Akhristayaasha Qormooyinkan kooban ee taxanaha ah iyo inta dal iyo dadba danaynaysa waxaan mar kale iyo marar badan oo kaleba ka codsanayaa in aanay cidna u jawaabin. Toobiyaha iyo tubta toosan ee aynu ku hollinayno in aynu wax ku saxno yaan la inaga leexin. Waa

codsi. Dheg  ha u dhigina dhawaaqyada  idin ku soo dhacaya. Waxa la doonayaa in aynu qof qof iyo koox koox isku qabsanno, innagana ujeeddadeennu intaa waa ay ka fog tahay. Yaan la damqan oo aan dareen loo yeelan inta u darban in ay jidka toosan inaga leexiso.

Intaasi waa iga dardaar-werin e’, taxanaheennii dib ugu soo noqo iyo toosinteennii, ttoobiyaheennii toosnaa.

Warqaddii xilka la igaga qaaday ee Madaxweynuhu ii soo qoray 29/8/2012ka, waxa la igu amray oo qoraal la igu faray:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Hore ayaan idiin ku sheegay oo gar-naqsigaygani waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Labada erey ee niyad sami iyo ku meel gaadh sidan Madaxweynuhu ku saxeexay uma qormaan ee waxay sax ku yihiin niyad-sami iyo ku-meel-gaadh. Malahayga waxa fiicnaan lahayd in Madaxweynaha Qaranka sharaftiisa iyo karaamadiisa la dhowro oo loo geeyo Af-soomaali saxan oo sugan oo aanay Odeyga waxba kaga soo noqon. Bal u fiirsada inta qof ee u shaqaysa ama xafiisyo ah ee Wasaarad Madaxtooyo iyo Af-hayeenba leh.

Anigu markii aan warqaddaa helay, War-saxaafadeedkii aan idiin soo daabacay ayaan qoray. Run ahaantii waxa ka yar horreeyay waxaan u malaynayo in uu wareysi ahaa oo wargeys iga qaaday oo aan ku sheegay in xil-wareejinta Wasaaradda ay ka horreyso xilalkii aan magacaabay oo la wareejiyaa. Labadan arrimood ayaa deggenaansho-la’aan ku riday Madaxtooyadeennii hilaadda, saadaasha, oddoroska iyo agatidaba gaabnayd ee aan qorshe-hawleedka la raaco lahayn.

Qormooyinkan taxanaha kooban ah ee aan idiin soo qoro waxaan bilaabay toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii Sebtember. Qormo walba inta aanay iga bixin ee aanay I dhaafin wax ka badan 10 jeer ayaan akhriyaa oo tifaf-tiraa. Intaas oo jeer ayaan tilifoonno diraa oo aan ereyada macnahooda iyo sida ay u qormayaan iska hubsadaa. Marka iigu danbeysa dhowr qof ayaan e-mail ahaan ugu diraa bal in ay iga hubiyaan in aan wax qalad ah ama af-lagaaddo ah qoray. Si kale hadii aan u dhigo waa la iga soo dhadhamiyaa, markaa ka dib ayaan daabacaadda wargeysyada iyo mareegaha u gudbiyaa.

Bal ka warrama afartan erey ee Madaxweynaha la hoos dhigayo ee ay qorayaan nimanka degdegga iyo diihaalka la sahayaa. Bal adba!

Aniga oo uu Madaxweynuhu qoraal igu faray in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhigga inta uu cid u soo magacaabayo, ayay haddana Madaxtooyadu soo jeedday habeenkii 31kii Ogos iyo 1dii Ogos kala wareegayeen. Bal hadda dhacdooyinkani yaanay idiin dhuuman ee u fiirsada. Isla habeennimadaa saqdii dhexe oo dhaqanka Madaxtooyadeenna ah, waxa la magacaabay Wasiirkii Warfaafinta. Waqti ku beegnaa 2.00dii saacadood ee subaxnimo ayaa la magacaabay, Wasaaraddana waxa la geeyay ilaa 7.00dii saacadood ee subaxnimo si wararka Radio Hargeysa loo raaciyo. Wefdigii Madaxweynuhu hoggaaminayay ee ka qayb-gelayay aaskii Meles Zenaawi wuxu Hargeysa ka baxay subaxdii hore ee ay bisha Ogos ahayd 1da, waayo aaska ayaa ku beegnaa 2/8/2012ka.

Ma maqli jirteen: “Hashu maankaygii gadday e’ ma mansaar ayay liqday.” Bal waxaad ka warrantaan Madaxtooyadan labadan go’aan qaadatay. Ka warrama Madaxtooyada 29kii Ogos tidhi “inta aan cid u soo magacaabayo” ee haddana habeennimadii 31kii Ogos Wasiirka magacawday. Qolyaheennii Bulshada rayidka ah ahayd waxaynu lahaan jirnay “Strategic Planning” iyo Qorshe Hawleedyo sannadle ah, bille ah, toddobaadle ah, maalinle ah, saacadle ah iyo waxyaabo la mid ah.

Bal ka warrama dalkan ku jira sidii Timacadde yidhi:

“Marka anad hammoon noloshu, waa mooyi dabadeed,”  

Go’aankaa Wasiirka Warfaafinta lagu magacaabay, waxa la socday xilal kale oo dad loo magacaabay. Waxa halkan xusid mudan in TV-gii Qaranka laga gooyay Wasaaraddii Warfaafinta ee uu ku sidkanaa ee uu habi jiray, isla markaana loo magacaabayay Maareeye. Agaasimihii TV-ga Qaranka oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay waxa loo magacaabay Af-hayeenka Madaxtooyada.

1/8/2012ka:

Sidii caadada ii ahayd ayaan u shaqo tegay si aan u diyaariyo xil-wareejintii Wasaaradda. Xafiiskii inta aan ka imid ayaan Hudheel Guuleed oo aan qolo kula ballansanaa imid. Dhaqankayga ma aha in aan hudheellada camal-la’aan ama ballan-la’aan iska tagaa ama iska fadhiistaa. Waa ilaa yaraantaydii, immikana waqti aan dhayal ku lumiyo maba haysto.

Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 11.15 gelinkii hore ah ayaan Hudheel Guuleed ka tegay. Aniga oo sii baxaya oo weli mooska dul socda, albaabkana aan gaadhin ayuu tilifoonkaygii soo dhacay. Waan eegay. Saa waxa shaashadda ku qoran “Timacad”. Markiiba waan gartay oo saaxiibkay Abiib Diiriye ayaa sidaa iigu diiwaan-gashan. Wuxu igu yidhi: “Waar Boobe iska warran.” Aniguna waxaan isu raaciyay: “Waxaan kugu hanbalyaynayaa xilka cusub ee laguu dhiibay.”Mahadsanid,” ayuu yidhi. Waxaan ugu daray: “Halkeed joogtaa.” Oo waxaan doonayay in aan u tago. Wuxu iigu jawaabay: “Golihii Wakiillada.” Intaa ka dib waxaan is-idhi malaha wuu hawlan yahay e’ la ballan, waxaanan kula ballamay Wasaaradda iyo berri.

Abiib waan ku mahadinayaa in uu ila soo hadlay oo weliba igaga horreeyay. Subaxnimadii aanu ballannay waanu isu nimid. Waxaan u sheegay in Madaxweynuhu qoraal igu siiyay in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhiigga, ka dibna adiga ku magacaabay. Waxaan intaa ugu daray in aan Cadami arki doono.

Akhristayaasha ayaa soo codsaday in aan halkan ku soo daabaco wareegtadii xilka la igaga qaaday, sidan ayaanay u qornay:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

Ujeeddo: Xil-ka qaadis

Mudane,

Waxa aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Haa…..Warqaddii Madaxweynuhu ii soo qoray taas ayay ahayd, tilifoonkaasina waa uu ka danbeeyay.

30/8/2012ka:

Hees Cali Sugulle Duncarbeed lahaa oo ay qaaddo ama ku luuqayso Hibo-nuura ayaa waxa ku jiray:

“Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaayee,

Hubsiimo hal baa la siistaa,”

Subaxnimadii aniga si fiican u lebbisan oo suudh madow xidhan ayaan ku kallahay xafiiskaygii sidii uu dhaqanku ahaa. Aad ayaan iskaga deggenaa oo culays badan ayaa iga dhacay, werwer badanina waa uu iga hadhay, mas’uuliyaddii aan la iigu xil-qabin ee inta badan la igu wanjali jirayna waa ay iga hadhay. Ilaahay mahaddii ayay ahayd in aanay Wasaaraddii Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu gacantayda ku burburin. “Ilaahow colkayaga, col ku furo” ayaan hoosta ka odhan jiray.

Waxaan xaqiiqsaday beryihii danbe oo dhan in ay wasaaraddu xuquuqdeeda iyo taakuleynteeda ku waayi jirtay: “Boobe ha fashilmo.” Bal se anigu ma aan fashilmayn e’, waxa burburayay hay’ad dawladeed, hay’ad ummadeed oo shaqaale afar boqol gaadhayaa ka hawl-gelayeen.

Subaxnimadii markii aan xafiiska tegayba, waxaan shir loo dhan yahay yeedhay Agaasimihii Guud iyo dhammaan Agaasimayaashii Waaxaha Wasaaradda. Waxaanu ka wada tashanaynay waqtiga ugu dhakhsaha badan ee xafladda xil-wareejinta loo samayn karo. Dhammaantood waxay isku raaceen in ay xil-wareejintu dhacdo 4/9/2012ka oo weliba lagu Hoolka TV-ga Qaranka. Sidaas ayaanu ku kala ambo-baxnay oo ay cid waliba waajibkeedii ku qaadatay.

War-saxaafadeed

Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), una dallacay derajada ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa war-saxaafadeedkan ku saabsan arrimaha la xidhiidha xil-wareejinta. Waa war-saxaafadeed kooban oo ku saabsan arrintaa xil-wareejinta oo keliya. Sida xil-ka-qaadistaydu ku timid waa dhacdo kale oo maalinteeda ama maalmaheedaba yeelan doonta, waana la iga dhur-sugayaa inta aan xilka dawladnimo wareejinayo, damiirka xalan ayaana sidaa I faraya.

27/8/12ka, waxaan soo saaray Go’aammo Wasaaradeed oo ku suntanaa Ref: 05/08/2012ka, oo uu ka mid ahaa:

Si ku-meel-gaadh ah in uu Xasan Maxamed Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-gu xilkiisii ugu wareejiyo Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa.

Xil-wareejintaas  waxa hirgeliyay Guddidii aan u magacaabay oo ka koobnayd Agaasimaha Guud, Agaasimaha Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta. Intaas waxa raacsanaa xil-ka-qaadista Agaasimihii Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan Media Group, oo halkoodii aan laba Agaasime oo cusub u magacaabay. Xil-wareejintaasi mid fulaysa uma eka, in kasta oo aan u muddeeyay maalinta Sabtida ee ay Bishan Ogos 1da tahay.

Aniga oo mar walba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celinaya magacaabistaydii hore iyo xil-ka-qaadistaydan danbeba, milge iyo maamuus badanna ugu haya qiimaynta uu I qiimeeyay, waxaan war-saxaafadeedkaygan kooban ku dalbanayaa:

In aan la gar-garoocan Go’aammadaydii ama Digreetadaydii Wasaaradeed oo aanay qaarna dhadhan samayn oo aan lagu degdegin kala-wareejinta, qaarna aan isha laga qarsan oo aanay fulin,
In xilalkii aan magacaabay xil-wareejin rasmiya oo ta Wasiirka ka horreysa loo sameeyo maa daama ay kala horreeyeen, milgaha dawladnimana sidaa ina farayo,
Haddii kale in Madaxweynaha JSL soo saaro go’aan uu ku burinayo Go’aammadii ama Digreetadii Wasaaradeed ee 27kii bishan dhammaanteed ama qaybo ka mid ahba,

Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan u hoggaansanahay hirgelintada Digreetadii Madaxweynaha ee xil-ka-qaadistayda, mahad iyo abaalna ugu hayo walaalkaygii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),

Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,

(La soco………………………………………)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *