qoraal2Alxamdulillah waxaynu soo gaadhnay bishii barakaysneyd ee Ramadan. Bishan oo aynu wada ogsoonahay qiimaha ay xambaarsan tahay iyo ahmiyada uu Allaah swt. Siiyey, maadaama

 

ay noqotay bishii uu soo degay Quraanka kariimka ah. Waxaynu isku diyaarinaa sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaa una Alla baryi lahayn si uu inoogu dambi dhaafo, naartana inooga xoreeyo. Haddaba anoon ku dheeraanayn in aan ka hadlo qiimaha bisha oo aynu ka wada dharagsanahay in badana lagu celceliyo karaamadeeda balse waxaan doonayaa arrinta aan cinwaanka ku soo sheegay in aan wax yar ka taataabto taas oo aniga iila muuqatay in ay muhiim tahay.

Ka soomida cuntada iyo cabitaanka

Waxyaabaha aynu ka soomayno waxaa ugu horeeya cabitaanka iyo cunitaka, hase yeeshee waxaynu taagteen ka qaadnaa marka lasoo gaadho xilliga afurka ilaa laga gaadho suxuurta. Haddaba muddada habeenkii aynu haysano ayaa waxaa iyana muhiim ah in cibaadada xoogga la saaro, quraan akhris iyo taraawiix ayaa geed ka go’an ah, waxa kale ee iyana muhiim ah in woxooga hurdo ah la helo. Haddaba cuntada la cunayo ayaa noqotay mashruuc ka balaadhan kii raashinkii caadiga ahaa ee bilaha kale la cuni jiray, taas oo dhaxalsiisa dad badan khaas ahaan haweenka in ay wakhti u waayaan akhriska quraanka ama salaaddaha dheeraadka ah ee la tukado. Su’aasha meesha taal ayaa ah ma khasabaa in waxaasoo wakhti ah cunto la galiyo? Anigu jawaabta aan u hayaa waa maya.

Maxaa kusoo kordhay cuntadii hore?

Markaan khaas ahaan ka hadlo dadka Somalida ah, waxaynu ku kordhinaa bishan cuntadii aynu hore u cuni jirnay waxyaabo aan caafimaadkeenna u fiicnayn, kuna keeni kara qofka isbaddel ama miisaan daro ku dhacda dhamaanba nafaqadii ay naftu u baahnayd. Waxaa ka mid ah arrintan sonkorta dheeraadka ah ee wax lagu cuno ama cabitaanka lagu darayo, waxa iyana dheeraad loo cunaa cuntooyin saliid badan lagu shiilay, iyo iyada oo saaha ama bunka la cabo goor habeena oo laga yaabo in ay hurdada kaa kexeeyaan. Waxa iyana dhibkeeda yeelatay cuntada culus ee la cunayo wakhtigii la seexanayey.

Waxaan talo ku siin lahaa Saayimka

Marka la adimo ee lasoo gaadho wakhtiga cabida iyo cunida isku day inaad ku bilowdo xabado timir ah sidii sunuhu ahaa, haddaad doonayso in aad wax cabto ha badsan biyaha hore si aanay kaaga buuxin booskii cuntada, waxaana haraadka hore u biiya biyaha diiran. Markaad salaadda maqrib ka soo dhamaato, waxaad cuntaa raashinkii caadiga ahaa eed awalba aad cuni jirtay, ama aynu nidhaa cashada. Maxaa yeelay cunitaanka waxyaabaha macaani hore ayay kuu dhargiyaan sidoo kale waxyaabaha saliida lagu shiilay ayaa iyaguna caloosha cilad ka abuura, taas oo kaa hor joogsan karta in aad xiiso u hesho cashadii muhiimka ahayd eed nafaqo ka heli lahayd. Marka aad cashayso waxaad cuni kartaa wixii macmacaan ahaa ee la diyaariyey iyo cabitaankiiba.

Haddaad u fiirsato xadiiskii ku saabsanaa cuntada wuxuu ina faray Rasuulkeenii scw. In caloosha saddex loo qayniyo in cuntada, badhna cabitaanka, iyo in aad ka neefsan karto.

Xigmad caafimaad ayaa ku jirta xadiiskan waana sida caafimaadkuna waafaqay. Waxase kaloon ka faa’iidaysan karnaa in cabitaanka la dambaysiiyo, sidaa daraadeed cun wixii aad cuni karto cabitaankana dambaysii.

Ujeedadii Soonka

Ha iloobin in ujeedadda Soonka ay ka mid ahayd in aad dareento qofka miskiinka ah een cunto haysan, sidaa daraadeed fasahaadka cuntada ee bisha Ramadaan ma aha wax loo baahan yahay. Waxaa wanaagsan in aan ku ekaano sidii caadiga ahayd ee aan awalba wax u cuni jirnay, waxa is baddalay oo kaliya xilligii wax la cunayey. Haddaad awoodo inta dheeraadka ah ee lagu kor darayo intii hore ku sadaqadayso walaalahaa baahan. In aan miis gadh ilaa gadh buuxinaa ma aha muhiim waxaa muhiim ah intaad cibaado shaqaysatay.

Haweenka iyo raashinka Ramadaanta

Dumarka ayaa noqday dadka ku dulman raashinka dheeraadka ah ee soo kordha bishan barakaysan, taas oo dhaxalsiisa in ay fursad u waayaan cibaado dheeraad ah iyo in ay quraanka akhriyaanba. Waxay saacado ka shaqeeyaan Saambuusa laabid, waxyaabo kale oo la dubo, Khudrado la jarjaro, Shurbad, iyo waliba Cashadii iyo Suxuurtii.

Intooda badani waxaa laga yaabaa wakhtiga ay dhameeyaan shaqadaa iyo waliba nadaafadii daba socotay in aanay waxba ku noolayn, taas oo aanay awoodi kari in ay taagnaato Taraawiixda ama akhrisato quraanka.

Haddaba waxay aniga iila muuqataa in dulmi ku jiro arrintan; waxaana muhiim ah in qoys kasta masuulkiisu ku dadaalo in dadka uu masuulka ka yahay cunto ku mashquulin bisha Ramadaan ee ay cibaado ku mashquulaan.

Sidee Cuntada loo Fududayn karaa?

Waxaa jirta siyaabo badan oo loo xalin karo cuntadan lagu mashquulay ee faraha badan

1- Waxaa la samayn karaa cunto dhawr cisho ku filaan karta, waa hadii Talaagad iyo

laydh jiro.

2- Waxa kale oo la dooran karaa cuntoohinka laysku badali karo iyagoo nafaqo ahaan

isku dhigma, taas oo laga yaabo in mudadda lagu diyaarinayaa kala hawl yarato.

3- Waxaa taageero la siin karaa haweenka ama dadka dabaakhaya oo laga caawin karaa

hawshan wax karinta si ay iyaguna fursad ugu helaan cibaadadda, hana la

xasuusnaado in dabaakha laftiisu soomanyahay.

Daryeelka dadka waaweyn iyo carruuta soomaysa

Waxa u baahan in fiiro dheeraad ah loo yeesho dadka taagta daran haddana soomaya, ha ahaadaan dad waayeela ama carruur lagu tarbiyadaynayo soonkaba ee labadan qolo oo u nugul in ay si dhib yar u haraadaan. Carruurta waxaa wanaagsan in laga fududeeyo wixii hawla ah lagana ilaaliyo in ay bacadka wareegaan iyagoo sooman. Sidaan ogsoonahay ayaa Ramadaan ku soo hagaagtay xili kulayle ah taas oo khaas ahaan dhulka xeebaha ah ama kululaada xiliga xagaaga ay sannadkan dadku dareemi karaan haraad dheeraada. Haddaba waxaa jirta marar haraadku uu xadka dhaafo gaadhana waxaloo yaqaan Surmi (Dehydration) Surmigaas oo aanay dadka xooga ah qudhoodu ka badbaadi karin haddii ay la kulmaan waxyaabaha sii kordhiya haraadka.

Biyaha jidka ku jira

Sida la sheegay dadka xooga ah 65% jidhkeena waa biyo, sidaa daraadee ayey muhiim u yihiin biyaha jidhkeena ku jiraa inaanay hoos u dhaadhicin, haddii ay u dhaadhacaana uu talax gab degdeg ah uu ku iman karo qofka. Biyahaas oo uu jidhkeenu uu u lumiyo dhawr siyaabood.

1- Neefsashada, oo ay hawada qoyani ka baxdo jidhka.

2- Dhididk, oo soo baxa marka jodhku kululaado si uu isku qabojiyo.

3- Kaadida iyo Saxarada, ayaa iyaguna biyo saadrka jidhka ka midah.

Goorma ayay Surmi (Dehyration) ku dhacaa?

Marka ay ka bataan biyaha jidhka ka baxayaa intii soo galaysay ayaa waxaa dhacaya haraad, taas oo aynu qiyaasi karo dhididka ka dhacaya dadka jooga meel kulul.

Maalmaha haddaba caadiga ah een la soomanayn waxaa lagu soo celinkaraa cabitaanka biyaha oo la badiyo kuwaas oo soo celinaya intii ka baxday jidhka. Haddiise la soomanyahay degdeg looma soo celinkarayo maadaama aan wax cabidi banaaneyn.

Maxaa keena dhididka faraha badan ee jidhka ka baxaya?

Sidaan hore u soo sheegay jidhku wuxuu soo tuuraa dhidid si uu isku qaboojiyo, waxaana u sababa kulaylkaa uu kululaanayo saddex arimood.

1- Qof ka shaqaynaya meel kulul

2- In dhulku kulul yahay cimilo ahaan (xeeb ama wakhti xagaa)

3- In qofku buko oo xumadi hayso

Iyadoo arimahaas aan kor ku soo sheegay iyo qaar kaleba keeni karaan in biyuhu jidhka ka yaraadaan, sida Kaadi Macaanka ama Sonkota, Maqaarka qofka oo gubta (Gubasho Khatara) iyo wax yaabo kaleba, ayaa waxaan ku soo koobayaa waxa keeni kara Haraadka qofka sooman iyo sida loo yarayn karo iyadoon Surmi dhicin.

Waxaa laga yaabaa in sannad walba aad maqasho dad ay naftu kaba baxday afurka hortii yar. Ma lihi ajasha ayaa la baajin karaa, waxaase jira astaamo muujiya in qofku haraad dhaafay oo uu surmi ku sugan yahay. Waxaana wanaagsan in astaamahaa la yaqaano si hadii ay dhacdo in qofka naftiisu khatar ku sugan tahay loo badbaadiyo.

Qaar ka mid ah astaamaha Surmiga (Dehydration signs)

Waxaa laga yaabaa in aan inteena badani dareeno astaamahan soo socda badhkood hase yeeshee aan soonka gaadhsiino wakhtigii la furayey.

1- Harraad

2- Kaadida oo yaraata, midabkeeduna isku baddalo huruud aada.

3- Afkoo qalala.

4- Indhaha xiribtooda oo engegta.

5- Dhididka oo joogsada.

6- Muruqyada oo garaac sameeya.

7- Yalaalugo iyo Mantag.

8- Wadnaha oo aad u garaacma iyo Neef tuur siyaado ah ( khaas ahaan markaad is taagto)

Surmiga khatarta ah ( last stage of Dehydration)

Astaamaha aan kor ku soo sheegay waa bilawgii Surmiga, hadiise uu kasii kordho waxa uu gaadhayaa heer ka durugsan. Goormaa hadaba loo baahan yahay in qofka naftiisu khatar ku sugantahay in la ogaado.

1- Marka qofka wax kala garashadiisu khalkhasho

2- Marka uu is dhaqaajin kari waayo ee uu tabcaamo.

3- Wakhtiga ay Maskaxda iyo Halbowlayaasha kale waayaan dhiig ku filan oo soo gaadha.

4- Ugu dambayn wuxuu qofku galaa Suurid (Coma) iyo Halbowlayaasha oo shaqada joojoya.

Waa hadaba hadii intii astaamood ee hore waxba laga qaban waayey, markase uu soo gaadho afarta qodob ee dambe waxa uu xaalkiisu qofka ku sugan yahay khatar.

Sida caafinaadku rumaysan yahay waxaa cadayn kara in qofka Surmi gawracay dhakhtarka oo kaliya, laakiin dadka intiisa kale waxaa wanaagsan in ay u dhug lahaadaan haddii uu xaalku ka durkay haraadkii soonka oo surmi qofku ku sugan yahay. Waxaana wanaagsan in loola ordo qofka gargaarka degdega ah intaanu suurin.

Sidee looga hor tagi karaa?

Khaas ahaan dadka dhul kulul jooga ama ka shaqeeya meel kulul sida madbakh lagu raagayo, qof dibad ka shaqeeya, warshad ama moofo iwm. Dadka noocan ah waxaa muhiim aha in ay nasasho yara qaataan markay mudo ku jiraan kulaylkaa, in ay biyaha ku maydhaan ama wayso qaataan, in ay xidhaan dhar fudud oon qoraxda soo jiidan haddii ay dibad ka shaqaynayaan; khaas ahaan ha xidhanin midabka madawga iyo wixii madow xiga, ku baddal midabada sida cadaanka iyo wixii u dhaw.

Waxa kaloo la yeeli karaa in shaqada wakhtigeeda la gaabiyo haddii ay suurtagal tahay. Dadka jooga waddanada qaarkood suurtagal uma aha in ay muddada shaqada gaabiyaan hase ku dadaalaan in ay qaataan nasasho gaaban (breaks)

Sidoo kale haddaad samayso jidh-dhisid ama jimicsi, waxaa wanaagsan in aad samayso wakhtiga aad wax cunto eed cabto. Waxa kale ood iska yaraysaa cabitaanka Shaaha iyo Bunka oo labaduba ay jidhka biyaha ka saaraan, sidoo kale cabitaanada ay ku jirto maaddada loo yaqaan Caffeine-ta, taas oo ku jirta shaaha, bunka, coke-ha iwm.

Waxaanad badsataa wax yaabaha biyaha jidhka kordhinaya sida, Xabxabka, Khayaarka, Tamaandhada, Saladhka, Shamaamka iwm. Biyaha caadiga ah een waxba lagu badhxin ayaa iyagu ugu wada mihiimsan wax la cabo; hasayeeshee biyo badan oo mar kali ah aad loo cabaa ayaa iyaguna dhib keeni kara, sidaa daraadeed isku day in aad biyo kugu filan cabto qorax dhaca ilaa laga gaadho fajarka.

Ramadaan wanaagsan,

Fardawsa Maax Xasan fardawsan@yahoo.ca

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *