Malaha arrintani mid sahlan ayay idin la tahay. Waa mid ka mid ah ceelashii Gobolka Gebilay laga qodayay. Haddii wasiir la magacaabay, aniga amar danbe la ima siin af iyo qoraal midna oo la iguma odhan xilka Wasiirka cusub ku wareeji. Run ahaantii waxaan u qaatay

in ay Madaxtooyadu ku talo-gashay in aanu mar kale aniga iyo Wasiirka cusubi isku qabsanno xilka wareeji iyo Cadami ayaa la igu yidhi ku wareeji.

Waxa intaas oo dhanba ka sii darneyd cid aanu wax weydiinna ma ay joogin dalkaba oo Madaxweynihii inta uu go’aammadan aan is-qabanayn soo saaray ayuu iska dhoofay. Waxaan la hadlay Wasiirkii Gaashaan-dhigga ee la igu yidhi xilka ku wareeji, waxaanu ii sheegay in uu u ambo-baxayo Bariga Sanaag oo aanu Hargeysaba joogayn.

Intaasi markii ay dhacday waxaan go’aansaday oo aan Wasiirka cusub ee Warfaafinta u sheegay in uu u soo diyaar-garoobo xafladda xil-wareejinta oo ku beegnayd 4/82012ka. Wuxu ahaa dariiqa keliya ee ii furnaa ama noo furnaa labadayadaba. Qasab ayay igu noqotay in aan buriyo amarkii qornaa ee aan haystay ee Madaxweynuhu qoraalka igu siiyay. Maxaa kale ee aan samayn lahaa! Wasiirkii la ii soo qoray “Inta aan ka soo magacabayo” maalin ka dib ayaa la iga daba keenay iyada oo aan wax ogeysiis ah la I siinnin. Amar danbe oo qoran la ima siin oo la I leeyahay Wasiirka cusub xilka ku wareeji, bal se kii hore ayaa sidiisii lagu daayay.

Wasiirkii la igu yidhi ku wareejina bari guntii iyo Sanaag Bari ayaa loo diray. Wasiirka in aan ku wareejiyo qoraal la iguma siin. Kaaga daranta Madaxweynihii wax la weydiin lahaana bax. Sidaa darteed ayaan go’aan ku gaadhay in aan wasiirka cusub xilkii ku wareejiyo si aanay meesha ugu dhicin malahayga xiisad loo dan lahaa oo Gobolka Gebilay mar kale lagu khalkhalinayay. Intiinna malawaalkan ka soo hor jeedda ama aan liqi karaynini, bal haddaba idinku keena saharaxa iyo fasiraadda sababaha ay waxyaabahan murugsan ee aan is-qabanaynini ku dhacayaan. 

3/8/2012ka:

Subaxnimadii hore ayaanu Wasiirka Gaashaan-dhigga isugu soo gallay Shirkadaha magaalada mid ka mid ah. Wuxu ii sheegay in uu saacaddaa u baxayay bari, run ahaantiina barxaddii baabburta ayaan ku arkay gaadhigiisii oo diyaar u ahaa in uu baxo.

4/8/2012ka:

Mar kale ma aan raacin go’aankii Madaxweynuhu ii soo qoray markii uu xilka iga qaadayay ee uui farayay in aan xilka Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyo Wasiirka cusub, bal se saaxiibkay Abiib Diiriye Nuur wixii aan xil hayay oo dhan ayaan ku wareejiyay oo uu ku jiro xataa TV-gii Qaranku.

Inta badan waan suntadaa khudbadahayga oo sida dadka qaarkii xaalkaygu gole-ka-fuul ma aha. Khudbaddaydii xilka aan kula wareegayay waa ay qornayd, khudabaddan aan xilka ku wareejinayayna qudheedo waa ay qornayd oo labaduba war-baahinta si xoog leh ayay u galeen. Haddii aan soo xigto, markii aan Wasiirka cusub xilka ku wareejinayay waxaan ku idhi:

“Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul.

Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku asturo hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya. Sidaasna waan ku duceeyay. Aammiin.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,

Bal hadda fiiro gaar ah u yeesha sida Madaxweynuhu go’aankii xil-ka-qaadistayda ii faray in aan Wasiirka cusub ku wareejiyo Wasaaradda Warfaafinta iyo sida aan ugu wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wasiirka cusub waxaan aad iyo aad uga xumahay in lagala hadhay qaybtii Wacyi-gelinta oo weliba markii danbena laga jaray TV-gii Qaranka oo Radio Hargeysa oo sharaf iyo kaaramaba lahaa caddaysimo laga dhigay. Xaqiiqadu waxay tahay in aan caddaysimo oo keliya laga dhigin, bal se TV-gii naas-nuujinayay ee habayay laga door-biday in lagu gunneeyo dad aan qarankan meerisna u soo tolin.

Taariikhdu waa ay iska soo noqnoqotaa, suugaanta ma-guuraanka ahna waxaad ku garataa sida ay goor walba u taagan tahay. Bal hadda qormadeennan 28aad aan ku soo xidhno beydad aynu ka soo xiganayno Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maanso uu tiriyay 1961kii oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Muqdisho tegay, waxaanu yidhi:

“Dan Soomaaliyeed lama hayee, wa dabbaal kale,

Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,

Danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,

Ee daasaskeennii wixii yaallay, lagu doortay,

Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaan e’,

Dibjirkiyo haddaan lala hadlay, dumarkan gaajaysan,

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degin e’

Hadduun baa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye,”

Malaha waan idin daaliyayba. Kol haddii aan ka tirsanaan jiray Bulshada Rayidka ah, bal aan dhaqankeennii raaco oo idiin soo koobo ilaa immika inta Qormo ee aynu wadaagnay ama wada akhrinayba iyo mowduucyadii aan kaga hadlay (Recap).

Waxaan idiin ku bilaabay Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa:

Ballaysinka Qormooyinka oo ahaa arar iyo hordhacba. Waxa dhex-taal u ahaa ereyga Sunnaha iyo waa Qormooyin kooban oo taxane ah,
Magacaabistaydii oo ku saabsanayd sidii xilka la iigu magacaabay. Labadaa qodob waxay igu qaateen saddex Qormo oo taxanahaygii koobnaa ah,
Xil-gudashadaydii waxaan ku soo koobay Qormadii: 4aad oo keliya, waxaanan idiin guud-maray wixii noo qabsoomay iyo mashaariicdii markaa socotay ee aan dhammaan. Waxa qaybtan idiin ku ladhnaa Qorshahayagii Shan-sannadoodlaha ahaa oo aan ku wareejiyay maamulkii xilka iga tirsaday,
Laga soo bilaabo Qormadii 5aad ilaa Qormadii 28aad waxaynu ku dhex jirnay Maagistaydii oo ahayd qaybta ugu dheereyd oo aan ku qaadaa-dhigay fal-xumadii iyo fool-xumooyinkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ka dhacay iyo saamaynta taban ee ay Madaxtooyadu ku leedahay habsami-u-socodka hawlaha Qaran, gaar ahaanna Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Waxa dhex-taal u ahaa Qormooyinkii 20aad ilaa 24aad oo aan kaga hadlayay Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Diri-dhabe bishii Maarj 1987kii oo aan uga dan lahaa:

Ururkii SNM waayihii uu ku sugnaa iyo sidii ay u dhaqmi jireen hay’adaheedii hoggaamintu gaar ahaan Golihii Dhexe oo wax badan ka fog kana duwan ururrada iyo Xisbiyada maanta jira oo aynu wax yar ka maqallo Shirweyne, Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed oo shir loo qabtay,
In aynu daalacanno qaabkii hoggaamineed ee Madaxweynaheenna maanta, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo shan sannadood iyo badh ah soo hoggaaminayay SNM,
Dhex-taallada kale ee aan soo qaatay ee SNM la xidhiidhay waxa ka mid ahaa xigashadii xikmadihii Danab Aadan Sheekh Maxamed (Shiine) iyo Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi. Xigashadooduna wax kale ma ay ahayn e’, hadalladii ay berigaa fogeyd ku hadleen ayaa maantana taagan oo sidoodii u nool. Danab Aadan-shiine waxaynu ka soo qaadannay: “Halkan in aynu isku raalli gelinno u maynu iman. Waxa dhiig la og yahay ku daadanayo isku raalli-gelin meynno.” Waa runtii Shahiidka oo maantana xikmaddaa ma-guuraanka ahi waa ay taagan tahay oo waxa dhiig la og yahay ku soo daatay la isku raalli-gelin maayo. Laaxin laga jari maayo.

Damal Cabdilqaadir Koosaarna waxaynu ka soo xigannay: “Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama in aan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamulna odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay midna waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtuna waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.” Oo Damal Koosaar muxuu u jeedaa? Waxa laga yaabaa in aydaan sideeda u garan xigashadan Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo. Damal Shahiid Koosaar xigashadiisani  waxay daarran tahay marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taageersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Qormadaydii: 2aad, waxaan ku soo gunaanaday:

“Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, aniga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sidan ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.

Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.”

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee koobnaa anigu qofaf, kooxo iyo qolooyin ugama dan lahayn weligayna waxaasi iyo wax la mid ahi midkoodna hadaf iyo yool aan higsado ii ma noqon. Waxaan kaga hadlayay oo aan si naxli la’aan ah Qormooyinkaygan ku gorfeynayay arrimo iyo dhacdooyin (isuues and events) shacbigan Somaliland saamayntooda ku leh oo sabab u ah dibudhaca iyo hagaaska taagan ee aynu la hinqan la’ nahay.

(la soco………………………………………….)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *