London(ANN)Orodyahanka ku guuleeystay labada billadood ee dahabka Mo Faarax ayaa ku dhaawaqay in laba gabdhood oo mataano ah u dhasheen maanta.

Mo Faarax waxa uu sidaa ku sheegay isagoo u warramayay telefishinka Sky News, wuxuuna  sheegay in xaaskiisa Tania, ay dhashay laba gabdhood oo qurux badan, wuxuuna intaa sii raaciyay “waxaan idiin hayaa war wanaagsan oo aan idin la qeybsado.

Cayaartooyga MO Faarax ee haysta dhalashada Britain, isla markaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxa uu markii uu ku guuleystay labada billadood ee dahabka uu sheegay in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.

Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabadh yar oo la yidhaahdo Rihanna, oo xaaskiisa ay hore ugu dhashay nin hore.

Mar la weydiiyay in inuu xaaskiisa Cusbitaalka ugu tagi doono, Mo Faarax oo hadda jooga magaalada Birmingham oo uu kaga qeybgalayo cayaaraha Aviva Grand Prix, waxa uu yidhi”Maya, maya, maya, berri ayaan tartan leeyahay sow ma ahan.”

Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoodhkii u yaalay cayaaraha Britain. kadib markii uu qaaday labadii biladood ee dahabka Ciyaarihii olympic ee London lagu qabtay dhowaan. Mo Faarah oo u dhashay Somaliland, wuxuu dalka Britain tegey isagoo 8 jir ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *