qoraalSomaliland waa wadan markaad eegto jiritaankiisa iyo horumarkiisu ay si dhakhso ah isu dhaafeen, taas oo xowliga ay ku socotaa uu yahay mid hammuun qaba.

Dawlada Somaliland oo siday xaqiiqadu tahay qayb weyn bay ka ciyaartay kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha qaybaha kala duwan ee bulshada iyo adeegyadooda, ayadoo ku soo guulaysanaysa isla jaan qaadida da’yarta waxbarashada kasoo gudbaysa iyo mashaariicda bilawga ah ee soo hiraya.
Dawlada iyo dadkeeduba waxay go’aan cad ka qaateen ilaalinta nabada iyo dhaqanka fiican ee dadka iyo dalku iska leeyahay kaasoo heerkaa soo gaadhsiiyey.
Dawladu waxay isku dhaftay  oo ay  wax kasoo qaadatay dimoqraadiyada qaybtiisa wanaagsan ee ay is ogolyihiin dhaqankeena iyo dhaqankeenii oday iyo geedka lahaa oo asal u ah jiritaanka iyo dhismaha wadanka kaasoo marjacna u ah.
Aduunku waxuu kasoo gudbay marxalad hada sii gabo-gabo ah waxaanu ku socdaa marxalad laysu ixtiraamo waxaad haysato halkay awal ka ahayd in dawlado gaari ay falsafad hawaawi ah ay inta kale been ku daaqsiiyaan. Hadaba waxaad haysato ee lagugu ixtiraamayo waxaa kaliya ee illaalo u ahi waxuu yahay waa isu xidhka iyo wada jirka bulshada, taas oo ayada qudheeda aasaas usii yahay dhaqanka ama danta ay wadaagaan ahna waxay kusoo Caano maashay hase ahaatee aad moodo in xidhiidhada Caalamiga ah ee  maalgashi ay noocyo ka mid ihi hormood u yihiin ama ay noqdaan meelahii  ugu horeeyey ee  ay ka wiiqmato.
Hadaan tusaale usoo qaato mudo toban sano ka hor ah Qoraal aan akhriyey oo maanta asagoo dhab ah I hor yimid. Qoraalkani waxa uu ku saabsanaa Faransiiska oo resort area, Hotels, Dalxiis iyo Meelo lagu tunto Berbera ka samayn doona. Si kastaba ha ahaatee waxaa mihiim ah in indhaha la furo oo la eego isbedalada ummada ku imandoona dhaqaniyan iyo diiniyanba.
Waxaan dawlada ku boorinayaa horumarka iyo wax qabadka ay ku hawlantahay oo ah mid midho dhal fiican leh inay ku darsato inay hesho dad leh cilmiga ku tacaluqa Bulshada, ehelkeedana ah oo uga talo bixiya badalada iyo isbedalada ay dhaliyaan ama dhalin karaan wax bulshada ku cusub oo kusoo kordhay, ayadoo lagana faa’iidaysanayo islamarkaana khasaaraheedana layska jirayo, si’aaanay ummada waxaan loo baahnaynin uga dhex dilaacin.

By Sociologist Saciid Ciise ileeye

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *