Washington(ANN)Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Obama, wax yar ka dib guushii doorashada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Obama aqbalay iscasilaad ka timi madaxii hore ee CIA-da General David Petraeus, taas oo laga ogolaaday sida lagu sheegay

war saxaafadeedka kasoo baxay aqalka cad.
sababha is casilaada ayaa saxaafadda mareykanka iyo warbaahinta kale ee caalamkuba ku tilmaameen mid la xidhiidha kadib markii Gen. Petraeus  ku lug yeeshay fadeexad soo waajahday markii uu kufsaday haweenay xafiiskiisa kala shaqeynaysay.

Balse warbaahinta qaarkeed ayaa ku tilmaantay sababta loo bedelay Gen. David Petraeus oo ka mid ah  Generalada dhinaca dagaalka ee ugu caansan mareyakanka mid la xidhiidha arrimo badan oo aan ku ekayn oo keliya gogoldhaafka uu sameeyay.

wargeyska caanka ah ee  Washigtonpost ayaa sheegay in Gen. Petraeus uu gogol dhaaf lasameeyay haweenay ka shaqeynaysay xafiiskiisa Afghanistan, taas  oo shaqadeedu ahayd  qoraalada Dukumeentiyada, balse warar kale ayaa sheegaya inay qayb ka tahay sababta uu shaqada uga tegey guul darro soo wajahday Hay’adda CIA-da bilihii lasoo dhaafay.  kadib markii dad muslimiin cadheysan ay weerareen dhismayaasha safaaradaha Mareykanka ee Liibiya, Masar,Yemen iyo Pakistan, kuwaas oo magaalada Banghazi ee dalka Liibya ku dilay Safiirkii iyo sadex dublamaasi oo Maraykan ah, taas oo xudun u noqotay waxyaabihii Madaxweyne Obama xiligii kaanbaynka lagu ruxayay ee xisbiga Jamhuuriga musharaxa u tartamayay doorashada Aqalka cad ku kaanbayn garaynayay.

Gen.  David Petraeus waxa hore u ahaa  Taliyaha ciidanka Mareykanka ee Ciraaq, waxaana markaa kadib uu Taliye  ka naqday Afghanistan, halkaas oo ay ciidanka Mareykanka kala kulmeen guuldarooyin soo waajahay ciidanka maraykanka ee dagaalka kula jira Taalibaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *