Illaahay ayaan Belaayo iyo Baas ka magan gallay(SHUUSHOW BAX SHAROW GUUR), Ciddii iyadu badheedh u raadsata, ee u qalab qaadata, ee guure iyo u galab carrawda, ee u heensaysata, ee u sahay qaadata, ee weliba u deyn qaadata, ee weliba u barya tagta, ee weliba u guubaaba gasha,

Ilaahay ha innaga bad baadiyo, hana ku koobo wixii falkaas ku hawl gala….. Aamiiiiiiiiiiiin.

Maanta Somaliland waxaa ka taagan, Yulqan, Sawaxan, Hugun  iyo Guux wada dhiilllaysan. Waxa jira guryo laga murugaysanyahay oo Tacsiyadi Taallo(Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii ay ka baxeen, inta dhaawaca la jiiftana Ilaahay caafimaad deg deg ah ha siiyo . aamiiiiiiiiiiiiin) iyo guryo laga dabbaal degayo, Dad faraxsan iyo dad ciil iyo cadho gadhka iyo gondaha isla galay oo talo ku ceeryoontahay.

Arriintu si kastaba ha iska ahaatee, waxaa lagu kala baydhi waayey oo sida cad ceedda u iftiintay in mashaqada maanta dalka taalla ay ka dambeysey wax loogu magac daray MUSUQ-MAASUQ iyo WAX ISDABA MARIN ka dhacday Doorashooyinkii  Deeegaanada Somaliland ee taariikhdeedu ku suntanayd 28/11/2012. Waxaa caddaatay in dadkii dacwadahooda u gudbiyey  Maxkamadaha Gobolada qaarkood loogu jawaabey jawaabo aanay marna filanayn oo ka mid yihiin “MUSUQ MAASAQA DHACAY CID WALBA WUU U FURNAA”.  Haddaba haddii Maxkamadihii Ummadda kala saari lahaa ee caddaaladda ka adeegi lahaa sidaas u dhaqmayaan yaa ummadda u soo socda oo xaqa iyo caddaaladda ku kala hagi doona?

Hadal isagaa isu badan e, Musuq_Maasaqan iyo wax is daba marintan ayaa sida la sheegayo ay ka dambeeyeen Garabyo iyo dad mas’uuliyado kala duwan bushada iyo Xukuumadaba ka kala haya, isla markaasna fashiliyey Komishankii Doorashooyinka oo cid waliba ogtahay inay baal dahab ah kaga jireen wax qabadadoodii hore ee ay ka mid ahayd doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday 26/06/2010 kii, Doorashadaas oo sidii xaqa iyo caddaaladda ahayd ay kaga midha dhaliyeen.  Dhibaatada maanta  doorashadanu ku todoba baxday, afartan baxana ku suguayso maaha mid sababteeda Komishanka u gaar ah, balse waa mid si badheedh ah  komishanka  loogu musuqmaasaqay, taas oo keentay in xataa Komishanka naftiisu ku hafto, oo jaha wareer ka qaado.

Marka aan Xaqiiqada ku soo dhowaanno, waxa hubaal ah in Madaxweynaha Somaliland iyo Komishankuba  filanayeen inay Doorashadu si Xor oo Xalaal ah u dhacdo, kuna mutaystaan sharaf iyo Maamuus, balse sharaftay filanayeen  ciddii ka hawl gashay Musqumaasaqa ay ka dhigtay hal bacaad lagu lisay. Waxaan leeyahay, Komishanku wuu ogyahay cidda ka dambeysey iyo shakhsiyaadka ka hawl galay ee sida foosha xun ay kamaraduhu u qabanayeen, maantana ku wa ku eedaysan ee loo aanaynayaa waa  iyaga (Komishanka).

Waxaan ku soo Gunaanadayaa, waxaan  Walaalaheen Somalia kaga soo go’nay waa Musuq-Maasaqii Xukuumaddii  Mohamed Siyaad Barre. Maantana Musuq-maasaq weyn ayaa dalkii ka dhacay. Musuq-maasaqaas waa in ciddii ku suntan runta laga sheegaa oo weliba Komishanku ka sheegaa,  Madaxweynuhuna Tallaabo wax lagu qaato ka qaado, kana horreysiiyo ku dhawaaqidda xalka lagu waajahayo Musuqmaasaqa aafeeyey doorashadii Deegaanada.

Haddii taasu dhici weydo, Saadaashu Waxay Ifafaalinaysaa Inay Doorashadanu Noqon karto Tii Ugu Dambeysey Ee Somaliland Laga Qabto, waa haddii aan Caddaaladdu si dhakhso ah Wax uga Qaban ciddii  ka dambeysey Musqu-Maasuqii Iyo Fashilintii Kommishanka Doorashooyinka !!!!!

Waa Heestii ka hadleysey “MUSQUMAASAQU” cawaaqib xumada uu leeyahay.
http://www.youtube.com/watch?v=F2vhp_PFrIk

Waa Billaahi Towfiiq

Ahmed Shire (Baandheeye)

Hargeysa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *