Jabuuti-Aduunyadan aan ku nool nahay waxaa la isku qadariyaa oo la isku maamusaa guulaha aad ka gaadhay noloshaada iyo mida aad ku soo kordhiso bulshadaada, taasina waa ta bulshadu horumar ku gaadhi karto haddiise aan la hanbalyayn qofka mutaysta waligeen

kob caano leh ka soo biyo cabi mayno.
Sikasta oo ay ahaataba waxaa dhaqan u ah in cid walba oo hormar iyo guulo la taaban kara hiigsanaysa in loo hanbalyeeyo oo lagu dhiiri galiyo wax qabadkaa uu qabtay si ay ugu noqoto miqiyaas uu ku cabiro waxqabadkiisa iyo sida loogu riyaaqsan yahayba, hadaba waxaan la iska indho tiri Karin waxqabadka la taaban karo ee ay ku talaabsatay marwada Madaxwaynaha  Khadra Xayd.

Iyada oo tusaale u noqotay marwooyinka  kale ee Jabuuti in ay ku daydaan oo ay ka eegtaan waxqabadkeeda, taasina waa ta keentay in aan  ku soo qaado talaabada hormarka leh ee ay khadri gaadhay intii ay xilka haysay, waxaa Jabuuti soo maray marwooyin ka horeeyey  Khadra Xayd oo dhamaantood in doora hayay xilkaasi balse aan ka tagin shay kaliya oo lagu xasuusto oo dhaxal gal u ah dadwaynahah amaba soo jiita indhaha bulsho waynta reer Jabuuti, xataa iska daa soo jiidashe ee qofna muu soo hadal qaadi jirin, balse maanta oo ay la wareegtay Khadra . Xayd ayaa waxay noqotay hoyada dhabta ah ee  dadwaynaha reer Jabuuti wada dhugtaan oo ay afka ka qaadi waayaan hormarka balaadhan ee ay ku talaabsatay gabadhii ugu horaysay ee mayor dalka ka noqota iyadoo u jeexday tobiyo suuban oo mayorada ka danbeeyaa ku hiran doonaan oo ay is waydiin doonaan maxaa lagugu xasuustaa ee aad soo kordhisaa????

Haddaan jaleecno waxqabadyada taariikhiga ah ee lagu xasuusan doono Khadra oo mudo ku dhow sannado yar gudahood waxa ka mida kor u qaadka iyo horumarinta dhinaca siyaasadda haweenka reer Jabuuti oo wakhtiyadii hore aan wax awooda ku lahayn ka qayb galka arrimaha siyaasadda, ayaa imika waxaad markiiba dareemaysaa horumarka haweenka  sameeyeen,iyo doorka ay ku leeyihiin hada kuraasta iyo xilalka ay ka hayaan dawladda,

sidoo kale waxay  dumarka Jabuuti ay sameeyeen horumar badan, waxaanay qayb libaax  kaga jiraan horumarka Xukuumadda talada haysa.Waxaanan aad ugu faraxaysaa hada  kaalinta ay haweenku ka qaataan golayaasha kala duwan ee dawlada Jabuuti sida baarlamaanka, golaha Wasiirrada iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada sida, ganacsiga, waxbarashada, Jaamacadaha, caafimaadka iyo wax kasta oo horumar u ah bulshada Jabuuti;

taana waxa u sababa oo amaanteeda iska leh oo aan cidina halmaami Karin dadaalada kala duwan ee ay u gashay kor u qaadida arrimaha haweenka waxaany Khadri maadaama oo ay  haweenku door weyn ku lahaayeen dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida guumaystihii iyo waliba walaalayntii bulshada ka duwan eek u dhaqan dalka isla markaana ay xaq u lahaayeen inay wax kasta qaban karaan

Sidoo kale  waxa iswaydiin leh guusha intaa leeg muxuu ku gaadhay madaxwaynuhu,yaa se sabab u ah xagayse ka timi maskax kasta oo fayow,caafimaad qabtaa markiiba way garanaysaa,kolkuu dib u yara milicsado tabihii iyo farsamooyinkii taariikhda lahaa ee uu kursiga madaxtinimada ku hantahay marka laga yimaado tiisa gaar ka ah,sidaa daraadeed qof kasta oo danaynaya jirtaanka qarannimada Dawladda Jabuuti,

Waxa uu odhanayaa yaa kale se waa Khadra Xayd,waayo soomaalidu hore ayay ugu maahmaaday sadex waligaa ma gaadhid Nin kaa Faras wanaagsan waligaa magaadhid,nin kaa Aduun badanna waligaa ma gaadhid,Nin kaa Gabadh wanaagsanna waligaa ma gaadhid .

Guntii iyo gabagabadii waxay tani anfariir iyo af kala qaad ku noqonaysaa cid walba oo aan jeclayn hormarkan la gaadhay iyagoo miciinsan doonaan guux iyo hadalo dhiilo ah oo aan la jeclaysan
Waxaan u soo jeedinayaa reer Jabuuti inay raacaan toobiyaha hormarka ah ee maamulku wado lagulana xisaabtamo wax walba oo qalada oo dhinacooga ka yimaada si sharaf iyo xushmadi ku jirto, sidoo kale lagu taageero oo lagu bogaadiyo waxqabadka indhaha aan laga qarsan Karin ee ay ku talaabsadeen

Axmed   Maxamuud,

Tel:002522=9118404,

Kobciye999@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *