munaasibadda meherka ah waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi, 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faysal Cali sheekh, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, suldaan  Xasan Suldaan C/llaahi  salaadiin, culimaa’udiin, Odayaal iyo dhalinayaro ka kala socday  labada qoys ee ay ka dhasheen lammaanaha laysu guuriyey, kooxo ka socday saxaafada Somaliland  oo ka kala hawlgala hay’adaha kala duwan ee warbaahinta dalka iyo marti-sharaf kale.

Xafladda meherka qoyskaa cusub oo ay qabanqaabadeeda iska kaashadeen dhinacyo kala duwan, isla markaana ahayd mid weyn loo soo agaasimay, waxa nikaaxa Tifaftiraha Jamhuuriya iyo marwadiisa ku lammaanaa weedho kaftan iyo mahadnaq xambaarsan oo ay halkaas ka jeediyeen masuuliyiinta qaranka, madax-dhaqameedka iyo culimada lagu martiqaaday, kuwaas oo si weyn uga qosliyey in ka badan 200 qof oo munaasibaddaas ka qaybgalay.

Xiisaha iyo xamaasadda munaasibadda waxa kaalin weyn ka qaatay weriyaha caanka ah ee Khadar Maxamed Cakuulle oo barnaamijka xafladda meherka daadihinayey, kadib markii uu su’aalo lama filaan ah kaga nixiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo aasaasayaasha wargeyska madaxabannaan ee Jamhuuriya Md. Faysal Cali Sheekh oo haatan ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khaarajiga iyo  Xasan Siciid Yuusuf oo xiligan ah   Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE,  Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Sheekh Aadan X. Maxamuud (Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo madasha meherka lammaanahan oo ahayd mid laysku arkay ka jeediyey hadal kooban isugu jiray duco iyo mahadnaq, ayaa markuu damcay inuu makarafoonka wareejiyo uu weriye Cakuulle si kedis ah u weydiiyey su’aal kaftan ah oo jawaabteedu ku adkaatay, una dhignayd sidan; “Guddoomiye, had iyo jeer dadku waxay ku arkaan adigoo faraxsan oo dhoolla-caddaynaya, markaa goorma ayaad cadhootaa?”

Gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro oo  su’aashaasi ku noqotay kedis, waxa uu uga dabaashay jawaabteeda qaab dublamaasiyadeed, wuxuuna isagoo dhoolacadaynaya ku jawaabay; “Waa su’aal aad u adag runtii, laakiin waxaan jawaabta u dhaafayaa qolada saxaafadda.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi ayuu isagana weriye Khadar Maxamed Cakuulle weydiiyey su’aal ku saabsan xidhiidhka iyo ixtiraamka uu u hayo bahda saxaafadda Somaliland, maadaama uu ajiibay martiqaadka xafladda laysugu nikaaxay Tifaftiraha Jamhuuriya iyo marwadiisa, waxa uu sheegay inuu shaqsiyan saaxiib dhow la yahay warbaahinta.

“Runtii anigu aad iyo aad ayaan u qadariyaa saxaafadda, xidhiidh wanaagsanna waan la leeyahay, waayo waxa shaqadii i iigu horreysay ee aan qabto oo ahayd i qoray [isagoo farta ku fiiqayey] macallinkaygii warbaahinta oo ah weriyaha ruug-caddaaga ah ee Xuseen Cali Nuur, markaa ixtiraam weyn ayaan runtii u hayaa bahda saxaafadda…. Sidoo kale, inaan arrimaha siyaasadda Somaliland soo dhex galo waxa igu dhiirrigeliyey isagoo markale farta ku fiiqayey Cabdixakiin Maxamed Sheekh (Tifaftiraha mataanaha Jamhuuriya ee London). Alxamdulillaah dhiirrigelintaas waan ku guulaystay oo waaniga hadda dalkayga u haya mid ka mid ah mansabyada ugu sarreeya xilalka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka jawaabayey su’aasha xidhiidhiyaha xafladdu sida kediska ah u weydiiyey.

Waxa kaloo uu weriye Cakuulle su’aalo isku mid ah oo ku saabsan taariikhda guunka ah ee Jamhuuriya weydiiyey aasaasayaasha wargeyskaas Mr. Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid Yuusuf, kuwaasoo iyaguna muujiyey siday ugu faraxsan yihiin guurka mid ka mid ah dhallinyarada suxufiyiinta Somaliland ee ka faa’iidaystay khibradooda iyo waayo-aragnimadooda mihnadda saxaafadeed.

Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Siiro) oo ka hadlay munaasibaddaas ka hor intii aannu gelin hawsha Nikaaxa ayaa  bahda saxaafadda ee ka qaybgalay xafladdaas ku dhiirrigeliyey inay abuuraan jimciyad ka shaqaysa guur-wadareedka dhallinyarada Somaliland, waxaannu ballanqaaday inuu kaalin mug leh ka qaadan doono sidii barbaarta warbaahintu u abuuriyeen jimciyaddaas, isagoo hoosta ka xarriiqay haddii dhallinyarada aan weli guursan samaystaan sanduuq dhaqaale ay bishiiba min laba dollar oo keliya ku ridaan uu qorshahaasi suurtogelin doono in bil kasta loo guuriyo dhawr dhallinyaro ah oo guurka uga soomaanaa arrimo la xidhiidha dhaqaalaha xooggan ee waqtigan ku xidhan guurka bulshada Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *