Inta aanaydaan Maqaalka akhrisan bal heesta ku lifaaqan ee “ILDUUF” dhegeysta.

Mashaqadii ka dhacday Doorashadii Deegaanada ee S/land  ayaa loo arkaa inay  cawaaqib xumo ku reebi doonto

habsami u socodkii iyo hannaan wanaagii Dawladeed ee Somaliland.  Musuq-Maasaqa oo  sida lagu kala baydhi waayey noqday mid laafyaha labaxay maalintii doorashada iyo ayaamihii ka dambeeyey, ayaa wuxuu  dhaliyey jawi cakiran oo aan madax iyo majo toonna lahayn. Wuxuu kaloo dhalieyey “Isku Weesaaq” iyo “Iska Daba Wareeg”, sababayna dhimasho iyo dhaawac dhaxalsiin kara  Shicibka Somaliland iyo Xukuumadiisaba dheg  xumo iyo siyaasad  dhiillaysan oo dhibteedu dheeraato. Inkastoo dhibtu jirto, haddana wada jirka, nabadda iyo isu tanaasulka ayaa Somaliland muqadas u ah, qof kastaana ku miyirsadaa.

Musuqmaasaqa iyo Meelaha Sartu ka qudhuntay waxaa ka mid ah: Komishankii laba go’aan oo is burinaya ayuu iska soo daba saaray. Kaaga daran e, ilaa iminka Komishankii si “official” ah wax natiijo ah oo ay ka soo saareen Doorashadii  ma jirto. Maxkamadda oo si Duu-Duub ahKomishanka ugu soo celisey wixii loo gudbieyey, ee la magac baxay “Iga gaadhsii”.  Maxkamadaha Degmooyinka qaarkood oo xil dhibaanno dhaarinaya. Musharrixiin badan oo cabashadooda Maxkamadaha u gudbiyey oo ilaa iminka aan helin waxay ku qancaan, isu hambalyanta bar-bar socota, cabashooyinka iyo tabashooyin fara badan oo  gudaha Ururada qaarkood ka dhex maleegan.

Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, waxaa  lagu kala baydhi waayey, in Komihsanku  ilduufay oo ku guul darraystay  Xilkii loo igmaday, hase yeeshe, Komishanku ka war-wareegayaan inay shaaca ka qaadaan meesha laga raacay ee xilkii ay Qaranka u  hayeen ka fashiliyey.

In kastoo Maanta arrintu taagantahay  “MACAL CUNE MUUQAN DOONEE”, haddana dadka odoroska siyaasadda mala awaala, waxay is weydiiyaan; Haddii Komishankii ilduufay, tolow maxkamaddu miyey Iilduufi doontaa iyaduna? Oo haddii Maxkamadda qudheedu iyana ilduufto, Madaxweynaheenna, Mudane Ahmed Mohamed, miyuu isna ilduufi doonaa? Su’aalahan ayaa badankooda lagu jawaaba; haddii Maxkamaddu ilduufto, Marnaba Madaxweynaha laga fili mayo.

War jiraaba Cakaara ayuu iman e, Wararka isa soo taraya ee bar bar socda mala awaalka aan kor ku soo xusay, ayaa waxaa la saadaalinayaa inay Komishankii Doorashooyinku qaban qaabinayaan is casilaadoodii, iyagoo u cuskanaya in Musuq-Maasuq qara weyn oo laba laxaadsadey ku dhammaaday Doorashadii, taas oo ay u arkaan tan keliya ee sharaftoodii u soo celin karta hadday is casilaan. Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya ayaa la leeyahay inuu Madaxeynuhu ku hawllanyahay sidii uu shicibka, Ururada tartamayey, Deeq bixiyayaasha iyo Dawladaha caalam kaba u qancin lahaa, isagoo Golihiisa Wasiirada badankooda xilalka ay hayaan dhulka ka dhigya saddex mooyaan e, oo uu ka mid yahay saddexdaas Wasiirka Qorshaynta, in kastoo muran badani ka taagan yahay labada kale, balse aan u deynayo akhristayaasha sharafta badan…Kolley idinka ayaa iga xog-ogaalsan e, Maxaa ka jira is casilaadda Komishanka iyo Tan  wasiirada????

Waa Billaahi Towfiq

Ahmed Shire (Baandheeye)

Yufle1@hotmail.com

Hargeisa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *